Fikrado

Taariikh
caafimaad
Congrats
Nalasooxiriir

BBC Audio
11:00-11:15
14:00-15:00
18:00-18:30
London time


links
Ainashe.net
Allpuntland
Allwadani
Al-Tawxiid
Bakaaraha
BBC
Biyokulule
Burtinle
Columbusstars
Dayax

Dayniile

GantaalNews

Gedonet

Goldogobsit
Halgan.net
Halgannews
Hiiraan
Hornafrik
Hornrelief
Idaadsoft
JigJiga

Kulmis

Laas-qoray
maakhir.com

Midgaan.com

Mudulood

Ogaden
Puntland-Post
QaranNews
Qorahay
Qurbojaceyl RadioLascano
RadioSanaag
Sanaag.net
SBC Online
Somaali.com
Somaliaonline
Somali-land
Somfreemedia
Somalilyrics
Somalivoices

SomaliWeyn

Togane.org

Waagacusub

Wardheernews
WidhWidhNews

HomeGabayoMurtimusicSawiroQur'anSportsForumChatEmail

CEERIGAABO:- Dalkeenna wax ugu mudan Ceerigaab uguna maag dheere. 04/OCT/05

 

Muuqaalka sare ee Ceerigaabo
Ceergaabo: magaalada Ceergaabo waxa ay dhacdaa barta 10.62 digrii loolka Waqooyi iyo dhigta 48.37 digrii Bari . waxay dhanka Bari ka xigtaa magaalada Burco fogaan ah 384km, magaalada Badhanna dhanka Woqooyi fogaan ah 120km.

Waana caasimada gobolka Sanaag tan iyo 1973kii, juqraafi ahaan meesha ay ku taal waa meel buuraley ah waxayna nasiib u heshay in buurta ugu dheer soomaaliya ee surad ay dhawr kilo mitir u jirsato.

Cimilada Magaalada Ceergaabo ayaa ah mid qabow ah ayna xiliyada banaha ah kusoo fariisato dhado iyo cayr yaamo, waa magaalo dhirta iyo ubaxyada kala nooc nooca ah caan ku ah qurux deeda layaab ka lehna kusoo jiidata dadka dal xiisayaasha ah. Waxana dawladdii hore ka dhistay warshadda Qoriga oo aan waxba ka danbeyn dawladdii, si weynna loogaga faa'iideysan jirey samaynta qalabka kala duwan ee filinjarka oo laga samayn jirey Dayibka caanka ku ah buuraleyda Golis.

Buurta iyo Geela


Dadka ku nool ayaa lagu qiyaasay ilaa 60kun oo qof, waxaana kuxeeran dhul beereed siwayn usoo galiya khudaarta kaladuwan magaalada waxa kuyaal 18 masaajid oo lix kamid ah yihiin masjid Jaamac, sadex dugsi dhexe iyo hal dugsi sare iyo 2 machad , bulshada ku dhaqan magalada Ceerigaabo waxa dhibaato ku haya labo qodob oo kala ah:

1. Qaadka oo si xad dhaaf ah u yimaada, keenana dhibaato xaga dhaqaalaha ah , kana saara lacag ka badan $ 8000 maalin kasta iyo dhibaato xagga caafimaadka ah , taasna waxaad ka arkaysaa inay aad ugu badan yihiin dadka qaba xanuunka macaanka iyo neerfaha iyo dadka qaba xanuunada dhimirka.

2. Nadaamka afar beeloodka oo caqabad weyn ku haya horumarka magaalada, kaas oo ah nadaamka qabaliga ah ee wax lagu qaybsado ama wax lagu xaliyo. Waxaadna arkaysaa maalin walba beel ayaa xanaaqsan oo ay noqonaysaa in laga tanaasulo ama wax la qaban lahaa la dhaafo reer hebel baa ka xumaanaya, ama waxaan la aqbalayn loo aqbalo raali galin awgeed.

Waxyaalaha la taaban karo waxaa ka mid ah shirkadaha is gaar siinta oo ah saddex shir kadood oo taleefano ah, sadexduba waxa ay magaalada siiyaan koroto joogto ah habeen iyo maalin .

Nidaamka biyaha ayaa la iisheegay in dhawaan talaabo hore loo qaaday in kastoo aan sidii larabay aanay biyuhu u gaar siis nayn hadana biyo macaan oo xarumo xaafadaha ku yaal laga dhaansado ayaa magaaladu is ticmaashaa .

Magaalada Ceergaabo waxa ku yaal garoon diyaaradeed oo Caalami ah oo ay isticmaalaan shirkada diyaaradaha ee gaarka loo leeyahay, isuguna jira kuwo rikaabka qaada iyo kuwa keena Qaadka. magaalada hadaad dhex marto waxaad arkaysaa inuu weli ka muuqdo burburkii guryaha ee raadka u ahaa dagaaladii sokeeye, taas oo ku tudsinaysa abaabul la' aanta bulshada magaalada Ceerigaabo gudeheeda iyo bulshada reer Ceergaabo ee dibadda ku maqanba , sababtoo ah meelaha dunsan waxaa u badan guryihii dawlada ee ay ahayd in bulshada looga faa'iideeyo.

Halku dhegga qormadaydan ayaa ah gabay uu lixdameeyadii Tiriyey abwaankii caanka ahaa ee reer Ceergaabo Xaaji Aadan Af-qallooc, oo markaas dadka ku baraarujinayey waxqabadka iyo horumarinta degmada Ceergaabo, ilaa xilligaasna waxa jirey dad aad u yar oo u xusul duubayey horumarinta degmada Ceergaabo , balse weli reer Ceergaabo Hurada kama toosin , mana arkin sida magaalooyinkii kale ay uga hormareen . Lamana saadaalin karo goorta waagu u beryayo !!!!.

Waxaa soo diyaariyey Wargeyska Calmadow

 


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Copyright 2004. dhahar.com. All rights reserved