Sheekadan waa sheeka
aad u naxdinbadan, waxaana ka helney qof aanan magaciisa
noosoo raacin. sheekadu waxay ku saabsan tahay haweenay
dhib kala kulantey isticmaalka chatka ama paltalka ga. waa
sheeka dheer oo cajiib ah. sidan ayay noogu bilaabatey.
Marna ma rumaysanaysid waxa igu dhacay iyo
waxaan dhib naftayda u
soo jiiday, aduunkan waxa iigu wayn oon doonayo maanta waa
danbi
dhaaf ilaaah iyo INAAN DHINTO INTAANAN ANIGU NAFTAYDA DILIN.
Ma
garanyo waxaan naftayda ku sameeyo quusashadaan ka dib.
>
>
Maalin ima soo marto illaa waan ooyaa illaa aaan gaaro inaan
wax
arki waayo. Maalin walba waxaan ku fakaraa inaan is daldalo,
noloshaydu wax qiimo ah iima laha.
>
Saacad walba waxaan tamanniyaa dhimasho Shallaaytaydee ma
dhasheenaa, shalle-ytadaydee la ima abuureenaa!!!!! maxaan
sameeyaa
wareer baan ku sugnahaye wax walboo agtayda ah waxay soo baxeen
waxaan mibna lahayn dhadhanna lahayn.
>
Labadaydan gacmood ayaan ceeb ugu soo jiiday naftaayda iyo
qoyskayga. Waxaan ceebeeyey ninkayga iyo caruurtayda waxaan
dumiyay
gurigayga. Wax walba waan ood i tiraahdaan waan xaqsadaa.
Magac
walboo xun iyo tilmaam walboo xun ood igu tilmaamtaan waan
istaahilaa, nacas dabaal caqlilaaw, hawa raac iyo iyo iyo.
>
Run ahaan wax walbood igu sifaysaan waan ahay. Laakiin qof
dib ii
celin kara oo soo sixi kara waxaan qalad sameeyay ma jiro
mana
idinku jiro qof i caawin kara. Sheekadaydu waxay noqotay waxaan
ka
noqosho lahayn wayna gashayna buugga taariikda.
>
Sheekadayda ayaan soo hordhigayaa Gabar walba oo Muslimad
ah oo
isticmaasha INTERNETKA si ay calaamad ugu noqoto iyo ilaalin
iyo si
aysan ugu kicin axmaqnimada aan ku kacay iyo si ay ugu caqli
qaataan
kuwa caqliga leh.
>
Sheekadaydu waxay ka bilaabatay gabar saxibtay Gurigeeda.
Maalin
ayay gurigeeda igu marti qaaday saaxiibadaay waxay ka mid
ahayd kuwa
internetka isticmaala inta badan. Waxay bilowday inay intenetka
wax
iga barto. Muddo 3 bilood gudaheeda ayay wax walb oo ku saabsan
internetka igu bartay waxay i bartay chat roomyaashoo dhan
waxay
kaloo i bartay sida wax loo baaro iyo sida loo raadsho web
site
yaasha cusub iyo kuwooda wanaagsan iyo kuwooda xunba.
>
3daas Bilood gudahooda ayaan waxaan ninkayga ku qasbay inuu
internet
guriga soo galiyo. Aad ayuuna oga soo horjeeday arrintaan
illaa aan
ku qanciyay inaan daal wayn dareemayo maadaama aan ka fogahay
ehelka
iyo asxaabtaba, waxaana xujjo oga dhigay inay saaxiibaday
wada
isticmaalaan internet, halkaasna aan kala sheekaysan karo
internetkuna nooga lacag jabanayahay Telefoonka. Wuu ogolaaday
dagaal badan ka dib asagoo aniga ii naxariisanaya.
Waxaan bilaabay inaan maalin walba saaxiibaday kula sheekaysto
Internetka, ninkaygiina waa iga istareexay wax dacwo danbena
igama
maqal wuxuuna qirtay inuu ka istireexay dacwooyinkaygii. Mar
walba
oo uu ka baxo guriga sidii wax waalan baan internetka ugu
ordaa,
>waan hor fariistaa anoo saacado badan maalin walba ku
jira.
