Maansadan Waa maansadii afaraad ee Abwaan
Shaafici: Maansadu waxay soo baxday May 20,
2007 Waxayna Maansadu Uu Abwaanka Ugu Magacdarey
"Ha sii dayn hoggaankeeda". Waxay ku bilaabatey.
Marka Hore Hurrow geedka
Hooskiisa lagu dooday
Adoo haybad laad timiye
Halbalyiyo salaan qaado
Marka xigana heestaadu
Bilowgiyo horraanteeda
Qaafiyadda heerkeeda
Habdhaciyo farshaxankiisa
Hirarkii isdaba joogey
Iyo faraska heensaysan
Haruubgaalka xoortiisa
Iyo hoobalnimadaada
Ninkii dhuuxa ka higgaadsha
Oo hagar ka dheeraada
Hagaggiyo xisdiga dhaafa
Wuxuu helay aqoonteeda
Hibo in aad u leedahaye
Hiddahaaga weeyaane
Ha sii dayn hoggaankeeda
Marka xiga Hurrow taladu
Siday kaaga hoosaastey
Hubsashada la’aanteeda
Sidaad hadalka ula booddey
Hungo iyo daleel qaawan
Sidaad higil u moodaysey
Hodnaanta iyo moogaanta
Sidaad halis u daaqaysey
Halaqiyo masjoohaarka
Sidaad hilib u moodaysey
Hootada ku gaadaysa
Sidaad uga hurdoonaysey
Nin haddaada goobahaya
Sidaad ugu hubaynaysey
Nin hammuuman oo tuuga
Hoyga iyo aqalkaaga
Sidaad ugu horseedaysey
Rajadaadu hilinkeeda
Siday uga habaabaysey
Hayaankii dareenkaagu
Siduu hayjad ugu guurey
Hawraarta dooddaada
Markaan dhegaha hoogaanshey
Oon aad u hoomaayey
Anigoon hafrine dhuuxay
Hanqaloocsigii yaabka
Afkaan gacanta kula haarey
Maxkamadihii hunguriyoodey
Oo Xamar hunbaalleeyey
Haddaad heego roob mooddey
Galoof ay takari hooshay
Haddaad haan u culanaysey
Habaaskiyo gelgelinteeda
Haddaad u hanqal taageysey
Haynta iyo maalkeenna
Hiil uu kudkude buuxo
Haddaad ula hawoonaysey
Hangaralle iyo magaggooye
Haddaad huga ku qaadaysey
Jarihii hogtaad qaadday
Hadimada ilduufkaaga
Haddaan Eebbe kuu hiillin
Halhaleelna kuu caymin
Oo hanaddo kuu yeelin
Halaag baa ku gees maraye
Habeenkii tusbaxa qaado
Halalkiisa boqolkaaba
Hor alliyo wardiga suubban
Xamdinaqa ku soo hoori
Afarteenna hayboodba
Iyo wixii ka soo harayba
Markii haraca Nayroobi
Heshiis buuxa lagu gaarey
Markii haykalkii qaranka
Hay’adaha loo yeelay
Toban saniyo haahaabad
Wixii laysku wada haystey
Markii horumar laga doortay
Hididdiiladii shacabku
Markay heerka sare gaadhey
Rajadiyo hillaaceeda
Markay talo helloonaatay
Hororkii bunbada qaatay
Oo holaca baaruudda
Hareeraha u tuurtuuray
Hirgiskiyo colaaddooda
Kuwii laga hargeli waayey
Shacabkoo haraaryaysan
Kuwii hawsarkiyo jiibka
Hilbo daadsan kaga yeelay
Haydaaro iyo meel fog
Iyo Haashinkii carabta
Haajirkii ka soo dhuuntay
Oo dhagarta loo haystey
Kuwuu hagayey maankooda
Erreteri hogfiyo dalab leh
Oo hawada ka soo duulay
Kuwuu haalligga u dhiibey
Afganistaan habaar waalid
Waddankiisa laga hiifay
Kuwuu soo hirgelinaayey
Bagastaan hagoog qaatay
Iyo huluqyo laalaada
Kuwuu nagu hargaameeyey
Suudaan hingaar weyn leh
Hindidiyo bangaladeeshka
Kuwii nagu hujuumaayey
Wixii haadun iyo tuugo
Adduunyada ka soo hoomay
Kuwii nagu halaakeeyey
Nimankii hullaabtooda
Iyo hilifyo ceebeedda
Wajiyada ku heedaamay
Ummaddaan haldoorkeeda
Hurmuudka iyo madaxdeeda
Halyeygiyo lafdhabarteeda
Qaraxyada la soo huurshey
Iyo miino hugunkeeda
Nimankii la hoos joogey
Waayeelka haraboobey
Dhallintiyo hablaha suubban
Habrohoo tukubo qaatay
Kuwii jeedal haartiisa
Hawaaraha ka jeexjeexay
Hal-abuurka dhaqankeenna
Haqab beelka kaydkeenna
Iyo harada noo buuxda
Nimankii harraad moodey
Afka iyo haraagiisa
Hanbadii ka soo doogtey
Sida heerantii dumarka
Nimankii ka hulubleeyey
Oo heello kale qaatay
Nimankii hardida waalan
Higta iyo gariirkeeda
Haraatida madaafiicda
Hanqar dhegaha naafeeyey
Haddii maalin lagu heesay
Dhurwaagii halaaqooday
Warmo heegganiyo seefo
Haddii haanka lagu gooyey
Hurdufkii ka soo harayna
Haddii heelka laga saaray
Hayin weeye taladiiye
Horteennayna taallaaye
Hogashada maxaa keenay
Hawsha maa la boobsiiyo
”Hadhow iyo ka talinteeda”
Haddii aad Hurrow keentay
Waa hibasho waayeele
Halkaa waaban kugu raacay.
Shaafici Xassan
Maxamed
Dhalaandhuux@hotmail.com