Fikrado

Taariikh
caafimaad
Congrats
Nalasooxiriir

BBC Audio
11:00-11:15
14:00-15:00
18:00-18:30
London time


links
Ainashe.net
Allpuntland
Allwadani
Al-Tawxiid
Bakaaraha
BBC
Biyokulule
Burtinle
Columbusstars
Dayax

Dayniile

GantaalNews

Gedonet

Goldogobsit
Halgan.net
Halgannews
Hiiraan
Hornafrik
Hornrelief
Idaadsoft
JigJiga

Kulmis

Laas-qoray
maakhir.com

Midgaan.com

Mudulood

Ogaden
Puntland-Post
QaranNews
Qorahay
Qurbojaceyl RadioLascano
RadioSanaag
Sanaag.net
SBC Online
Somaali.com
Somaliaonline
Somali-land
Somfreemedia
Somalilyrics
Somalivoices

SomaliWeyn

Togane.org

Waagacusub

Wardheernews
WidhWidhNews

HomeGabayoMurtimusicSawiroQur'anSportsForumChatEmail

Maahmaahyada iyo oraahdaba waxay afkeena hooyo kaqaataan qeyb lixaadleh, waxaan halkaan idinkugu soo diyaariney maahmaahyadan oo aadan maata iyo bariba kabogan karin.

 

