HomeSuugaanSportsSawiroHistoryQuraanTahniyadForumContactEmail
Hees Cusub oo lamagac Baxday Dhahar (Erayadii iyo Laxankii Saalax Codkii iyo musikii Guuleed)    

Hinaasaha Kadaa Beesha (by Ibraahin Hawd)

Marka ay maansadu halkaa butulinayso, ayaa waxa ku soo noqday Abwaan Ibraahin Yuuf Axmed "Hawd" . Waxayna soo baxday Toddobada bisha May ee sannadka 2007. Waxa uu Ibraahin yiri:

Ha’ley weeye weli heestu
Halgan weeye weli baaqu
Waa hubanti guusheedu
Anna huray waxaan haystay
Hadal iyo hantiba dhiibay
Naftaydaa hadhoo waa tan
Iyaduna ku xidhan heelka
U hubaysan duullaanka

Shaafici murtida heedhe
Gabay iyo higgaaddiisa
Hab-dhiciisa geeraarka
Heesaha afkeennoo dhan
Boqolkooda haamoodba
Kol ay tahay hobeey hoobe
Habka ubadka loo seexsho
Ama hoobaloow heedhe
Sida hararka loo sooho
Hiddaheenna suugaanta
Inta haybta maansood leh
Laga huriyo weedh suubban
Eray sami ka hanaqaado
Bal hubsoo ogaalkayga
Hibadayda weeyaane

Waa wada hashaydiiye
Waa haleeladaydiiye
Hadba taan u haaneedo
Adigoon hadhuubraacin
Adoon dhiilka ii hoorsan
Adigoon hunguri waalan
Anaa halab ku deeqsiine
Marti haybaddeed yeelo

Shaafici murtidu heedhe
Markay heerka sare joogto
Markay dhaqan gobeed hayso
Dad gumaysi hoos yaalla
Halgankoodu waa dhiige
Xaq markay ku hiranayso
Markay hiil u tahay ciidda
Hub markay tihiyo weerar
Markay cadowga heerayso
Markay saaran tahay haadda
Iyo geenyadii Haawir
Weligaa ha hodaddaabin
ha ka duwin jidkay hayso
Ka hor leexo duufaanta
Ha sharaysan waa hiile
Hambalyee wanaaggeeda
Hagag yaanay noqon dooddu
Kor u qaad habkiyo luuqda
Hinaasaha ka daa beesha
Hayb iyo ha gelin reero
Belo huradda haw yeedhin
Xinkii hore ha soo toosin
Hidde wuu arooraaye
Ha u dhuran halkay eedday
Anna hagarta hay saarin
Ka hanweyni hayb haybe
Ma gayee halkaad taallo
Iyo hoos ha ii jiidin
Ma hufnee dabuubtaadu
Hal-abuurka soo giiji

Haddaan idhi hig baa yeedhay
Haddaan idhi huq baa taalla
Haddaan idhi dad baa hoogay
Haween baa raggii waayey
Hengel baa la guud saaray
kufsi baa hablaha gaadhay
Carruur baa halaag jiidhay
Haanraawe kala boobay
Maatada haraaryootay
Qaxootiga hanfigu laayey
Dhaawaca higlada jiifa
Halbawlaha la dhayi waayey
Waxa mayd huruunshoobay
Kol ay tahay hal iyo xoolo
Noolaha madfacu hoobshay
Harar iyo tan iyo Hoobyo
Carra-edeg hilbaha daadsan
Hor Allee haddaan sheegay

Haddaan idhi dhulkii hooyo
Cadow baa hareereeyey
Hubka dhacaya faalleeyey
Haddaan Xabashi haaraamay
Hiyigeedu yahay xeebta
Haddii aan gunnimo hoortay
Niman heeryo sida maagay
Haddii aan halgamayaasha
Hootada u soofeeyey
Haddaan idhi hurdada diida
Waajib baan hurayn taase
Maxaad maandhe ii hiiftay
Maxaad iigu soo haadday
Maxaad hadal yar oo wayda
Ula soo haliil boodday
Fartu boog hadday gaadho
Nabar wuu hafeeftaaye
Halistii miyaan taabtay
Wa wax huursan baan fayday
Hurgumadi miyaan daaray
Ceeb aad hagoog saartay
Hog madow wax kuu yaallay
Miyaan sida hillaac muujay
Dhagarqabuhu waa haade
Hadhkiisuu ka cararaaye
Godobtii hawada taallay
Miyaad qiratay waa hooge
Miyaad gelisay hooygaaga
Hadalkii ma sii faafay
Bacadlana ma helay caawa
Hareeraha markuu eego
Markuu hebel u yeedh yeedho
Hanaddadii markuu waayo
Digashadu markay heerto
Markuu ciil is-hayn waayo
Sida halablihii aarka
Inuu soo hanqari doono
Sow xaal la hubo maaha.

Ibraahin Yuuf Axmed "Hawd"
Ibraahinhawd@hotmail.com

 

Back To Home