Fikrado

Taariikh
caafimaad
Congrats
Nalasooxiriir

BBC Audio
11:00-11:15
14:00-15:00
18:00-18:30
London time


links
Ainashe.net
Allpuntland
Allwadani
Al-Tawxiid
Bakaaraha
BBC
Biyokulule
Burtinle
Columbusstars
Dayax

Dayniile

GantaalNews

Gedonet

Goldogobsit
Halgan.net
Halgannews
Hiiraan
Hornafrik
Hornrelief
Idaadsoft
JigJiga

Kulmis

Laas-qoray
maakhir.com

Midgaan.com

Mudulood

Ogaden
Puntland-Post
QaranNews
Qorahay
Qurbojaceyl RadioLascano
RadioSanaag
Sanaag.net
SBC Online
Somaali.com
Somaliaonline
Somali-land
Somfreemedia
Somalilyrics
Somalivoices

SomaliWeyn

Togane.org

Waagacusub

Wardheernews
WidhWidhNews

HomeGabayoMurtimusicSawiroQur'anSportsForumChatEmail

Bakhayl & nin miskiin ah.

Waxaa jiri jiray nin ku caan baxay bakhaylnimo oo lagu tilmaamo in ay labada gacmood go'an yihiin dadka qaarkood ay yiraahdaan waxa uu ka xanaaqaa (Hoo) ama wax siinta,ninkan bakhayl nimadiisa xitaa waxaa og dadka masaakiinta oo aan weligood wax weydiisan nin kani waa nin xoolo leh oo lagu tilmaamo taajir waayeel waase bakhayl aad u jecel hantida badan.

Maalin maalmaha ka mida ayuu ninkii bakhaylka ahaa kasoo baxay gurigiisa isaga oo sida madiibad weyn oo caano ka buuxaan ninkii bakhaylka ahaa ayaa madiibadii siiyey nin tuugsanaya ninkii tuugsanayey ayaa u qaadan waayey oo isaga oo yaaban qabsaday madiibadii markii uu hoos u eegay waxa uu arkay in ay caano ka buuxaan, markaas ayuu hoos isu weydiiyey "alla war manta bakhaylkii ma illaahbaa iiga nixiyey"ninkii miskiinka ahaa ayaa caanihii isku qabtay oo aan u neefsan intii uu calooshiisa ku hubsanayey, isaga oo weli hortaagan bakhaylkii markuu caanihii dhamaystay ayuu ku soo jeensaday ninkii oo ku yiri adeer maxay dadku beenta kaaga sheegaan, nin wanaagsan oo faxal ayaad tahay ee maxaan hadalkooda rumaystay oo aan beri hore kuu baran waayey, bakhaylkii oo dhoolo cadaynaya ayaa miskiinkii ugu jawaabay.

Adeer been igamay sheegin haddii aan caanahaas qoroto iga ga dhici lahayn wale inaadan cabteen oo calooshaada degdeg ugu shubteen ninkii miskiinka ahaa oo weli gacanta ku haya madiibadii oo madhan ayaa hoos u eegay mise qoroto ayaa gunta fadhida inta uu madiibadii tuuray ayuu mantag ku waashay isaga oo layaaban naxariisdarada bakhaylka caan baxay heerka ay gaarsiisantahay markaa bakhaylkii ayaa la'ogaaday in uu naxariisdaro ku darsaday.

Waxaa noosoo diyaariyey Axmed Cabdi Qodax


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Copyright 2004. dhahar.com. All rights reserved