1) Abaal raaga rag baa leh.
2) Adigoo banana arkaaya maxaa babac kusaaray.
3) Adduun waa hadhka labadiisa gelin
4) Af jooga looma adeego.
5) Af daboolan waa dahab.
6) Af macaan, gacan macaan baa dhaanta.
7) Af wax cunay xishoo.
8) .Ama afeef hore lahow, ama adkeysin dambe lahow.
9) Ama buur ahaw, ama buur ku tiirsanow.
10) Amaano kugu raagtay yedaa baad moodaa.
11) Aqoon la´aani waa iftiin la´aan.
12) Balan xumo waa diin daro.
13) Baryo badan iyo bukaanba waa laysku nacaa.
14) Bawdo rag maalinba midbaa qaawan.
15) Beeni raad maleh.
16) Been fakatey run magaadho.
17) Beentaada hore runtaada dambey u baasleedahay.
18) Bidaari sibiqbay kugu gashaa.
19) Caana yar iyo ciidan yarba markii lawaayaa latebaa.
20) Cantuubyo jiilaal canba canbuu bidaa.
21) Cidla ciirsi maleh.
22) Ciirtaa dhamaa ceydaada yaqaan.
23) Ciyi waa ka beryey, qofkii cunay baa ka liita.
24) Colka wadhaf ma lagu dayey.
25) Daacadi ma hungowdo.
26) Daarood markuu hal qof ahaa ayuu qabasho lahaa.
27) Dabkii baxayaa dab lagu qabsadaa.
28) Dacas kaa wayni dhiiqaday kugu farjiyaan.
29) Dadqal looma gurguurto.
30) Dagaal wiil kuma dhashee, wiilbaa ku dhinta.
31) Dal aqoon la'aan waa la habaabaa, dad aqoon la'aana waa la qadaa.
32) Daleel marow maradiis geed ma daarow
33) Dameeraha Awdal ninkii ooda ka rogaa arroorsha.
34) Dameeraha ta ugu folxun baa ugu haraati kulul.
35) Dameeraha tan ugu fool xun baa ugu haraanti kulul.
36) Dameeri isku hallayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa.
37) Dammeeraley Dadka la kal maaha.
38) Dan iyo xarrago is weyday.
39) Dan layskuma naco.
40) Dani waa seeto
41) Dantaada derin karkaranna waa loogu seexdaa
42) Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo.
43) Dantaadana, maqaar eybaa loogu seexdaa
44) hadalbadani haan ma buuxsho
45) Hadal iyo hilbaba kala qalan.
46) Hadal nin badiyeyna ma wada odhan, nin yarreeyeyna kama wada tegin.
47) Hadal nin si u yiri, ninna si u qaaday
48) Hadal waa mergi hadba meel u jiidma
49) Hadal yar iyo hawl badan.
50) Hadalku intuu uurkaaga ku jiro ayuu ammaano yahay.
51) Haddaad hungurootto waa la hadlaa, hab baa la dhisaa wax lagu helo
52) Haddaan sacabka xeeli ku jiran, maxaa habeenkii loo tumaa.
53) Hadday curaddii durdurisay aaran maxaad moodday.
54) Hadday degdegsiiyo door dhalaan, kaadsiiyana kiish lacageey dhalaan
55) Hadday tubaako, faa'iido leedahay Habargidir baa liqi lahayd.
56) Haddii lagu sheego waa lays sheelaa, haddii lagu sheelana waa lays sheegaa.
57) Hal diidaysaa geed ay ku xoqato ma weydo
58) Hal libaax arkaysaa ma godlato.
59) Haliba wiilkay korisaa, wedkeeda leh.
60) Hambo soor maaha.
61) Hangaraarac lug uma dhutiyo.
62) Harag sagaaro iiga kac ma ahee iiga durug ma leh.
63) Hasha naasa adag iyo weedha (hadalka) maxaa kulmiyey.
64) Hashu ragaadka, maysku eryeysaa, mise wayska bixinaysaa.
65) Hawiye ceeb kama baqee, caydhbuu ka baqaa.
66) Hawli jid caddeysay.
67) Hawli jid caddeysay.
68) Heeraa wan ma eh??
69) Heesta geelu waa kala horreysaa.
70) Hilib beer laga dooray waa weyd.
71) Hubkaaga iyo hayinkaaga, midna laguma hodmo.
72) Hunguri wax ka weyn la mariyaa wuu dillaacaa
73) Hunguri weyni kuunto weyni baa laga qaadaa.
74) Hunnu hunnu hadal ma´aha, himbiriirsi arag ma aha.
75) Illeyn doqoni qiiq kama kacdee daamankey meer meerisaa.
76) In habari gasho, hali ma qaado.
77) Inantii hooyadeed hadhuudhka tuntaa, iyana hufkiyo haadiskay barataa.
78) Ilayn daaman nooli ma daalaan, oo dad baanu nahay kaama daayaan.
79) Inta gaari la doon-doonayo, ayaa goombaar wiilkeedu ciidamiyaa.
80) Inta Jiillaal loo adkaysto, jir looma adkeysto.
81) Intaadan falin ka fiirso
82) Intii orod jirey, kuftinna way jirtey.
83) Ishaaduna waa kula fil, dhegtaad
84) Jinni, Ninkii keenaa bixiya.
85) Kaadi badane waa loo gogol badiyaa
86) Kab xume ma hadho ee kabe laawaa hadha.
87) Kaftan iyo kaadi baa laysku cadaaba.