Waxaan bilaabay inaan jeclaysto inuu maqnaado wax yar markuu
sii
maqnaadana waan u xiisaa. Ninkayga waan jeclahay marna ninkaygu
iskuma kay ladin wax walbana wuu i qabtay dhaqaalihiisuna
aad uma
fiicnayn markii la garabdhigo walaalahay iyo saaxiibaday,
wanaagayga
ayuu marwalba ka shaqaynayay. Maalmo badan markay tageen ka
dib
waxaan bilaabay in internetku uu noqdo meesha kaliya ee aan
ku
dareemo farxadda. Waxaana bilaabay xattaa inaanan xiisayn
inaan
ehelkay u safro oon u safri jirnay labadii wiigba mar.
Mar walba oo uu ninkaygu guriga ii soo galo si dagdag ah ayaan
u
damiyaa internetka taasoo uu qariibsaday lana yaabay, ma uusan
iga
shakisanayn laakiin wuxuu uun doonayay inuu arko waxaan ka
samaynayo
Internetka. Laga yaabee inuu dareemay masayr ka dib markuu
i arkay
anoo maalin ku jira Voice Chat qof kula sheekaysanaya
cod ahaan
isticmaalaya mikrafoon. Markaa ka dib ayuu bilaabay inuu i
canaanto
asoo leh internetku waa wax balaaran waxyaalo badanna laga
faaiidaysan karo, maad ka baratid luuqadaha iyo sida loo sameeyo
website anfacaya dadka ood iska daysid waxa maalaa yacniga
ah ood
waqtiga isaga dhuminaysid. Ka dib waxaan isku dayey inaan
ka
faaiidaysto internetka mar danbana aanan galin chat
roomka
(Qolalka wada sheekaysiga) inaan la hadlayo walaalo iyo saaxiibo
mooyee.
>
Waxaan ka tagay tarbiyadii caruurtayda waxaana u daayay khadaamaddda
guriga, waxaan garanayay waxaan xafiday waqtiyada uu ninkaygu
shaqada dhammeeyo gurigana ku soo aadanyahay si aan u damiyo
computerka oo uusan iigu arag anoo ku mashquulsan chatka.
Waxaan si aada u dayacay naftayda. Waagii hore aad ayaan isu
qurxin
jiray sida ugu qurux badanna baan u labisan jiray intuusan
ninkaygu
shaqada ka soo laaban, internetka ka dib waxaan bilaabay inaan
tartiib tartiib naftayda iyo ninkayga iyo caruurtayda u illaawo
illaa aan dhammaan wada illaaway, waxaana bilaabay inaan samaysto
cudurdaaryo beena, sida:- imaadan sheegin inaad waqtigaan
soo
laabanaysid, ama waqtigaagii baad ka soo hor martay iyo kuwa
badan.
Waxaan aad ugu mashquulsanaa internetka illaa aan gaaray inaan
soo
kaco ka dib markuu seexdo oon galo internetka dibna sariirta
ugu
laabto intuusan soo kicin. Laga yaabee inuu dareemay internetka
waxaan ku hayyo inay tahay waqti dhumis ee aanan waxba ka
faaiidaysanayn, laakiin wuxuu iiga dhimrinayay kalinimada
maadaama
ay ehelku iga fogyihiin, asna shaqo ku mashquulsanyahay, balse
waxaa
aad u dhibayay ihtimaam laaanta aan u hayya caruurteenna
mar
walbana wuu igu canaanantaa laakiin hubka aan isku daafaco
ayaa ahaa
oohin iyo inuusan ogayn waxa guriga ka socda intuu ka maqanyahay,
see baad saas ii oran kartaa.
>
Aan soo gaabshee Internetka intaan guriga la soo galin ka
hor
ninkaygu guriga ka maqanyahay waxaan wici jiray tobannaan
jeer inaan
maqlo codkiisa oo kaliya. Haddana internetka ka dib inaan
is maqli
wayno oon waco maraan dan wayn aan ka leeyahay oo kaliya.
