|
Cayaartii kama dambeysta ee
koobka ramadaanka Boosaaso oo lasoo gabagabeeyey shalay, iyo
kooxda Tawakal (dhahar) iyo kooxda Dowlada hoose (Galgala)
oo finalkii cayaarey. 04/NOV/05
Waxaa shalay cayaarihii heerka kowaad iskugu
soo baxay labada kooxood ee Tawakal oo ah reer Dhahar iyo
kooxda ku cayaareysay dowlada hoose ee iyadana ah kooxda Galgala.
Ciyaartan labada kooxood ee tawakal iyo dowlada hoose ayaa
ku bilaabatey si aad u xiisa badan iyadoo galinkii hore sikasta
laysku mariwaayey cayaartuna ay ahayd mid dhexdhexaad ah oo
ay labada kooxood si wanaagsan kubada u qeybsanayeen.
Ciyaari waatii galinka dambe xiisa heedu ahaaye, ayaa markii
laysku soo laabtey kooxda dowlada hoose (Galgala) ayaa waxay
dhalisay gool, goolkaana waxaa u soo hanniyey cayaaryahanka
lagu magacaabo Jibriil garmaqaate. Sikastaba ha ahaatee, markii
ay cayaartu socotey mudo qadar aad u yar ayaa kooxda Tawakal
(Dhahar) hanatey gool qaali ah waxaana goolkaa u dhaliyey
cayaartoyga afka hore ee cayaarta wanaagsan laguna magacaabo
Ciid Ducaale.
Markii ay halkaa barbardhac noqdeen labada kooxood aan kala
yareysan ee koobka heerka sare ee gobolka bari iskugu soo
baxay ayaa waxaa goolkii badiska nasiib u yeeshay kooxda Tawakal
(dhahar) waxaana goolkaa u dhaliyey cayaaryahanka weyn ee
lagu magacaabo Maxamuud Umburiyaako.
Cayaartan xiisaha badan ayaa waxaa kasoo qeyb galay dadweyne
aad u fara badan iyo qaarka mid ah madaxda maamulka Puntland.
wasiir kuxigeenka Isboortiga, dhallinyarada shaqada iyo shaqaalaha
iyo duqa degmada Boosaaso, Khadar Cabdi Xaaji Mire, Waxaana
kamid ahaa wasiirka dawladaha hoose iyo hormarinta reer miyiga
Cali Cabdi Awaare.
Samatar Saalax
dhahar.com
Sawirada waxaan ka xiganay
idaacada sbc.
|