| Saalax Doonyaale:-
Abwaan Damiir Nool Iyo Qiiro Wadaniyadeed Leh
Marka hore waxaa mahad leh Raxmaanka inaga dhigay
Dad ama Ummada Musliim ah, karaameeysan,waxaa Xurmo iyo sharaf Rasuulkeena
Suubanaa Muxamud Bin Cabdulla(CSW),Qoraalkan Maanta waxaan ugu talo
galay in aragtideeyda kaga dhiibto Labo Heesood oo Wadani ah uuna
Curiyeey Abwaan Dhalinyar oo Leh Dareen,Damiir Nool iyo Qiiro Wadaniyadeed
dhab ah.
Abwaan,Curiye-Saalax Nuur Saalax Doonyaale,Heesahan
ka Soo maaxdeey maskaxdiisana, dareenkiisa Dal jaceyl,Damiirka Nool
ee Somaaliyeed iyo Qiirada Wadaniyadeed kana turjumaya Xaqiiqada
dhabta ah ee Maanta Dalkii hooyo ku sugan yahay, Iyo masuuliyada
Diineed, Qarameed iyo akhlaaqeed ee saaran Guud ahaanba Ummada Somaaliyeed(Somaalida
Dhabta ah)Ereyada Heesahaan ayaa ah kuwo dhaqaajinaayaa dhiigaha,
kicinaaya Dareenka Dadka Nool,inta Dhimashada Xisaabsana Yeelkood
oo Yeelkood, Abwaanka Dhalinyarada ah Saalax Suugaan ayaa ku Saleeyeey
Heesahan xeelad dheer iyo xikmad abwaanimo weyn, Sidoo kalle waxaa
amaan Mudan Fanaanka codkiisa Cajiibka ah ku qaaday Heesahaas Wadaniga
ah:-Guleed Axmed.
Difaaca
Dalkeena U diida Tigreega
Iyo hees kaloo iyaduna wadaniyad ku dheehantahay.
Soomaaloo
Israacdo
Saalaxoow Abwaan tahay,Somaali dhab ah tahay,Qof Damiir
leh baad tahay,Daafaca Dalkiis tahay,Baraarujiye weyn tahay Halyeey
Qaran ayaad tahay,Abwaan ereyadan kooban lagauma Soo koobi karaayo
Maqaamkaaga sarre, Maamuus gobeedka iyo Xurmadda aad mudan tahay,laakiin
Taariikhda Dalkeena Qorri Muwaadinka Xalaasha ah oo Dalkiisana iyo
Dadkiisa sida ku
haboon u difaaca iyo khaayinka Cadowga ku soo hogaamiye oo ka shaqeeya
Xasuuqa,Tacadiyada iyo dhaawaca Karaamada Dadka iyo xurmada Dalka,aniga
iyo inta Qiirada Wadaniyadeed leh Meel kastoo aan ka joogno cifiryada
Aduunka, waxaan halkan Kaaga soo gudbineeyaa Mahad-celin iyo Amaan
Sare Saalaxoow Halyeey Qaran.Bilad Geesiyeedna naga gudoon Abwaan
Sarre, Adiguna amaan mudan, halka Abwaano Waaweyn kaalintoodii ka
Gaabiyeey, dhaliilna muteeysteeyn.
Ummadda Somaaliyeed intooda Aqlabiyada ah,caafimaadka
Qaba waxaa ku boorinaayaa Dhegeeysiga Heesahaas Qiimaha Weyn leh,
Wadanigga ah,waxeeyna ka heli karaan Shebekada ku sifoowdeey hufnaanta
Qowlka, Xurmada Ereyga,Asluub iyo Anshaxa Saxaafadeed http://www.dhahar.com/
wuuna TifatiradeedaYahay Abwaan-Salaax Nuur(Saalax Suugaan)Aniguna
Qormooyin Iyo Maqaal Danta Guud ku saleeysan ku soo bandhiggo.
-Qorre-Xassan C/Laahi sh(Xassan Carab)-
-England-UK-
-sharifhassan50@yahoo.com-
|
Copyright
2006. dhahar.com. All rights reserved |
|