Ninkayga waxaa ku dhalatay masayr wayn oo uu u qaaday Internetka
laakiin masayrkaan waxaan kula dagaal lami jiray boohin iyo
sirta
haweenka iyo xeeladda wayn een u leenahay qancinta nimankeenna.
>
Sidaas ayay nolosheennu ahay muddo ku dhow 6 bilood marna
kuma soo
dhicin ninkayga maskaxdiisa inaan si xun u isticmaalo internetka.
>
Mudadaas 6 bilood ah ayaa waxaan calaaqo wayn na dhex martay
magacyo
la soo tobal caaraystay Nick Names aanan garanayn
inay niman
yihiin iyo inay naago yihiin toona, qof walba oo chat ka ii
soo gala
si uu iila sheekaysto ayaan la sheekaysanayay xattaa anoo
og inuu
yahay nin waxaan la sheekaysanayo. Waxaan ka dalbanayay inay
iga
caawiyaan computerka wax badan ayaan ka bartay oo ku saabsan
internetka. Dadkaas mid ka mida ayaa calaaqadeennu aad u waynaatay
sababtoo ah wuxuu xirfad wayn u lahaa internetka, mar walba
waan la
sheekaysanayay dhib walba oo iga soo waajahda computerkana
asaan
kula ordayay ilaa uu kulankeennii noqday mid yawmi ah oo maalin
walba ah. Waxaan jeclaaday sheekadiisa iyo kaftankiisa xiriirkeennu
inuu sii waynaado ayuu bilaabay maalinba maalinka ka dambaysa.
Aniga
iyo ninka lagu magacaabo ????? kuna naynaasan hebalarrin
wayn wayn
ayaa na dhex martay wuxuu igu kaday hadalkiisa malab ka ah
erayadiisa jacaylka eed moodo inuu buug ka soo xafiday, laga
yaabee
in erayadiisu aad aysan u qorxoonayn laakiin shaydaan ayaa
malab ii
mariyay iiguna qurxiyay si xadka ka baxsan.
>
>
Maalin maalmaha ka mid ah ayuu iga dalbaday inuu codkayga
maqlo
wuuna ku adkaystay dalabkiisa illaa uu igu handaday inuu iga
tagayo
iskayna mootin doono, waxaan isku dayay inaan hor istaago
dalabkiisa
kana dhaadhiciyo inaanan awoodin laakiiin waan ku guulaysan
waayay.
Meel dhexe ayaan isugu nimid waan wada hadlaynaa bishardi
inay
noqoto hal wada hadal mar danbana aanan wada hadlin, taleefoon
namarradii ayaan is dhaafsannay. Waan wada hadalnay anooo
walwal
wayn iyo cabsi igu jirto, laakiin hadalkiisu aad ayuu u macaanaa,
waan gariirayay marwalboon maqlo codkiisa waxaan ogaa inuu
shaydaan
sadex nagu ahaa iina qurxinayay arrintaan, lana dagaallamayay
dhawrsanaantayda iyo akhlaaqdayda iyo diiintayda intii ka
dhimmanayd. Halkaan ayayna ka bilaabatay noloshayda daba
gadoonkeedu, qof walboo akhriyaa sheekadaan wuxuu oran ninkaygu
yahay qof dayac badan maqnaashana badan laakiin arrintu waa
caksiga
shaquu ka soo bixi jiray saaxiibadiisna in badan ma aadi jirin
aniga
awgay iyo kalinamada oo uu ila nacsanaa.
>
Maalmo badan markay soo wareegeen ka dib oon macallimad ku
noqday
Internetka oon maalin walba ku jiri jiray 8 saacadood ilaa
12
saacadood, waxaan bilaabay inaan karaahs ninkayga joogitaankiisa
in
badanna aan taas ku cataabo kuna boorriyo inuu waqtiyada shaqada
>badsado galbihiiyoo kale uu shaqeeyo si aan oga baxno
daynta is
fuufuushay ee nalaku leeyahay, run ahaanna hadalkaygii ayuu
qaatay
saaxiib ayuu mashruuc yar kula noqday shirko, markaa ka dib
saacadaha aan Internetka ku jiro intii ayay ka sii bateen.
