HomeSuugaanSportsSawiroHistoryQuraanTahniyadForumContactEmail
Hees Cusub oo lamagac Baxday Dhahar (Erayadii iyo Laxankii Saalax Codkii iyo musikii Guuleed)    

Mooryaantu kuma Hiigto (Faarax Ilaaq)

Maansadan waa maansadii ugu horeysay uu kusoo galay Abwaan Faarax Ilaaq silsilada Haanta. Tixdan oo magaceeda layiraahdo "Mooryaantu kuma Hiigto", waxay soo baxday June/05/2007....

Haan yahay lawada booday
Habsamida garaacaaga
Hugunkiyo dhawaaqaaga
Waa loo hilloobaaye
Nacab kuma halaakeeyo
Hal moog jaanta kaama qaldo
Higaaga fuley ma qabto
Qaadaal kuma u haybsho
Nacas kuguma soo haado
Haaweydu kuma barato
Hunuf kuma saqsaajeeyo
Hoori kuuma yeeryeero
Halac dhayda kaama cabo
Hanfade kaama geeraaro
Hirdifaagu kuma jiito
Ma halleeyo saabkaaga
Haadku yeelka kaama gogto
Kuma hiigto mooryaantu
Ma halayso shartaada
Hiilkaaga lama waayo
Iyo geesi kugu howlan

Ila hoorsha miraheeda
Haantu yay wansiix noqone

Hanas iyo abaar dhereran
Hagi hagida roob waaga
Hilaac meel fog laga eegay
Hal baarkeed ka baal qaaday
Hiyi kicida loo guuro
Ku hayaamis ay noqoto
Ninka guubis heeryeeya
U hor mariya awrtiisa
Hankuu dooga ugu guuray
Iyo harada ceegaagta
Sida guusha uu u hantay
Haylaale kii dhaanshey
Sina u haaban kari waayey
Ku nagaaday hiishiisa
Hayinkiisi baa gabaye
Cidna yaanu haaraamin

Ila hoorsha miraheeda
Haantu yay wansiix noqone

Midka hagagafoow gaabso
Hubso meesha waxa yaala
Cidna gooni ha u haysan
Huga saar murtida boowe
Hollanna haka sheekanin
Iyo naag haruub raacday
Adba gacanta haw hoorsan
Ugana haajir meeshiisa
Haanta sacabka u adkeeya
Ila hoorsha miraheeda

Heeladani saar weeye
Heego iyo roobweeye
Qaran iyo heshiis weeye
Horseed iyo war doon weeye
Qaran haybintiis weeye
Himilada midnimo weeye
Hangashoo la dhigo weeye
Hor alle iyo nabad weeye

Faarax Ilaaq
ilaaq2000@yahoo.com

 

Back To Home