|
INA SANWEYNANA U GEE !
Eraydan dusha sare ku qorani, waxay ka mid yihiin weedho
la isticmaalo, oo wax lagu la baxaayo, laakiin waxay ku yimaadeen
sheeko dheer oo dhacday, kadibna ay ka dhalatay xigmad iyo
odhaahdani. Bal haddaba aynu soo qaadanno sidii ay ku baxeen
erayadani:
Ina Sanweyne, wuxuu ahaa nin Soomaaliyeed, oo aad iyo aad
u caqli badan, aqoon weyna u leh xeerarka iyo garta Soomaaliyeed.
Waxaa jirtay, inay Soomaalidu lahayd hab dhan oo xeerar ah
oo u dejisan bulshada, sidii ay isu xukumi lahayd, laguna
kala gar bixi lahaa.
Marka khilaaf yimaado, waxaa la isla tegi jiray geedka iyo
shirka ee may jirin wax maxkamado iyo qaadiyaal ihi waayadii
hore. Maxkamad waxaa la sameeyay markii ay dawladnimo timid,
ha ahaato tii gumeysiga ama kuwii kale ee Soomaaliyeed ee
kala dambeeyay. Qaadi isna waa qofka wax ku xukuma diinta
islaamka.
Bulasha dhexdeedka waxaa ka soo bixi jiray niman ku noqda
garta iyo kala saaridda dadka aqoonyahanno la isula yimaado.
Sida ay sheekadani ku baxaday, waxaa la yidhi: waxaa jirtay
gar adkaatay, oo markii la naqaba, racfaan laga qaato, oo
meel kale iyo dad kale la isula tago. Waxay noqotay gar cid
gooysa oo soo afjarta la waayay.
Waxaa markii dambe loo keenay Ina Sanweyne. Ina Sanweyne
si fudud oo loo qaadan waayay, ayuu gartii muddada dheer soo
jiitamaysay u dhammeeyay, ugana faraxashay, iyadoo labadii
dhinacba aad uga mafsuudeen, sida uu ku dhammeeyay garta.
Arrintaasi warkeedi, dadkii Soomaaliyeed ee meel kasta yaalay
ay uu ku dhex faafay, waxaana la isgaadhsiiyay in uu Ina Sanweyne
yahay ninka Soomaaliyeed ee ugu gar yaqaansan. Marka ay rubato
ama rakata, la isula tago ama la soo egmado. Egmasho waa mar
qof laga dhigto afhayeen kuu doodda.
Intii xilligaas ka dambysay, dadka Soomaaliyeed ee loo doorto
Xeerbeyti, ee gar qaadaa, marka soo bandhigayaa go´aankooda
ee soo gebagebeeyaa, ayaa waxay ku xidhaan hadalkooda: Waa
sidaas go'aankayagii aannu soo gaadhnay. Waana gar saxa. Waxayna
intaas ku daraan:
- Ina Sanweynana u geeya !!
Xigmadda meesha ku jirtaa waxay tahay:
"Wax dambe oo gartaas ka imanayaa ma jiro, cid kasta
haddii loo geeyo, xittaa Ina Sanweyne, oo garta ugu haysta
Soomaalidu. Sidaas aanu idinku xukunay, ayuun bay nagu raacayaan.
Markaas sidaas garta go'aankiida ku aqbala, oo ku qaata.
Waxaanu kasoo qaadaney iskuna soo daba riday Ahmed Mohamed
{majabir}
|