>
Calaaqadaydii aan ninkaan internetka iska baranay la lahaa
ayaa sii
xoogaysatay. Wuxuuna bilaabay inuu iga dalbado inaan is aragno
codkayga markuu maqlay ka dib, uma aanan aabayeelayn dalabkiisan
kamana hoos qaaday, waxaana ku cataabi jiray ku canaanan jiray
dalabkaan uu iga dalbanayo inaan kulanno laga yaabee inaan
anba aad
u xiisaynayay araggiisa laakiin inaan anna xiisahayga cadaysto
waxaa
iga hortaagnaa cabsi aan cabsanyo fadeexad ee ma ahayn cabsi
aan
>Ilaah.
Dalabkiisii ayuu aad ugu adkaystay aadna iigu ilxaaxiyay inaan
is
aragno arag oo kaliya aan wax kale ahayn. Waan aqbalay bishardi
inay
ahaato tii ugu horraysay uguna danbaysay, wuxuuna yiri anba
intaas
oo kaliyaan doonayaa inaan ku arko oo kaliya wax hadal ahna
aanan is
dhaafsan. Waxaan filayaa inuu rumaysan waayay inaan ogolaaday
ka dib
markuu ku dhawaaday quusasho, waxaana ka dareemay inuu farax
la kala
batay, wuxuu igu qanciyay inuu yahay qof Ilaah ka baqaya wax
dhibana
haba yaraatee aysan xaggiisa iga soo gaarayn uuna ii noqon
doono
gidaar oo kale intaan wada joogno wax dhib ahna aanan arki
doonin,
wuuna ogolaaday shardigii wuxuuna ku dhaartay inaysan arrintu
aragti
kaliya dhaafin. Waana yeelay.
>
Waa ballan-nay taasoo shaydaan sadex nagu yahay suuqyada waawayn
mid
ka mida dukaan kaas saacadaas daqiiqadaas. Wuu i arkay anna
waan
arkay Shallaytadaydeen ma arkeenaa!!!!!!!!!!!!
wuxuu ahaa
quruxloow aad u quruxbadan jirkiisa iyo dheerarkiisa dhan
walba oo
jirkiisa ahna waa i cajabisay muddu daqiiqad ka yar daqiiqadaas
aan
arkay waxaan dareemay inaanan arag ninka qurux badan intaan
noolaa,
ninkaygu ma foolxumayn mana gaabnayn mana buurnayn laakiin
daqiiqadaas waxaan dareemay inaanan horay u arag nin ka qurux
badan.
Asna xaggiisa ma rumaysan inuu la sheekaysan jiray gabar sidayda
u
eg, wuxuuna ii cadeeyay inuu aragtidayda ku farxay quruxdaydana
uuna
rumaysan waayay inuu gabar saas u qurxoon mudadaas la
sheekaysanayay, wuxuuna ii jeclaaday sidii wax waalan, wuxuu
bilaabay inuu i yaraahdo waan is dilayaa haddaan ku waayo
wuxuu
kaloo oran jiray shallaydee waligay kuma arkeenaa wuxaan dareemay
naagnimo waxaan bilaabay inaan qurux aanan horay isugu tuhmi
jirin
inaan isku tuhmo xattaa guurkayga ka hor.
>
>
Ma uusan ogayn in la i qabo ninkaygana uu Ilaah caruur iga
siiyay.
