HomeSuugaanSportsSawiroHistoryQuraanTahniyadForumContactEmail
Hees Cusub oo lamagac Baxday Dhahar (Erayadii iyo Laxankii Saalax Codkii iyo musikii Guuleed)    

HULAABAN (Abdi-qafaar Yuusuf)

Waa maansadii ugu horeysay ee uu Abwaan Abdi-Qafaar Yuusuf kaga soo qeybgalo Silsilada Haanta, waxay maansadu soobaxday June-7-2007

Marka hore hameyn fiican
Halkaan joogo fiidweye
Ragu sow hagaag maaha

Hortay haantu gabay maahan
Hoobaalaydii maaha
Hiddihii qamaan maaha
Calidhuux habkiis maaha
Hooriskii salaan maaha
Heerkeedu sare maaha
Suugaan hanweyn maaha
Halac iyo gubana maaha
Hashee hungana maaha

Ragga huriyey biig maaha
Murtidoodu halis weeye
Haladkoodu qarad weeye
Hardankoodu dibir weeye
Hagartoodu siriq weeye

Anse haatan hiil maahi
Hayb iyo qabiil maahi
Hoosaasimeyn maahi
Habar wacad ku yimid maahi
Haantuna shaxdey maaha
Heelo aan aqaan maaha
Horna uma ogeyn doodda
Habaqlaan kusoo gaaray
Hadalkiina soo daalyey
Hadda gabagabeyn weeye

Laakiinse hugunkiinu
Humbulaanta tixihiinu
Sidii maalmo hore maaha
Dhalinyaro habqana maaha
Hadur layska yiri maaha
Hawir oo ku tuur maaha
Internet la helay maaha
Qofkastow hantaac maaha

Afartaa halkaa juu dheh
Horna uga socoo kow dheh

Horta mahad ilaah baa leh
Hufnaan nabiyadii baa leh
Hanuun diin islaam baa leh
U hiloow rasuul kaa leh(scw)
Higsashana asxaabtaa leh
Har qaboow janadii baa leh
Hanfi kulul cadaaab baa leh
Halgaadyeen ibliis baa leh
Ka hagaag xumaan baa leh

Hoodhaadhi qaad baa leh
Huuhaa marqaan baa leh
Hawa badan aduun baa leh
Hanqaltaag mansabad baa leh
Hiyi raac bulaan baa leh
Hab hab leyn qof waashaa leh
Hobhobsheyn nasiinaa leh

Hayin rarasho awr baa leh
Hiilgurasho doog baa leh
Hayaan dheer kaliil baa leh
Harga cuna abaar baa leh
Habaas kacay dabeyl baa leh
Hilaac roob mayeyaa leh

Hagardaamo nacab baa leh
Hima jabin gumeystaa leh
Hurdo weysmo ciil baa leh
Hariweyso aanaa leh
Hurgumeyso eex baa leh
Ishuruuf colaad baa leh
Hub uruursi dirir baa leh
Hanjabaad dagaal baa leh
Haydaaro liid baa leh
Hanashana awood baa leh
Hadimana waraabaa leh

Hardafleyn libaax baa leh
Hogashana dameer baa leh
Hudhuqleyn dhurwaa baa leh
Hafhafleyn biciid baa leh
Hishisleyn sagaar baa leh
Habayacasho cawl baa leh
Hatashleynna goray baa leh
Haadhaadna baqal yaa leh
Hudhughaadhug gari baa leh
Hugufleynna jeer baa leh

Horweyn dhaqasho wiil baa leh
Arigana hablaa jiriya
Odagaa hogaan reer leh
Hoygana islaantaa leh
Haneedka niman kaa leh
Haan lulasho dumarkaa leh
Hesaa fanaan baa leh
Hindisaa abwaan baa leh
Halxiraale keenaa leh
Hadiyadana sheegaa leh

Afartaa halkaa juu dheh
Horna uga socoo kow dheh

Waxa hawle dhibic maaha
Harta waran xalliib maaha
Haraacigu xareed maaha
Circa hugunku kicin maaha
Heegadu daruur maaha
Habar aridu dirir maaha
Saadaashu hubo maaha
Himiladu mid dheer maaha
Haloosigu daleel maaha
Hilimadu ammaan maaha
Hareeruhu banaan maaha

Colka huursan fulay maaha
Hayruubku baqa maaha
Haraadigu dagaag maaha
Hootadu daciif maaha
Hayeesigu fadhiid maaha

Hasha dhicisay madi maaha
Horaadkeedu godol maaha
Haruubkeedu muluf maaha
Haraguna maqaar maaha
Hilibkeedu gool maaha
Heenkeedu dhuux maaha

Heshiis nabada dhinac maaha
Handadaad maslaxad maaha
Aduukuna habeen maaha
Huwantuna walaal maaha
Caqliguna hal ruux maaha
Hawshuna natoox maaha

Afartaa halkaa juu dheh
Horna uga socoo kow dheh

Ragga madasha hoomaayey
Ninba meel kasoo haaday
Misna laysu kala haarmay
Ficil laysu kala heermey
Anigoon ninaba haybsan
Haddaan malahilaadeeyo
Nin habaabi kara maahi