88) Kal caano galeen, xirgi ma gelin (sorry ladies).
89) Kelyo nimaan lahyn bay kaadiyi dishaa.
90) Kibir waa lagu kufaa
91) Kitaab gurigiisii loo diiday, sayax Illaah baa baday.
92) Kitaab meelaan lagu fasirayn laguma furfuro.
93) kuftin jillib iyo habaar waalid midina sahal kuma hadho
94) Kuuryaan iyo kun xabbadood iyo konton jir ha la ogaado.
95) La jiifiyaana bannaan, La joojiyaana bannaan.
96) Laba layskuma daro: bidaar iyo timo, baryo iyo ad-adayg.
97) Laba qaawan isma qaaddo
98) Labaatan jir intuu geed ka booduu talo ka boodaa.
99) Laf jabtay sideedii ma noqoto.
100) Lama huraan waa cawska jiilaal
101) Laxi shilalkay is dhigtaa lagu qalaa.
102) Layligu kasha biyihiisa ku jiruu ka didaa.
103) Libaax deeqi ka gurxamisay
104) Libaax intay bulbushu ku taal, bahal ma cuno.
105) Libaax lab god lagama kiciyo.
106) Libaax nimaan aqoonbaa lax ka rita.
107) Lixdan jir laguma helo qiimigaad laba jirkaa wayday.
108) Loogow (qal ama magac nin) laguu minan fadhiyee.
109) Lugtii jeeni dhaaftaa way jabtaa
110) Luuq luuq marow laasim laamigaas kusoo dhacaa
111) Ma ciil sokeeyaa ku haya, mise ciddi hoosteedaa lagaa hayaa.
112) Ma nimaan wax aqoon baad wax la qaybsataa, mise baddaasaad dhurtaa.
113) Ma sugto, Meher ma leh.
114) Ma taagtaa baad guurtaa, mise taako-taako.
115) Ma waxaad yeeshaa, wax naftaada u fiican oo wiilkaaga u xun, mise wax naftaada u xun oo wiilkaaga u fiican. (Car garo).
116) Maalinkii intay ishaada gaadhaa la hadlaa, habeenkiina inta gacantaada gaadho.
117) Maantana far baa maydh la´eey hay fadhiyo geeli
118) Macallin xagaa injir lagama qabto.
119) Madax meel ka sarraysa oo la taabtaa ma jirto
120) Madax muuqda iyo mindi saawira midna lagama samro.
121) Manjo dhooqo leh, kuwo dhaqanaa ka roon.
122) Manjo dhooqo leh, marba mid baa la siibaa.
123) Mar i dage alla ha dago, mar labaadse anays dagay
124) Marba sidaad u jabtaa loo dhutiyaa.
125) Mareexaan ma ahee waa ma riixmaan.
126) Mareexaan waxaad u tahay waa yaqaan, wuxuu kuu yahayse ma yaqaan.
127) Maroodi takarta saaran ma arkee, ta kaluu arkaa.
128) Martidu marka hore reerkaa ka naxa marka dambena iyadaa kala naxda.
129) Mas ii dooro daris ma nagadi koraan?
130) Maxay ka nuugtaa ama ku nuugtaa, bushmo iyo naaso midna maleh.
131) Meel hoo u baahan hadal wax kama taro
132) Meelaad ku dhashay, waa meelaad ku dhimatay.
133) Meelaad madaxeeda tahay, manjo lama noqdo.
134) Meeshaad ku qubaysataa lagu qalalsadaa.
135) Midho geed saaran, kuwo guntiga ku jira looma qubo.
136) Midiidin la'aan waa la midgoobaa.
137) Milil hoostii lama dhayo, haddii la dhayana qudhun baa looga dhacaa
138) Mindidii qooqdaa dib bay u qaddaa
139) Mira daray duuduubkaa lagu liqaa
140) Miro gunta ku jira miro geed saaran looma daadsho..
141) Misbax minankaga u mugdi ah, minan dadow ma loogu nureyo????
142) Mugdi, arlaada geed ii goduh???
143) Mukulaal minankeedii joogtaa miciya aar bay leedahay
144) Mulac, dilistiis isaga waw qudh gooyo, carruurtana waw cayaayir.
145) Muruqa laba suulle ninba si ku ah.
146) Naag godan dhalatay ama gaajo la godnayd ama cudur
147) Naag kun baa koodisa ,kow baana guursada
148) Naag la furay fadhi uma yaal
149) Naag Majeerteen waa qaalin geel ah oo waa soo meecaadaa oo ka soo raysaa
150) naag Mareexaan waa sagaaro oo ka soo rayn iyo ka soo darid midna ma le
151) Naag, naag ka umulisay iyo nin reer u weyni, midna siday wax u ogyihiin uma sheegaan.
152) Naagaha iyo carruurtaba sasabaa lagu wadaa
153) Naagi naag lala qabo waa u col
154) Naagi nimay legdaan, kama kacaan.
155) naagi ninkay legedo kama kacdo
156) Naago abaal ha u gelin amaahse ha u diidin
157) Naago badhaadhahooda ayey ka sheekeeyaan, ragna ba'ooda
158) Naago been baa lagu soo xero geliyaa runna waa lagu dhaqaa
159) Naago iyo riyaba diifta ayey isku eryoodaan
160) Naago jilayc iyo naxariis midna wax kuma laha
161) Naago nimaan maddaxooda maja u rogin nin ma moodaan
