|
Heestii Bishaaradii Nafteeydaay
Dhageyso
Bishaaradii nafteydaay
Bishaaradii naftaydaay!
Bugto waxaan kuu soo maray,
Batallaalihii uu
Boodhari ku aasnaa.
Ilaa buurtii Daalood,
Buraan iyo Hadaaftimo,
Ceerigaabo iyo Badhan
Beleddadii kalgacallada.
Iyagoo barwaaqo ah
Biyuhuna qulqulayaan
Balliyaduna buuxaan,
Soo booqday awgaa.
Sidaan ahay bukaansocod,
Markii ”baanta!” lays yidhi,
Bilaneey la’aantaa,
Lay baxnaannin kariwaa!
Bini-aadan baad tahay
Bashar kula midaan ahay
Naf kuu baahan baanee,
Barbarkaaga ila qabo!
Bishaaradii naftaydaay!
Ballan aan u galay axad
Weligey kamaan bixin,
Uma laba-bogleyn ruux.
Belbelkaniyo naartani
Baaxaa-deggeygiyo
Bixisadan ku haysiyo,
Waa maxay badweyntani!
ku boqraye ha baayicin
Hayska dhigin biraan jabin,
Buuraan la mari karin,
Beena hayska dhaadhicin!
Baxsantaan jeclaayeey!
Baadiyoobay awgaa,
I badbaadi maantaad
Sida bahal i sidataa!
Bani-aadan baad tahay
Bashar kula midaan ahay
Naf kuu baahan baanee,
Barbarkaaga ila qabo!
| |