Ragga badidi haro weeye
Hareerigii wardheer weeye
Hawd iyo cadduun weeye
Hargeysa iyo bari weeye
Hogobyadi sanaag weeye
Burco iyo harshiikh weeye
Himiriyo mareeg weeye
Hogga qawlalacad weeye
Haadfuusha bookh weeye

Afartaa halkaa juu dheh
Horna uga socoo kow dheh

Hujuun iyo dagaal oogmay
Marka waranku heehaabo
Oo dhiigu habacleeyo
Oo hayaydu yeeryeerto
Ragga aniga igu heeran
Hilba dirir markay joogto
Nin ka hiilin kara maahi

Haddii geed la heemeeyo
Hilqa gogosha loo joogo
Eed gacalkay loo haysto
Hanti badanna lagu yeesho
Anna goobta la i haybsho
Hun’duna isoo gaartay
Hor ilaah markay joogto
Nin wax hagagi kara maahi

Wixii waayo kala haada
Dadku habayaq soo joogay
Wixii qax iyo haantooley
Hantaawilif nasoo gaaray
Wixii doonyo heehaw ah
Badda lagu halaagmaayey
Wixii heedadow ayda
Layska kala hawaawirayey
Wixii hayjadiyo duurka
haraad loogu leanaayey
Wixii hirig col aan joogsan
Hadba balo la hurinaayey
Wixii holaca baaruudda
Higta nalaku siinaayey
Wixii tuug hangaraloobay
Afka nagu hawaaraayey
Wixii hoo markuu waayo
Habaq kaaga siinaayey
Wixii haadsi kii tabar yar
Layska halaf jaqleynaayey
Wixii habar masaakiina
Hooskeeda laga saaray
Wixii gabar tol hoosaada
Xoog lagu haweeneystay
Haddii dawlad la helaayo
Nin hilmaami kara maahi

Meel diinta la hujuumo
Culumada la haaraamo
Haybaddooda laga qaado
Horor bahala lagu sheego
Heshiiskooda laga dhaarto
Sidii tuugga la horeeyo
Kutubtoo lakala haadsho
Tawxiidka laga hoolo
Kii hanada laga reebo
Masjidkoo la heeraaro
Askar lagu hareereeyo
Sidi geela la horjoogo
Gabdhohoo la hadimeeyo
Hagoogtooda laga tuuro
Ha hafleyso layiraahdo
Caruurtoo la mirin haadsho
Hikaadooda laga leexsho
Wax haboosan loo yeersho
Alaylehe hog baan galine
Nin u heelankara maahi

Gobolada halkaa aadey
Hududkaa cagaha saaray
Harka ba’aydi dhalandhoolay
Humaagoodu sii muuqdo
Huqda iyo caradu hayso
Hifashada ka bixi waayey
Nabar hore kagocanaaya
Ka hanjabay wadaageenna
Xasid waa hagaasaaye
Anoo qiray hugtii gaadhay
Wax kalaad hibeysaaye
Kala go’a haq weeyaane
Haddaan taladu iga hoosin
Nin hanii i kara maahi

Hiir dooyo lagu saaro
Guluf hoobeey lagu qaado
Hilifhilif ukala tuura
Madaafiic ku hamagsiiya
Daaraha hab soo siiya
Heylheyla meydkooda
Hanraawuhu lafa feento
Hoog iyo ba’ kale geysta
Boogtii mar kale haara
Hiitaayo kale reeba
Haddaan garasho iga haawan
Nin horseedi kara maahi

Afartaa halkaa juu dheh
Horna uga socoo kow dheh

Tixahaygu waa heeryo
Waa harraro duuduuban
Waa hiloh is fuulfuushan
Waa hirar gadaameysan
Waa mugul humbaaleysan
Nin humaagay uma jeedo
Nin hakaabsadaan gaarin
Nin holaday masoo loodsho
Nin habaaray ma halelsho
Nin halgaaday kuma shiisho
Nin hafraa ka been sheegyey
Nin hurdeysan moogaayey

Hayeeshee haddaan taako
Hulaabtooda soo feydo
Waa geedka hooskiisa
Ninka jooga harac maaha
Kan ka maqana hurimaayo
Hudhud yaan lamaqal weeye
Kufri yuu na hodin weeye
Ninna yaan la horin weeye
Ninna yuusan harin
Waa midigtu yey heetin
Bidixduna hangaaraanin

Laakiin halna ogaada
Haddii kuray lahayn waayo
Hanfadoo wax tari waayo
Ama hawl kar noqon waayo
Waxaraha bar ka halaabo
Ama halaha siidaayo
Inuu noqon halyeey toosa
Iyo inuu hadhiinoobo
Jardi uu ka hanaqaado
In la hubiyo soo maaha

Haanyahay buloy hoobo
Haataadhugdhoo waabo
Hadwataye halkaan joogso.

Cabdi Qafar Yusuf
Sidkamaal@yahoo.com

 

Back To Home