HomeSuugaanSportsSawiroHistoryQuraanTahniyadForumContactEmail
Hees Cusub oo lamagac Baxday Dhahar (Erayadii iyo Laxankii Saalax Codkii iyo musikii Guuleed)    

Hidhig haadhig ehel maahan (by Maxamed-Deeq "Haldhaa")

SILSILADA HAANTA: ABWAAN MAXAMED-DEEQ OO AH ABWAAN TIRIYA SUUGAANTA NOOCYADEEDA KALA DUWAN AYAA WUXUU KUSOO BIIREY MAANSOOYINKII SILSILADA AHAA EE "HAANTA", ABWAANKU WUXUU SILSILADA KAGA SOO QEYB-GALAY MAANSADIISII UGU HOREYSAY TAARIIKHDU MARKEY AHAYD MAY 20, 2005.

Bismillaahi hadal kow dhe
Ayaan ugu horreysiiyeey
Horta aniga hebellaynta
Haldhaa gorayo baan ahaye
Walina haan ma aan lulane
Halna iguma seegaana’e
Heello maanso jiibteeda
Weligay Kamaan harine
Heelka laysu baanbaanay
Maansada hoggeed yaallo
Nin waliba hal buu degaye
Anna haabtay maankayga
Godkii ugu habboonaa dheh


Haantiyo silsiladdeeda
Raggii soo hor kacay doodda
Hawdka iyo Shaaficiga
Furay maansadaan haanta
Talaan soo hordhigayaaye
Geeluba hadduu didayo
Duqda iyo hashii weyni
Uma sii horreeyaane
Hal-abuurka suugaanta
Bulshadu way ku hirataaye
Halka kheyrka iyo nabadda
Waa inoow horseedaane
U hoggaansha meel fiican!

Ummaaddan halaagmaysa
Oo ka hartay qayrkeeda
Ee holaca lagu daaray
Yaan laysku sii hurinin

Diradiraha hadalkiisu
Waa hawsarkoo kale’e
Hooygeennii oo lumaya
Dadkii oo ka haajiraya
Haasaawe qoon daarran
Yaynaan u sii haamin

Afartaa higgaad kore dheh
Hor dhaceygii weeyaane
Waa hogol daruureede
Wali hooristii roobka
Hanqarkiisii baa laaban

Maahmaah horaa sheegtay
Haddaad dhinac u eex haysid
Dhankaagay habboon tahaye
Haawiya cadaabkeeda
Hohey aan ka dheeraanno
Anigoon hallayn erayna
Hareeraha markaan eegay
Oo hufnaan garta u qaaday
Waxaan helay xaqiiqdiiye
Inuu jiro wax hooseeya
Oo hadoodil lagu daahay

Hor Illaahay Shaafici day
Ninka yidhi hig baa yeedhay
Ee yiidhi huq baa taalla
Ee yidhi dad baa hoogay
Haween baa raggii waayey
Hengel baa la guud saaray
kufsi baa hablaha gaadhay
Hadal ba’an miyuu sheegay?!

Xabashiga hariiryaha leh
Huurada qudhmuunkaa leh
Hilibkooda caydhiinka
Baqtigana ku hiighiiga
Horta yaa u diir naxaya
Oo hayb wadaaggiis ah?!

Ninka heermay boqontiisa
Ee heedshay socodkiisa
Heerkii dorraad guuray
Ka hadhee aan gaaraynin
Ninka yidhi hareer qabasho
Halaq iyo abees gudaya
Hadhoow yaanay ina laynin
Horta yuu dhib gaarsiiyey?!

Ninka hooyga gurigiisa
Hoobiyaha la qabadsiiyey
Hantidiina laga qaaday
Habar wacadka qaylyaaya
Hilib kay wadaagaane
Hiillada hadduu doonay
Horta yuu dhib gaarsiiyey?!

Nimanyahow hir baa kacaye
Hillaac baa ka baxay meele
Horweyntiina lama geyne
Haanta lulid ku wada suubban

Gabo gabada heerkeeda
Waxaan hadal ku soo koobay
Himbiriirsi arag maahan
Hoos u guuxu dood maahan
Hagrashadu tolnimo maahan
Hibashaduna guul maahan
Halo buubsi libin maahan
Hayaankuna nagaan maahan
Haleeladuna adhi maahan
Horusocod danbeed maahan

Harag jiidku dumid maahan
Hirashadu bannaan maahan
Hurgumadu daweyn maahan
Hindisuhu wax qabad maahan
Hanbana soor macnele maahan

Hiirtaanyo nolol maahan
Higsashadu wax gaadh maahan
Gocoshadu hundhurid maahan
Hinaasuhuna sharaf maahan
Halgankuna bilaash maahan
Hidhig haadhig[1] ehel maahan
Hal-abuur wax fudud maahan
Yaysan taladu naga hoosin

Mohamed-Deeq Abdi-madar “Haldhaa” 20-05-2007

Sweden, Borlänge
Haldhaa35@hotmail.com

Hidhig haadhig: Waxaan ka wadaa (Ihaadhig) oo loo yaqaan Tigreega.

 

Back To Home