Balse waxaadan hurahaynin
Tixahayga kuu heellan
Jeer aad hanuunaysid
Inaad ka haqab beeshaaye
Halbawlaha surkiyo dhuunta
Haanka iyo luquntaada
Margiyada hareertooda
Jaqallada hilboonaadey
Iyo rubadda halowdeeda
Xanaaq yaanu kaa haynin!
In aad meel hulaaqaysid
Anna meel ka soo heesay
Qabiil hoolif lagu caayo
Haddii aad halbeeg mooddey
Taasi wayska hayb haybe
Qabyaaladina waa halise
Waa lagu habsaamaaye
Hididdiilo kale yeelo!
Waa waxaad hinraaggeeda
Iyo hugunka dhuuntaada
Holaciyo kulaylkeeda
Harjadkiyo walaaceeda
Iyo hawkarkiyo daalka
Adoo ciil la hoyan waayey
Ficilada harraadkeeda
Habeenkii u guuxdaaye
Ha ku daalin hooggeeda!
Hurruqhaarruq baa badatay
Iyo heer saraan ahaye
Hiddihiina dhooqowye
Rag baa dabada laga heeray
Oo haaro loo yeelay
Markaad ku hindisoonaysid
Haasaawihii dhimaye
Hadaaqii yaraantaada
Miyaan lagugu hawshoonnin?
Mase dhaqan hallawgaaga
Iyo habacsanaantaada
Waa heelladii Yurube
Hadal toosan baad mooddey?
”Maandhow habka ilaali”
Ayaan hore mar kuu iriye
Himilaan u sii sheegay
Habayaaq inaad tahaye
Maahmaahda higilkeeda
Haddaan halal ka soo qaato
Hanjabaadda iyo caydu
Nabaddiyo hannaankeeda
Way kaa hawadiyaane
Hujuunkiyo colaadahana
Guul sooma hoyiyaane
Sidii haramcad gaajooday
Haragga ha ku cunin neefka!
Maahmaahda hilinkeeda
Haddaan hore u sii raaco
Inantii hordhalad qaadda
Hingaarnaanta ubucdeeda
Hadday maro hullaabnaato
Markay foosha hayn weydo
Hoosta iyo lugeheedu
Waa sida hillaaciiye
Hanan weydey sirihiiye
Hargeysiyo Burciyo Gebiley
Calankay harsanayaane
Dhulkii hooyo weeyaane
Hawlo kale miyaad mooddey?
Hunbaallaynta murankaaga
Waddan kale in aan haabtay
Maxaad iigu hiifhiiftay?
Hiilgurasho go’itaan ah
Heli maysid weligaaye
In aad calanka hiighiigtid
Oo aad hilfo u yeeshid
Waad ku hawirmaysaaye
Heshiiskii horaa yaale
Hoorkiyo ilmada jooji!
Weriyaha la halakeeyey
Maxaad heesta ugu cayday?
Hadhuudhkii la kala boobay
Musuqmaasuq baa helaye
Maxaad heeggan ugu doodday
Oo huga u saarsaartay?
Shacabkiyo hamuuntiisa
Dadka meesha lagu huurshey
Hayaaydiyo dhawaaqaygu
Hinaasiyo col ma ahayne
Maxaad ii horqabataysay?
”Hargeysaa hal lagu maalay”
Hawraartu ma ahayne
Adaa haatan wada taase
Labada maamul hoosaadba
Shacabkaas hunrigu diiray
Guurtidiyo hay’aduhu
Waxba uma hanbeeyaane
Ha difaacin haantooley!
Dhaartiyo hilaaddeeda
Saddexdii ha’ gaaboodba
Waxaan kuugu maray heedhe
Maskaxdayda hirarkeeda
Iyo laabta haraceeda
Hargeysa iyo shacabkeeda
Khayr baa u hoos jiifa
Hilow baana iga buuxa
Adigaan hubsanahayne
Himmadaydu waa saafi
Dhaar kale haddaan hoobsho
Hakashaba anoo diiddan
Hawaaraha quraankoo dhan
Iyo Eebbihii hoorshey
Ayaan haw ku marayaaye
Midnimada hummaaggeeda
Iyo heykal qarameedka
Ninkii meel ka hoolhoola
Hootadiyo warankayga
Hubuq in aan ku siin doono
Ha halmaamin waa dhaare!
Muqdushadaad habaaraysid
Foolxumo ma hoos taale
Hadduu Eebbe waa hodane
Dawlad loo hamrado geeyey
Hammigaaga nacasoobey
Colaad inuu ka hurin doono
Waa xalay habeenkiiye
Gadaal ugu hawoon mayso
Halaaggii la soo maraye
Hadda iyo wixii laaban
Horusocosho weeyaane
Hororkiyo waraabuhuna
Hawd bay ku go’ayaane
Heeshigu markuu dararo
Adoo hilibdalqaha muujey
Hangarallow ha caytamine
Haruubkaaga soo qaado!
Haddaan horumar kuu sheego
Ganacsiga hannaankiisa
Iyo kala habayntiisu
Hadaf suubban weeyaane
Isagaa hub iyo saanad
Dadka uga horseed roone
Markabkiyo hillaantiisa
Doonnida baddaas haw leh
Haraaciga dekedeheenna
Diyaarado hawada xiima
Oo Hindiya ka soo duulay
Warshadaha huluushooda
Baabuurta hugunkooda
Dharka iyo harqaankiisa
Iyo halalacdii suuqa
Ayaa loo han weyn yahaye
Maandhow hurdada jooji!
Harada iyo webiyaasha
Harabaynta iyo beerta
Galleydiyo habuuqeeda
Digirtiyo halweynkeeda
Canbaha heegga sare jooga
Babaygiyo hawada fiican
Hoobaanta iyo muuska
Liintiyo hufnaanteeda
Iyo hayjaddaas laacday
Ayaa loo hayaan yahaye
Maandhow hurdada jooji!
Tacliintiyo hoggaankeeda
Iyo hibasho doonkeeda
Hanboorriga adaygeeda
Hiinsiga jileeceeda
Haloosiga jidqaadkeeda
Helloonaanta fahamkeeda
Himhimow u tooskeeda
Hiraabtiyo kallihiddeeda
Hardafkiyo ku orodkeeda
Dugsiyada higgaaddooda
Khadda iyo hurmadowgeeda
Halganka iyo buugaagta
Qalinka iyo hayntiisa
Iyo hebed ka dhigiddiisa
Jaamacadda heerkeeda
Dhakhaatiir ka badan heedhe
Hanqaraarac lugihiisa
Ayaa la higsan doonaaye
Maandhow hurdada jooji!
Hanbalaalaq baad tahaye
Haybad iyo dadnimo yeelo
Hud-hud diradiraad tahaye
Heshiis iyo midnimo raadi
Hanfade roorayaad tahaye
Huduu iyo xasilid yeelo
Habqan baad u dooddaaye
Hal-abuur gingiman yeelo
Hurgufkaygu waa talo’e
Hidaayada ilaah baa leh
Doqontuna ma hanaqaaddo.
Shaafici Xassan
Maxamed
Dhalaandhuux@hotmail.com