|
Taariikh nololeedkii
Abwaanka.
Maxamed Axmed Cali (Abwaankii abwaanada da'dayar)
"Cali Goox"
Waxaan u malaynayaa in aad abwaan Cali Goox
heesihiisa iyo suugaantiisa aad u dhagageysateen. Kadib markii
aan helney codsiyo badan oo ka imanaya dadweynaha Soomaaliyeed
ee aadka u xiiseeya fanka iyo suugaanta ay nala soo xiriireen
(dhahar.com) iyagoo naga codsanaaya suugaanta iyo taariikh
nololeedka abwaanka ayaa waxaa mahad weyn iska leh ilaahii
noosuuro galiyey inaan qadka telofoon ku helno abwaanka inagoo
idiin soo gudbin doono dhawaan wareysigii aan layeelaney.

Hadana waa taariikhdii abwaanka oo kooban:
Wuxuu ku dhashay magaalada Ceergaabo ee
gabolka Sanaag sannadku
markuu uu ahaa 1973dii. intii u dhexaysey,
1978-1986, wuxuu ku
qaatay dugsiga hoose-dhexe isguulka "Lafoole"
ee ku yaal isla magaalada
Ceergaabo, ka bacdi wuxuu u wareegey dugsiga
sare 1986-1989, dugsiga
sare ee magaalada Ceergaabo ayuu ku qaatay ilaa fasalka
saddexaad ee dusiga sare, ka bacdina 1990kii ayuu
sannad dgsiyeedkiisii u
dambeeyey ku dhamaystiray Magaalada Badhan
ee gobolka Sanaag. 1992-1994.
Abwaanku wuxuu ka shaqaynayey magaalada Dahraan
ee wadanka Saudi Arabia,
1994-1995, wuxuu ku sugnaa wadanka isutagga
Imaaraadka Carabta, magaalada
Abu-Dubey.
1996, ayuu soo galay wadanka Finland, 1997-1999,
wuxuu baranaayey saxaafada
sidoo kalena wuxuu kaga shaqaynayey Radio Robin Hood,
oo ku yaal magaalada
Turku ee wadanka Finland,
wiiggiiba labo mar oo midkiiba yahay soddon
daqiiqadood ayuu halkaa ka sii deyn jirey barnaamij Af soomaali
ah, waqtigan
xaaddirka ah wuxuu degan yahay magaalada Tampere ee wadanka
Finland
uu ka shaqeeyo.
Waa Abwaan wax ku alifa qayb kasta oo ay maansooyinka Soomaaliyeed
ka mid ah,
sidoo kale wuxuu wax ka alifey kow iyo labaatanka
shibanne ee af soomaaligu ka
kooban yahay iyo shaqaladooda. wuxuu
noqday Abwaankii u horeeyey Soomaaliya
oo wax ku alifa xarafka "KH", mucjiso ayay noqotay
maadaamay xarafkaas kelmedo
faro ku tiris ahi kaga jiraan Af Soomaaliga,
xitaa waxa la waayey kelmed keliya oo
xarafkaas ah oo Af Soomaali ah.
Sidoo kale waa qoraa ku xeel dheer farshaxanka qorida buuggaagta,
waxaadna
halakan ka heli doontaan xayaysiiska buuggaag oo uu qoray,
laakiinse aan weli la
daabicin, oo sida ugu dhaqsaha badan u soo bixi doona, mid
waa
Qaamuus Af-Soomaali ah. (Halkaan
riix oo ka aqri Qaamuuska)
midna waa sheeko Jacayl ah
uu yiri waa dhacdo dhab ah oo Soomaaliya ka soo billaabmaysa
sifaynaysana
mashaakilaadkii iyo mucjisooyinkii ugu waaweynaa ee ka dhacay
waddankeenna,
qurbahanna ku soo afjarmaysa.
Sidoo kale wuxuu qoray riwaayad badan oo
ay ka mid yihiin ruwaadayii cajiibka ahayd uu u bixiyey "Makorto"
(ka
aqriso halkaan ruwaayada Makorto)
wuxu yiri, waa qof gugii oo keliya ka koraya laakiiinse
aan maskaxda ka korayn.
riwaayaddaasoo murti xoog badan huwan, qurbahana baallaha
kula
kala baxaysa oo Soomaalida ku sugan mid mid u qaabilaysa,
riwaayaddaas oo
saadaallinaysa sida ay soomaalidu noqon doonaan labaatan sanno
ka dib, haddii
ay qurbaha sii jooggaan. wuxuu kaloo soo wadaa buug ah maahmaahyada
Soomaaliyeed oo uu ka soo xulay inta qiimaha leh iyo weliba
fasiraaddoodii.
Sidoo kale waa Weriye (Joournalist) oo
uu muddo baranayey. waxaanna
filayaa inaad badankiin wada dhegaysateen Cajalladdii xiisaha
badnayd ee uu ka
sameeyey qisadii Cilmi Ismaaciil Liibaan "Cilmi
Boodhari" oo uu in muddo ah
baadhayey qisadaas xaqiiqdeedii. waxaana ku dhan dhamaan gabayadiisii
oo dhan iyo
sidii ay qisadu ku billaabantay iyo sidii ay ku dhamaatay
oo aan waxba laga beddelin.
Wuxuu abwaanku sameeyey Heeso gaaraya ilaa iyo boqol ay ka
midyihiin Bishaaro
(riix halkaan bishaaradii nafteydaay)
uu ku luuqeeyo fanaanka/marxuumka Cumar dhuule oo
hadana looga bartey uu ku luuqeeyo fanaanka weyn ee reer Sanaag
ee
C/laahi mire shay dacar.
Sidoo kale wuxuu daraasad "research" ku sameeyaa
taariikhda, dhaqanka, Af
Soomaaliga iyo Murtida Soomaalida. wuxuu isugu jiraa qaybo
badan waxaanna
filayaa inaad u hambalyayn doontaan markaad akhrisataan murtidiisa
macaanka badan.
Halkaan
riix si aad u aqrisato suugaantii iyo maansooyinkii abwaanka.
Cali Goox
email= caligoox@hotmail.com
Dhahar.com
|