162) Naago iyo caruuriba nin ay yaqaaniin codow ma moodaan
163) Naago waa belo loo baahan yahay.
164) Naago waa u samir ama ka simir.
165) Naago wax laga bixiyey laguma dhaqo ee wax loo hayaa lagu dhaqaa
166) Naago yaryarasi ma le
167) Naagtii caana xun dhigataa iyana ku murud la'
168) Naaguhu hoosiis bay hadh moodaan
169) NaakirADI intey ku nabto ayay nebi kaaga hormartaa.
170) Naar hooba galaaso bartaa ey la aragneey, tiimbooy (Naar si fiican baa loo galaa, hadii kale banaankaa laga joogaa)
171) Naaso kor u jeeda nin arkaa, kuwo hoos u jeeda ma arko.(bal garo)
172) Nacasnimo ninkeedii dishey
173) Naf wax jecel allaa dhibay
174) Nafeey, nin ku dooney ku waa.
175) Naftu waxay ogtahay ilaashataa.
176) Naxariis eebbe lagama quusto
177) Nimaad dhashay kuma dhalin
178) Nimaad fadhiga kaga adagtahay looma sara kaco
179) Nimaad kabahiisa tolayso, baa kafantaada tolaya.
180) Nimaad kabo ka tolanayso kabihiisaa la eegaa.
181) Nimaan dhididin ma dhergo
182) Nimaan dhul marin dhaayo la'.
183) Nimaan kuu furu doonin yuusan kuu rarin.
184) Nimaan/nagaan shaqeysan shaah waa ka xaaraan
185) Nimay meeli buktaa isagay balbashaa
186) Nin aad kabtiisa tolaysaa, kadabkaaga jaraya
187) Nin ay meeli u caday meeli ka madow.
188) Nin aan hadlin habartiisba qadisay
189) Nin aan kuu furayni yuu kuu rarin
190) Nin aan shaqaysanin shaah waa ka xaaraan.
191) Nin ani yidhi dad iska sooc.
192) Nin casarkii isa sheegay, cishihii ceebi ma qabato.
193) Nin daad qaaday xunbo cuskey
194) Nin dameero dabadood ka degay meel uga tooban buu waayey.
195) Nin dameero rartaa dad la toy ma aha.
196) Nin dhintay kabihiisaa dhaama.
197) Nin durbaan tuntay ilaaq dalbay.
198) Nin duulay dantii kaa og
199) Nin fadhiya, looma saro joogsado.
200) Nin Illaahay ka dambeeya kabtii ma yeela.
201) Nin is faanshey wa ri´is nuugtay
202) Nin iyo naag is qaba colna ma aha nabadna ma aha.
203) Nin jiifa lama legdo.
204) Nin Jiirow (magac) walaalkii yahay, joog-joog ifka ah iyo jiif-jiif aakhiro midna looma soo rogin.
205) Nin kaa dheer wax looma tilmaamo.
206) Nin keligii garramay, iyo nin dhul gannay midna ma gefo.
207) Nin ku necebi xantaa og, nin ku jeclina xogtaa og.
208) Nin kuu digay kuma dilin
209) Nin la dhacay ama caytan ama habaartan.
210) Nin la sugayoow adna yaad sugin
211) Nin maalin ma gaadhid, nina sanad ma gaadhid, nina weligaaba ma gaadhid.
212) Nin qoyani, biyo iskama dhowro.
213) Nin shir ka duday, siigo (boodh, bus, habaas,) yaraa.
214) Nin sigtay ma nabad gelin
215) Nin sigtay ma noola.
216) Nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday.
217) Nin waa inta naaga ka hadha.
218) Nin waalan, walaalkiisaa u miyir qabaa
219) Nin wax yaqaan daaqsin geel baa wax loo mariyaa, nimaan wax aqoonna qaanso qurqurkeed.
220) Nin wayn tag lama yidhaahe wuxuu ku tagaa la tusaa
221) Nin weyni wedkii waa yaqaan
222) Nin magaalo jooga oon baabuur lahayn waa nin Nugaal jooga oon hal lahayn.
223) Nin xil qaaday eed qaad.
224) Ninaan hadlin, hooyadii qadisay.
225) Ninba gurigii gaado ku leh
226) Ninba kaskiisuu kor tagaa.
227) Ninkaad adhi weydiisanayso, geel weydii.
228) Ninkii belaayadaada raba, bawdkaagu qori ka jabsadaa.
229) Ninkii dhimanayaa dheg baa dheer. Ninkii baxaya indhahaa casaada.
230) Ninkii geed fuulay asigi lee kasoo degi
231) Ninkii talin jiray hadduu tago, midaan talin jirin baa yimaada.
232) Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara.
233) Ninkii uurka dabana Illaah baa
234) Ninkii soojoog laga waaya, soo jiifaa laga helaa.
235) Ninna caadadii ma baajo, bahalna ceedhin ma daayo.
236) Ood qaadis iyo jiidis waa isla guri geyn
237) Oodi siday u kala sarreeysaa loo kala guraa ( woqooyi)
238) Qof aan waxa soo socda garan waxa joogana ma garto
239) Qofba untuu cunuu ciidamiyaa
240) Qosol hiil leh.
241) Qosol qoonsimaad noqay.
242) Qufac iyo uur midna ma qarsoomo.
243) Quruxi waa ishaada, qiimana waa ayaankaaga.
