Nin Beeraley
ah iyo Nin Xoolaley ah!(Majaajilo)
Sheekadana waxay dhexmaraysaa laba nin oo ilmaadeer ah waayeelna
ah. Nin waa reer miyi oo geel, adhi iyo lo' farabadan ayuu
leeyahay. Ninkii aan geel iyo xoolo miyi lahayna wuu quudhsadaa
wuxuuna u yaqaan caydh bakhtigu u xalaal yahay!
Ninka kale waa beeralay. Waxaa u baxa galay, muus gidir
iyo dalag kale oo badan. Waa yaabka yaabkiise isna ninka
reer miyiga ah wuxuu u yaqaan caydh isaga iyo xoolaha uu
dhaqdaana ay isku mid yihiin!!!
Ninkii reer miyiga ahaa ayaa magaaladii usoo safraya. Markuu
hawlihiisii dhamaystay ayuu maalintuu uu baxayey ninkii ay
ilmo adeerka ahaayeen ee beeralayda ahaa ugu imanayaa meel
u dhow istaankii hawdka!
Ninkii reermiyiga ahaa ayaa odhanaya:
Waar bal waran? Maxaad la xanaaqsan tahay?
Waar heedhe anigu waan tegayaa, gaadhigaa iminka baxaya ayaan
raacayaa oo reerkii raashin ugu qaadayaa, ee halyar aan ku
idhaahdo, laba kelmadood.
Horta xaajigii ku dhalee
xiniin dhaafka ahaa
xaashee uma eekid
abtibaa ku xadaaya
xanaaqaa iyo boodkana
xudhuun bayska lahaa.
Ninkii kaa xiska roon
isna waad xagataayoo
intaad xawlal mariidka
xidido miidhan ka oogtaad
sidii xoor is godaa.
Xaragada waad neceb tahay
xumaantana waad jeceshahay
reer xagaagixumid
adoon xoolo ka waayin
ninna kaa xilanaynin
xayn yaroo toban neefa
iyo shan sacoo xaasaa ah
beertan xaaluf garoowday
reerkan aad ku xaraysay
aday kuu xidhan yiine
haku laynin xasiintiyo
aalo ay xagxagtaane,
biro aad wada xoodiyo
xadhkuunbaad sidataaye
kaalayooo ka xoroow.
Reeraha u kaalayoo qoys iyo neef aan kuu ururinoo halkaa
aan kugu xoolaynee iskaga kaalay habaaskaniyo dhulkan aad
qodayso, caruurta abaarta kasoo kaxee!
Ninkii beeralayda ahaa wuxuu odhanayaa:
Maxaan kaala hadlaa kaan aqaanay uubaad tahaye!
Weligayba waxaan moodayey inaad war intaa dhaama iisoo wado!
Geedba waa xididkii
oo intuu ciida xuuluushuu
rayska soo xansadaa
Xarabaa dirireedna
xamarba waa orodkii
xaajana waa wax aqoon
xubinteeda taqaana
sidii xaabo jabaadna
badowgaa isku xaabsha
adna xeegadii jaan
kula jiidhay xudhuunoo
xadkiibaad ku jirtaa.
Xariirna ruuxaan aqoon
hadii aad ku xushmayso
oo xidho aad ku tidhaahdo
isna uu xiglay moodo
kaana xaal qaban maayo
xumaan kaagama jeedee
waa xiskiisiyo kaaga.
Xarakaadka aduunka
waxa loo xigsanaayee
Galbeedka geeyey xadkaana
xaqiiqdii beeraha weeye
xoolahaad wadataana
waa xannaano la'yiin
intay jiifto xareeduye
xorfadaa ku jirtaabaad
xilli qooqa tihiinoo
xoorka aad dhamaysaane
abaar xaabka dhamaysiyo
markay xaaqi timaado
xeradaa cirka weeye
ee inta aanay ku xaadhan
kaalayoo ka xorowoo
xoolahoo dhan xaraashoo
halkan beer ka xagaafo!
Ninkii reermiyiga haa wuxuu odhnayaa:
Xeradaada cirkaa iyo
xidigahaa laga ood
qoodhay iyo xeraday waan xumadooday
sidaan geelii xaraashay,
is xisaab garan maynee
adna beerta xagaafo
anna aan xoolaha doonto.
Ina kala kaxee, inta cirka iyo dhulku isu jiraan ayaynu isu
jiraa.
xusulkayguna intuu xabaal ka sareeyo hadalkaygu waa kaa xidhan
yahay. Xabaashaada iman maayee xabaashayda ha iman.
Ninkii beeralayda ahaa wuxuu odhanayaa:
Ways xisaab garan laynee
garaadkii xagar oodaybaan
xagna kuu bixinaynoo
jahligaa xasdigaa leh
oo xoolaad tahay xoolo wata
Ninkii reermiyiga ahaa wxuu odhanayaa:
Adeer yaaynaan iscaayine! Waxaad tahay habaas habaas qodayee
ciidaa ka dherogoo ina kala kaxee!!!
Dhamaad.
waxaanu ka helney barbaarta (cakaara group) iyo Daud
Gilingil
|