Wada sheekay-sigeennii intaan is aragnay ka dib aad ayuu isu
badalay
wuxuuna ahaa mid wada sheekaysi jacayl, wuxuuna ogaaday meelaha
aan
ka nuglahay iyo daciifnimadayda shaydaanna waa caawinayay
laga
yaabee inuu hogaanka u hayay. Wuxuu doonay inuu i arko aad
ayaan
taas u diidanaa mar walbana waxaan xasuusinayay ballantuu
qaaday,
balse naftaydaa aad ayaan oga dareemayay inaan jeclahay inaan
arko,
laakiin suura gal iima ahayn inaan arko ninkayguna magaalada
joogo,
aad ayaan isugu sii dheeraanaynay waa walboo barya waxaana
mar walba
xasuusinayay in la i qabo caruurna leeyahay. Wuxuu igu yiri
waxaad
tahay Xuurl Caynta aduunka. Codkiisa iyo sheekadiisa ayaa
waxay ii
noqdeen daraag oo kale i qabanaya haddaan saacado moognaado,
waxaaan
sawirtay anoo hor jooga labadiisa gacmood ku dhex jira see
dareemi
lahaa, wuxuu i nacsiiyay ninkayga aan marna arag raaxo dalbaadkayga
fulintooda iyo farax galintayda awgeed. Waxaan bilaabay inuu
madax
xanuun igu dhaco maalin ama laba maalmood haddaan chatRoomka
ka
waayo waxaan kaloo bilaabay inaaan dareemo masayr haddaan
arko asoo
dad kale la sheekaysanaya ma garanyo waxa igu dhacay, waxaan
noqday
tan aadka u doonaysa una xiisaynaysa.
>
Wuu dareemay inaan ku waashay wuxuuna gartay suu iiga faaiidaysan
lahaa wuxuuna falkeeda galay suu maalin kale ii arki lahaa,
maalin
ma soo maro illaa wuxuu soo celiyaa dalabkiisii ahaa inaan
ku arkaan
doonayaa annaa aan diidayo anoo xujjo ka dhiganaya waa la
i qabaa,
asna uu leeyahay ee maxaan samaynaa?? Ma saas baan ku jirnaa
illaa
aan murugo u dhimanno?? Ma caqli gal baa inaan is jeclaanno
aana
awoodi kari wayno xattaa inaan isku soo dhawaannoo?? Qasab
waa inuu
xal jiraa aan ku kulmi karno si aan ugu wada noolaano hal
saqafhoostii, wax uusan isku dayin lama arko anna wax walba
aan ka
diidayo illaa uu soo gaaray inuu ii soo bandhigo guur oon
ninkaygana
ka dalbado furriin si aan isu guursanno, haddaanan saas sameyn
inaan
is dilo ama waasho ama aan ninkaaga dilo. Run aad ayaan u
cabsaday..... laakiin waxbaa xaggiisa ii jiiday ina illowsiinayay
ninkayga iyo caruurtaydaba waxaabad moodaa inay fikraddu i
cajabisay, mar walbuu ila hadlo waan gariirayay ilkahana isku
garaacayay waxaad moodaa in korkayga qabow lagu furay, aad
ayaan u
wareeray, waxaan dareemay inaan naftaydu ninkayga xabsi ugu
jirto
Jacaylkaan u hayyayna uu dhammaaday waxaan bilaabay inaan
araggiisa
iyo suu u egyahay aan naco, waan illaaway naftayda iyo caruurtaydaba
waxaan ka shallaayay oo nacay guurkaygii iyo noloshayda waxaan
dareemay kalinnimo sidii inaan kali ku ahay.
>
Markuu ogaaday oo hubsaday jacaylka aan u
qabo waynankiisa iyo siduu
ii hantay wuxuu ii soo bandhigay inaan mushkilo ninkayga ku
furo
siinan wayneeyo mar walba illaa ii i furo arrinkaan horay
ugama soo
dhicin laakiin markaan maqlay waxaan dareemay inay tahay albaabka
kaliye ee ii furan een oga bixi karo waxaan xabsi ahanta u
dareemay
waa la noolaashaha ninkayga. Wuxuu ii ballan
qaaday inuu i
guursan doono ninkaygu markuu i furo ka dib inuuna farxad
iyo nolol
tan u wacan ku wada noolaan doono.
Arrinkaas sameyntiisu iima fududayn yacni inaan ninkayga ku
furu
dhibaatooyin ii sababa furriin. Laakiin jacaylka aan ninkaan
u
qaaday ayaa igala waynaaday run ahaanna waxaan bilaabay inaan
dhibaatooyin samaysto ninkaygana buuq ku furo maalin walba.