244) Rag saddex ka oggow: Gacan gudhan, gar weecsan, iyo guddoon jilicsan.
245) Raad arrooryo dib looma raaco.
246) Rag jidiin baa walaaleeya.
247) Rag la'aan waxba kuma yeeshee Rag xumaa ku disha.
248) Rag waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi
249) Rag waa shaah dumarna waa sheeko
250) Rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa.
251) Rag wuxuu kugu bartuu kugu dilaa.
252) Reer ba'ow yaa ku leh!
253) Reer guura raac iyo carruurba loo kala sheekeeyaa, is mase arkaan.
254) Reer, naagbaa kaa raacda.
255) Reerka meelan loo hubsan looma haatiyo.
256) Runi rag kama nixiso
257) Safar waa si wada yeel.
258) Sagaaro intay tub joogto bay tub kale dayataa
259) Sagaaro inteeda waa ku duq.
260) Sagaaro laba cad oo la kal qaado ma leh
261) Sagaaro, mindhaa ima barato.
262) Sahaydaa waa hor, socodkaana waa dib.
263) Salaadba waqtigeedaa la tukadaa
264) Samraa, sammo hela. Samraa, sad hela.
265) Seedi waa beer
266) Shan nin oo shidho qayb leh, hal shanshaa ka baxda, shan ninnaan shidho qayb lahayna, shan shanshaa ka baxda.
267) Shan shidda ma macaysaa.
268) Shiikh markiis yimaado, shariifku, shubaakaduu ka baxaa.
269) Shir looma wada uunsiyo
270) Shir naagood oo shan dhaafay waa shar
271) Shisheeye sheela duxa ma leh.
272) Shubaali waa biyo la bax.
273) Sidee xeedho lagu xagtaa ilkana ku nabad galaan
274) Sir naagood lagama sal gaaro
275) Socdaal waa moodhar, sahayna waa lacag, saaxiibna waa kaba cad.
276) Soo joogso nin laga waayey, soo jiifsaa laga helaa.
277) Soomaalidu waxay casarkii kugu aragtay cishihii kugu caydaa.
278) Soori waa in xil lagaga tago iyo in xarrago lagaga tago.
279) Tabcadaa ma tuugoobo.
280) Tol la'aani waa tows.
281) Tol yarraaday, tafo naagood baa laga dayaa.
282) Tolkaa maw talisay, mase tuugtay.
283) Tolkaaga iyo xaaskaaga midna looma xog weynaado.
284) Tuhun waa sed.
285) tuug la qabtay talo ma laha.
286) Tuug lama xado.
287) Ul jiiftaa ma jabto.
288) Uur mudane iyo uur Berde, midna lama baadho.
289) Waad baahan tahay looma bakhti cuno
290) Waari mayside wax hakaa hadho.
291) Waayeel ha soocine, wax aqoonta sooca.
292) Wadaad jiilaal jooga injir lagama qabto
293) Wadaad waa nin
294) Wadaanta isha ka xumaataa, faylkay la tagtaa.
295) Wadaantii geeleeda kaafida, baa mid kalena kaalmeysa.
296) Wadar iyo waaxid yaa waalan
297) Wadiiqada yari waddiqada weyn bay kugu riddaa
298) Walaalkaa dhuux tagoogaa loogu soo subkadaa (dhaashadaa).
299) Walaashaa iskuma hubtide, seedigaa hays ku ceebayn.
300) Wan weyn illaa la gowraco indhihiisu cirka ma arkaan
301) War jiraaba cakaaruu iman.
302) War la helaaba, talo helaa
303) Waraabe daalay, dirirtiisaa loo tagaa.
304) Waraabe ulla lala gaadhi waa, orodna wax lagaga dhibi waa.
305) Wax aad baratay waa baaskaa
306) Wax aqoon wax looma sheego.
307) Wax la dhalay iyo dhul baa loo marti yahay.
308) Wax la qarshaa ama qudhme ama qubte
309) Wax rag kaa galay rako kaa gale.
310) Waxaad dhuuso moodaysaa, xaar kugu noqda.
311) Waxaan calaf ahayna lama cuno, waxaan hed ahayna looma dhinto.
312) Waxaan kashaada gelin, korkaaga yay dhaamin.
313) Waxaanad filanany iyo fallaari waa kaa fuc siiyaan
314) Waxay sheegatayba ha weydee, waa lagu shareerraa.
315) Wiil intuu ood ka booduu talo ka boodaa
316) Xabaallo waalid baa xoolo lagala baxaa.
317) Xadhko geel ma wada xidhaan.
318) Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan
319) Xalaafo waa Xoogii Xirsi Muude
320) Xarrago dumar xanuun ma leh
321) Xiiso iyo xoorba way dhacaan.
322) Xog mooge xaajo waa dilaa.
323) Xoolo lama cunee dadkoodaa la cunaa.
324) Xoolo quudheed waa la qaataa, soor quudheedse lama qaato.
325) Xoorkii laga dhamay xagaagii iyo xusuus baa geel lagu xer geeyaa
326) Xornimo adaa ku noole,iyadu kuguma noola


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Copyright 2004. dhahar.com. All rights reserved