|
Dheg-dheer
Bari waxa Jiray reer reermiyi ah oo lahaa afar caruur ah
oo walaalo ah oo kala bah ah. Labana fariido ayey ahaayeen,
labana nacasyo. Maalin maalmaa ka mid ah ayaa hooyadii labada
fariidada ah dhashay waxay u dhigtay ninkeedii oo safar ku
maqnaa caano ay ka listay naaskeeda iyo kuwo riyaad oo ay
iskudartay ayadoo xiligunna yahay Jiilaal. Markii uu yimid
ayuu yidhi,
" Caanahan xagaad ka keentay illayn waa Jiilaalle?"
Hadaad caruurta habaabisid, markasta caano ayaad heli",
gabadhi tidhi.
Subaxiidanbe ayuu caruurtii iyo awrkii kaxeeyay oo ku yidhi,
"Midhaynu soo guranaynaaye inna keena".
Way fogaadeen oo wuxu geeyey meeshii midhaha laga soo gurayey.
Wuxu yidhi "Inoo gura midhaha waan seexanayaaye. "Geed
hoostiis ayuu ku goglay go`iisii cadaa, koortii awrkana wuxu
sudhay geed si dabayshu u ruxdo oo caruurtu istidhaahdo aabihhiin
iyo awrkiiba way joogaan. Mar casarkii ahayd ayey isyidhaahdeen
aabihiin soo toosiya, dabadeed way ka waayeen oo go' qudha
ayey ku arkeen meeshii iyo koortii geedka sudhnayd. Way iska
socdeen, waxaanay la kulmen guri Jees ah. Dabadeed way gallen,
Waxay uugu tageen gabadh ku tidhi waxan ahay inna "Dhagdheer",
gurigana hooyaday ayaa leh.
"BIyo nasii", ayay caruurtii tidhi.
"Haantaa waxa la yidhaahdaa-Bowdheer-, markaa hooyaday
ayaa maqlaysee hadaad kor ka furtaan waayo sanqadh dheer ayay
bixisaa. Markaa mudac ku muda, dabadeed halkaa ka cabba. Markay
cabbeen waxay yidhaahdeen "meel naseexi".
"Hooyaday waa dad qalato markaa harrar ayaan idinku duubayaa
oo aqalka dabadiisa ayaan idinku qarinayaa". ayay gabadhi
uugu Jawaabtay.
"Dhagdheer kolkay timid way urisay caruurtii.
Naas gabdheed ayaa uraya". ayay tidhi dhagdheer.
"Hooyo waa naaskayga ", ayay tidhi inantii.
Markii ay dhagdheer erayadii ku celcelisay ayey cabsootay
gabadhi:"Hooyo caruurta waan soo saarayaaye ha cunin".
Caruurtii ayey soo saartay, habeenkiina dadqalatadii way barisay.
Subaxnimadii markay ahayd ayey tidhi dhagdheer, "Yaan
u xiiraa inankooda?"
Nacastiiba tidhi "Inankayaga u xiir".
"Hablaha! midayna xaabo doon, midayna biyo doon",
ayey ku amartay dadqalatadii.
"Inankayagu biyaha ayuu ila doonayaa, fariidii ayaa
tidhi. Waanu raacay. Nacastiina kaligeed ayey xaabadii doontay
oo inankoodii way qalatay. Iyana markay timid ayey cuntay.
Labadii biyaha doonay way baxsadeen, dabadeed habartii ayaa
eryatay. Ayagoo ordaya ayey arkeen Mas Weyn oo dabadiisa iyo
madaxiisu isu kala Jiro meesha cirka iyo dhulku iskahaystaan.
"Masow meel no bannee cadow ayaa na eryanayee".
ayey caruurtii waydiisteen.
"Hadaydaan ciid iyo saxarnna igu duulinayn iga talaabsada".
ayuu maskii ku celiyey.
Dabadeed waxba kumay tuurin ee way ka gudbeen. Dhagdheer oo
ordaysa ayaa iyana maskii soo gaadhay, intii inleeg ayey isyidhaahdeen,
laakiin dadqalatadii ciid iyo saxarba way ku daadisay maskii,
dabadeed wuu cunay.
Markaa Caruurtii waxay ku heeseen:
"Dhagdheer dhimatoo dhulkii nabadee"
"dadoo ma isu soo dhawaanaa?"
Qoraalkii Abdulkhaliq Shikh-Osman
|