Ninkaygii arrinkaan waa u adkaysan waayay wuxuuna bilaabay
inuu
guriga ka maqnaado intuu ka maqnaan jiray in ka badan ilaa
uu gaaray
inuu guriga u yimaado jiif kaliya. Xaalkaan ayaan ku jirnay
dhowr
usbuuc annaa aan mar walba sii abuurayo mushkilado cusub,
waqti
dheer ayay arrintaan qaadatay ninkaygiina waa u sammray dhibtaydii.
Ninkii aan khiyaamada isla wadnayna waa i daahsaday wuxuuna
iga
dalbaday inaan is aragno sababtoo ah waxaa laga yaabaa inuusan
ku
furin si dagdag ah waa inaan is aragnaa haddii kale ?????.
waan ka
aqbalay ka noqnoqosho laaan. Waxaabad moodaa inuu ibliis
dabada iga
wado goaamadana ii goynayo waxaana ka dalbaday inuu
muddo ii sugo
intaan jaanis ka helayo.
>
Maalinkii arbacad kuna aadanaa 21/01/1421 H. Ayaa ninkaygii
i yiri
safar shaqo oo shan bari qaadanaya ayaan u baxayaa, farxad
ayaa i
qaaday waxaana dareemay tanu inay tahay waqtigii aan sugayay.
Ninkaygu wuxuu doonay inuu ii diro reerahayga si intuu maqanyahay
aan xagga u sii joogo una soo sitareexo. Laakiin waan ka diiday
boqolaal cudur daarna waan keensaday inaanan bixi karin. Wuu
ogolaaday asoo aad u dhibsanaya safarkii ayuuna u baxay maalitii
jimcaha ahayd. Maalitii axadda ayaan wada hadalnay waxaana
u sheegay
inaan diyaar u ahay is araggii waan ogaa waxaan samanayo inay
qatar
ahaayeen khalad waynna ahaayeen, laakiin waxaan iraadadayda
iyo
awoodayda waa ka sarreeyeen ilaa aan gaaray inaanan wax cabsiyaba
dareemin. Waan isla baxnay haa run ahaan waan isla baxnay
NAFTAYDA
AYAAN IIBSHAY. Waan raacay anoo isugu sheekaynaya aad ninka
si wacan
u soo baratid. Waxaan ku ballanay suuqyada midkood, ballantii
ayuuna
ku yimid. Waxaana fuulay gaarigiisa waan soconnay annagoo
magaalda
jididkeeda war wareegayna. Waxba ma dareemin inkastoo xoogaaa
cabsiya igu jirtay balse waxay ahayd markii ugu horraysay
oon la
baxo nin aan waxba ii ahayn waxa kaliyoo naga dhexeeya ay
tahay
sheeko 7 bilood oo kaliya socotay oo ahayd chat roomka iyo
halkulan
oo ahaa daqiiqad in ka yar. Waxaa ka muuqday walwal kan iga
muuqda
kan ka badan oon ka dareemi karay hadalkiisa.
>
Waxaan ku bilaabay hadalkii.
>
Ma doonayo inaan in badan ka maqnaado guriga waxaan ka baqayaa
inuu
ninkayga soo waco ama wax kale dhacaan.
>
Wuxuuiigu jawaabay
>
Waayo oga fakaraysaa ha soo wacee iska daa inuu ku furood
ka
istreexdid ayaa laga yaabaaye.
>
Uma bogin sheekadiisa iyo erayaduu isticmaalayo, walwalkii
i hayyay
ayaa igu sii siyaaday.
>
Waxaan ku iri waa inaadan aad u fogaan ma doonayo inaan guriga
in
badan ka maqnaado.
>
Wuxuu iigu jawaabay
>
Xoogaa waan soo daahaynaa maxaa yeelay marna si fudud kugu
sii dayn
mayo waxaa kaliya oon doonayaa inaan xoogaa
waqtiya adiga kula qaato
ishana kaa buuxsado waxa laga yaabaa inaadan mardanbe ii ogolaan
inaan dib kuu arko.
