HomeSuugaanSportsSawiroHistoryQuraanTahniyadForumContactEmail
Hees Cusub oo lamagac Baxday Dhahar (Erayadii iyo Laxankii Saalax Codkii iyo musikii Guuleed)    

HILAACYAYN (SHAAFICI)

Kolkay maansadu tubta jaantaas ah tibaaxaysay ayaa waxaa soo galay Abwaan Shaafici oo ku soo galay maanso la magacbaxday ”Hillaacyayn”.

Deeqow hiyiga maanso
Iyo hawlkarnimadaada
Hididdiilo samidaada
Haddaan mawdku iga hiillin
Hurimahayo garabkaaga
Inaan heeggan diriraaye
”Haariban” dariiqeeda
Hirashada tixraaceeda
Halyeygii inoo qaabay
Hoguhuu inoo jeexay
Waxay haamiyeen qarane
Intay guushu hoyanayso
Hadafkeennu waa kaase
Gobannimada hilinkeeda
Fardo nadigu haareeyey
Hardaf bay ku marayaane
Hagar iyo jillaafooyin
Hoomadu ma daayaane
Intuu hoodaddee maagay
Habaaskii dad baa cunaye
Heestu way macaan tahaye
Waan wada hor joognaaye
Hig dheh oo hillaacyayn dheh

Faduushiyo hunbaallaynta
Gardarrada halgaaddeeda
Habash habashta iyo maagga
Halow halowda boodboodka
Halqafka iyo leexleexa
Haad haadka dalandoolka
Harga cunidda jaqafteeda
Iyo hiririg jiidkeeda
Salfudayd huluunbaynta
Iyo huguguf tuurtuurka
Handadaad la soo boodka
Doqonnimo la huudhaynta
Hoofaarka iyo guuxa
Damaciyo hulaanshaynta
Hiqhiqdiyo ilmiriglaynta
Hud-hudnimo ku naalloodka
Hargab fidinta hiihiida
Harreedleyda odayaasha
Gogoshiyo harkii suubban
Hindhisada ku biifbiifta
Hinraagiyo af kala qaadka
Huurada qalbiga jiifta
Halaaqaynta neeftuurka
Habasnimo dhabbacataynta
Dhaqankiyo hiddaha suubban
Hirmiidaynta giirgiirka
Hollobaynta maansoodka
Iyo doodda hoolhoolka
Huluqhuluqda guurguurka
Hufta samada heehaabka
Hirgiska iyo duulduulka
Hungowgiyo walaahowga
Hinaasihiyo reer diidka
Huqda iyo caloolyowga
Horornima xishood beelka
Hunguriyeynta weel raaca
Han yaraanta qaran diidka
Hongorraha qabiil doonka
Soomaali higilkeeda
Hayb hayb u kala qaadka
Hayinkiyo degaankeeda
Habar habar u kala goynta
Intuu haysto mooyaane
Inta soo hartoo gacal ah
Isku hurinta godobtooda
Hagardaamo doondoonka
Huruufkiyo nacaybkooda
”Wallaweyn” ku haaraanka
Hullaanjiga kuwii keenay
Hareeriga markaan taagey
Anigoon hujuum gaarin
Qorraxdoo harkii joogta
Waatay habqameyaashu
Habaqhabaq u yaaceene
Hig dheh oo hillaacyayn dheh

Deeqow halcelintaada
Hirar baa ka soo baxaye
Su’aashaada heegaysan
”Ha noolaato” sooyaalka?
Taariikhda hari weydey
Hormuudkeeda yaa sheegtay?
Yaa been ku haasaaway?
Hagag yaa la soo boodey?
Yaa sida hulqaha liita
Hoos hoos u guuxguuxay?
Sida hawtulhamag waalan
Hinbiriirsi yaw dooday?
Yaa sida horweyn ooman
Harraad ololka maansooday?

London iyo hilaaddeeda
Ingiriis ka soo haadey
Yaa heeryada u qaaday?
Hoggaankiisa yaa raacay?
Yaa habacsanaan muujey?
Yaa dhabarka hoogaanshey?

Goortay halkaas joogtey
Halgan iyo jihaad muuqda
Yaa hodanka gabayaasha
Hor ilaah u maansooday?
Guutooyin himilaysan
Yaa hawdadkiyo duurka
Hilbadirir ku maasheeyey?
Gumaysiga hawada weyn leh
Sidii haykalkii dawlo
Yaa haybad ula dooday?
Hammigooda yaa beenshey?
Haybaysi yaa diidey?

Kelitalis hub iyo xoog leh
Soomaali heelkeeda
Hadduu waa hagoog saaray
Goortuu habsadey meesha
Oo hogasho taageero
Hanuunkii la wada qaatay
Raggu ways hundo ogaaye
Inuu hadal ka soo laabto
Yaa ugu horrayntiiba
Halhaleel u soo boodey?
Dadkoo hoganayoo maahsan
Horseedkiisa yaa diidey?
Yaa gabayga hogoshiisa
Iyo hogo tusaalaynta
Hawaaraha ka jeexjeexay?
Hilib labo libaax doontay
Heer dhidar ayaa gaarey?

Waa hugun su’aaleede
Hadda yaa midaynteenna
Ku hagaajey weedhiisa?
Hantaawilif ka soo doogga
Hawraarsan yaa sheegay?
Humhumkii la kala daadshey
Yaw heellan dumiddooda?

Yaase ceebta hilaygeeda
Iyo go’idda hoohaarta
Gaar ula Hargeysoobey?
Yaa doodda habayaaqsan
Huruqhaaruqdiyo beenta
Huluulaha ka soo guuxey?

Deeqow haddeer maanso
Silsiladdaan hor joognaaye
Haantaa la lulayaaye
Ciirtaa hugloo socone
Waxa ila habboonaatay
In qabiilka hooggiisa
Hareer looga wada bayro
Oo laga hayaan raaco
Hilfahana la laalaabo
Oo haraca loo guuro

In habaarka iyo yuuska
Nimankaas haliilaaya
Oo baqadu heerayso
Cuqdaddooda heemaarta
Hunrigooda yaahuuda
Hufnaan li’ida murankooda
Kala jaridda hoygeenna
Hirgalkooda loo diido

Sayn iyo halqooq beena
Hawaday u taageene
Qoqob bay higsanayaane
Hayaydiyo tola’adooda
Ciil bay la hurayaane
In uu qaranku heeceeyo
Maandeeq horaadkeeda
Haaneed in loo dhiijo
Gacalnimo ka hoosayso

Afku sow hal qura ma aha?
Dalku sow halkii ma aha?
Diimaa la haystaaye
Teennu sow markay hoortay
Huud iyo ancaam ma aha?
Midab sow huruud ma aha?
Humaagga iyo diirkeenna
In aan kala habow muuqan
Alla hubanti sow ma aha?

Dumarkiyo haluuqooda
Nin og baa la haybshaaye
Deeqow hiraab tooska
Iyo guure heellaynta
Habeen iyo har kay doonto
Hees iyo wixii khayr ah
Alla sow heshiis ma aha?
Kalgacayl habboon ma aha?

Hablihiyo barbaarteenna
Habta iyo is gacan qaadka
Garoobbada hannnaankooda
Iyo halalacdii dookha
Naaskoo haruubkii ah
Wax kastoo hagaaggii ah
Ragga iyo haweenkeenna
Isu soo hilowgooda
Iyo halabsigii khayrka
Halbowlaha salaaxiisu
Alla sow hanuun ma aha
Hurdo iyo jacayl ma aha?

Shaafici Xassan Maxamed
Dhalaandhuux@hotmail.com

 

Back To Home