HomeSuugaanSportsSawiroHistoryQuraanTahniyadForumContactEmail
Hees Cusub oo lamagac Baxday Dhahar (Erayadii iyo Laxankii Saalax Codkii iyo musikii Guuleed)    

Hilinkii Asxaabteena (Deeq Aadam Diiriye)

Halkaa markay silsiladda haantu marayso ayaa waxaa mar labaad soo galay Abwaan Deeq Aadam Diiriye. Waxa Deeq soo mariyay maanso la magac baxday Hillinkii Asxaabteenna, oo soo baxday May 30, 2007. Waxa ay lahayd:

Suugaantu hodan weeye
Hindisaha abuurkeeda
Himilada aqood weeye!
Maansadu hormuudkeeda
Halabuurka maalkiisa
Iyo hibo Ilaah weeye!
Shaafici hannaankiis dheh!

Hiirad baan ogayn saase
Gabay kii hawaystow bal
Habdhiciisa Jiibtiisa
Haanta iyo heesteedu
Laba wada habboon weeye
Nirig iyo hasheed weeye
Hirarkii baddaas Bari dheh!

Hoobaale hoobaale
Hooyiwaale Maanseedka
Dawlad iyo habsamideeda
Qarandiid hungayntiisa
Ha-noolaato gobonimadu
Hiddahayga weeyaane
Halgankii awoowgay dheh!

Dambesame habeen weeye
Dayaxuna hog Dirir weeye
Seermaweydo hogasheedna
Balliyada haree weeye
Soo hillaaci biriqdaada
Soo haraaci buuxaaga
Hirqashadu xareed weeye
Han xumida u soo mayr dheh!

Habeentiriska yeeshiisa
Sano iyo guggeed hoogga
Tobon iyo siddeed haanta
Qarandiidku haaraamay
Hawd laga badshiyo Baashe
Ma Awrkii-Cirkaa heeryo
Iyo hilif xun qaadaaya?

Afka hadal hadduu dhaafo
Afeefkiyo ka durug heelka
Eeddiyo hinnaaskiinna
Is hadoodil beenaadka
Xogta hore u soo helaye
Haantaad lusheen dacar leh
Hamadiinnu been sheegtay!

Haddii gacal ku haaraamo
Hoobiyaha xal moodaayo
Xabashida u hiro weeye
Hillinkii Asxaabteenna
Habbanow Rasuulkeenna
Sunnadiisa huban weeye!
Jacfar iyo Hijrada kow dheh!

Deeq Aadam Diiriye
dekdirie@yahoo.ca

 

Back To Home