>
Saaas ayay sheekadaydii ku bilaabatay inkastoo walwalkaygu
uu sii
badanayay saasoo tahay naftaydu waxay sii jeclaysanaysay marwalba
inaan la sii joogo. Sheekadeennii waxay bilowday inay u waajahsato
xagga romansiga Jacayl, ma garanayo inta saac oon isla joognay
xattaa ma dareemin jidka aan hayno iyo meeshaan u soconno
toona.
Waxaan ku baraarugay anoo jooga meel aanan garanayn, mugdi
ah una eg
beer lagu nasto, waxaan bilaabay inaan ku qayliyo waa maxay
meeshaan
aan joogno?! Xaggeena ii wadaa??.. sakanno duduhood gaarigii
waa
gaarigii oo istaagay iyo nin kale oo albaabka gaariga furaya
iigana
soo bixinaya gaariga si xoog ah.......waxaad moodaa wax walba
inay
sidii biriq u dhacayaa yacni dhaqsaha ........... waan qayliyay
........ waana ooyay.......bal inaan wax i caawiya arko .........
waxaan gaaray inaanan maqlin waxay sheegayaan aanan fahminna
waxaan
dareemay dharbaaxo wajiga la iiga dhuftay iyo qaylo la igu
qaylinayo
iyo ruxruxid la i ruxruxay illaa miyirkii iga tagay cabsida
i haysay
waynankeeda awgeed. Ma garanayo waxay igu sameeyeen iyo waxay
ahaayeen iyo intay ahaayeen toona, laba ka mid ah ayaa uun
arkay,
wax walba sidii biriq ayay igu dhaafayeen. Waxaan ku baraarugay
oo
ku miyirsaday anoo dhabardhabar u jiiffa dharka intii badnaydna
la
iga siibay, jiifana qol faaruq ah dharkaygiina la jeexjeexay
waxaan
>bilaabay inaan qayliyo oon ooyo korkaygoo dhanna wuu wada
wasakhaysnaa waxaana filayaa inaan isku kaadshay. Sakanno
ka dib
waaba asagii oo soo galay qoslayana.
>
Waxaan ku iri:Ilaahaybaan idinku dhaarshaye iska kay
sii daaya
inaan gurigaygii ku noqdaan doonayaaye.
>
Wuxuu i yiri:Gurigaaga waad ku noqon doontaa, laakiin
waxaad iga
ballan qaadaa inaadan qofna u sheegin. Haddii kale fadeexad
ayay ku
noqon ehelkaaga, haddaad i sheegto ama dacwo igu soo oogtana
waxaan
ka aargoosan caruurtaada.
>
Waxaan ku iri:Waxaan doonayaa inaan gurigaygii aado
oo kaliya qofna
u sheegi maayo.
>
Waxaa iga tanbata cabsidii waxaan dareemayay jirkayga oo gariiraya
mana joojin oohin intaas uun baan ka xasuustaa wixii dhacay
wax
kalana ma xasuusto waxaa kaliya oon xasuustaa meeshii markuu
iga soo
qaaday ilaa uu guriga i keenay waxaa u dhaxaysay 4 saacadood.
Indhuhuu iga xiray oo gaariga ayuuna i soo saaray. Wuxuuna
igu
tuuray meel u dhow gurigayga. Qofna ima arag anoo saas ah
qaawan.
Gurigaan si dagdag ah u galay, waxaana ku laabtay oohintaydii
ilaa
ay ilmadii iga dhammaatay. Markaas ka dib ayaa waxaan ogaaday
inay i
kufsadeen dhiigna iga daayay. Waan rumaysan kari waayay
waxa igu
dhacay iyo waxaan naftayda gacmahayga ugu soo jiiday. Waxaan
maxbuus
ku noqday qolkayga. Ma arag caruurtaydii, cuntana afkayga
kama
dagin. Alla hoogayeey Jaxiimaan lugahayga ku raadsaday, saan
ka dib
muxuu xaalkaygu noqon doonaa. Naftaydaan nacay waxaana isku
dayay
inaan is dilo naftana iska qaado. Waxan ka baqayaa fadeexada
iyo
ninkaygu wuxuu i oran doono. Ha i waydiin caruurtay, waxaan
Xattaa
markuu ninkaygii safarka ka soo noqday wuxuu dareemay is badalka
wayn ee igu dhacay. Xaalkaygii aad ayuu u sii xumaaday illaa
uu
gaaray inuu isbitaal xoog igu geeyo. Laakiin nasiib wanaag
dhakhtarradiii ma ogaan wax igu dhacay. Waxay uun igu arkeen
cunto
xumo iyo dhiig laaan. Waxaan ninkayga ka dalbaday inuu
ehelkayga ii
qaado sida ugu dagdagga badan aan ayaan u ooyay ehelkayguse
aysan
waxba ka ogayn waxa iga oohinaya. Waxayse iska dhaadhiciyeen
in
aniga iyo ninkayga mushkilo na dhex taal. Waxaa i soo gaartay
inuu
aabahay la hadlay ninkayga, balse wax natiijo ah aysan oga
soo
bixin, sababtooo ah ninkaygu xattaa waxba ma ogayn. Qof garanyo
lama
arko waxa igu dhacay oo ehelkayga ka mid ah. Ehelkayga waxay
ii
geeyeen nin quraan igu aqriya, ayagoo u haysta in il ama jinn
igu
dhacay.
>
Xaq uma lihi inaan ninkayga la sii noolaado, waxaana ka dalbaday
furitaan, markii hore anaa isla rabay furitaanka, laakiin
hadda
asaan doonayaa inuu iga istareexo si uu gabar dhawrsan u guursado
iyo anoo ixtiraamayaa caruurtayda aabahood. Xaq uma lihi inaan
ku
dhex noolaado dadka sharafta leh. Waxa igu dhacayoo dhan waa
waxan
labadayda gacmood ku sameeyo. Anigaa gacmahayga ku qotay qabrigayga.
Saaxiibka chatroomkuna waxaa uun ahaa wiil ugaaranaya anna
dabinkaan
ugu dhacay. Qof walba oo sheekadayda ogaada wuxuu igu sifayn
doonaa
nacas ama caqli laawad waxaas iyo wax ka wayn ayaan xaqsadaa,
bal
rajmi in dhagax la igu dilaan xaqsadaa........ taasooy tahay
waxaan
tamanninayaa inaysan ku dhicin gabar muslimad ah waxa igu
dhacay.
Waxaan rajaynayaa inuu ninkaygu iska kay cafiyo ceebtaan aan
u soo
jiiday xaq uma laha caruurtaydana waxaan ka rajaynayaa sidoo
kale
inay iska kay cafiyaan anaa sabab u ahaa sabab u ahaa sabab
u ahaa
sabab u ahaa ..........
>
Ilaahna waxaan waydiisan danbi dhaaf.
>
Miyaanan la gaarin waqtigay waantoomi lahaayeen gabdhaha ku
waalan
chatroom ka ilaahyna ka baqi lahaayeen. Khaladku ma aha internetka
laakiin annaga weeye waxa sida xun u isticmaalaya khayrka
ka tagaya
xumaantana raadsanaya faaiidadiisu way wayntahay annaguna
xumaantaan
ka doonaynaa.
>
Waxaa haray inaan iraahdo............wey dhimatay saaxiibtey
usbuucyo ka dib ayey dhimatay sirteediina waa la dhimatay
ninkeedii
oon ogaan ayayna dhimatay. Aniga oo kaliya ayey ii sheegtay
anna
inaad ku cibra qaadataan awgeed ayaan idiinku soo wariyay.
Ninkeediina ma furin waxaana ogaaday inuu aad oga murgay iyo
inuu ka
tagay shaqadiisii, uuna fariistay guriga si uu u koriyo caruurtiisa.
Intaa ka dib waxaan dareemay inaysan noloshani ahmiyad saas
u sii
wayn lahan dhadhanna waligeed yeelanayn illaa daacada Ilaahay
iyo
Rasuulkiisa mooyee.
>
Ilaahay ha u naxariisto danbi dhaafna Ilaah u waydiiya.
| |