|
"Heeladu waa hanaan Laasqorey"
Warku saabsan Magaalada Laasqorey. Wargeyska Calmadow/Laasqorey:
Waxay dhacdaa barta 11.77 degree loolka Woqooyi, 48.20 degree dhigta Bari, waana
magaalo kamid ah magaalooyinka ugu faca weyn marsooyinka qadiimka ah ee kulaalaya
gacanka Carbeed ee Woqooyiga Somaliya, waxayna dhanka Galbeed ka xigtaa magaalada
Boosaaso fogaan ah 180km . magaalada Badhanna waxay kaga beegan tahay dhanka woqooyi
fogaan ah 98km. 
Muuqaalka
Laasqorey Magaaladu waxay dhabarka ku haysaa buuraleyda silsiladda
Golis, oo markaad jalleecdo muuqaalkeedu ku soo jiidanayo buuraha Calmadow ee
jarcaleedka, laagga, iliilaha iyo loolimada biyuhu ka dhacayaan isugu jira, iskaba
daa dhirta kala duwan ee durugsanaanta ay kaa durugsan yihiin awgeed uu midabkoodu
u muuqdo madow, ayna ku nool yihiin kumanaanka xayawaan ee cad ku noolka iyo calaf
ku noolkaba ah , ee badankoodu caalamka ka dabar go'ay , buurahaas oo ku wanaagsan
dalxiiska, haddii laga faa'iideysanayo  
Dhismayaashii
qadiimiga ahaa ee magaalada Dhulka la siman ee xeebta marsan ayaa
isagu ah bannaano , xarfooyin, durimo, xaysimo iyo danaago. Waxana si fiican ugu
dhaqma xoolaha nugulka iyo geelaba , iyadoo xilligan ay barwaaqo ka jirto degaankaas
ayaa waxa magaalada soo gala caano iyo subag aad u fara badan. Magaalada
Laasqoray ayaa la deganaa in ka badan sadex qarni , magacana waxa la sheegaa in
loogu bixiyey ceelka magaalada oo ay iman jireen ganacsato carbeed oo iibsan jirey
qoriga , wuxuna ahaa Laaskii qoriga . Iyadoo hal ku dhegga qormadaydana
aan kasoo qaatay cayaaro dhaqameed u gaar ah degaanka Lasqoray oo la isugu jiibiyo
: Hubsan doontide aan habaynee Heelladu waa hannaan Laasqoray.Kana
mid ah cayaaraha kala duwan ee la isku yidhaahdo cayaar Laasqorida.

Noocyada
kalluunka ee ay hodonka ku tahay Laasqoray Magaalada Laasqoray
waxay hodon ku tahay khayraadka badda ee kala duwan, taasoo ay ku mutaysatay in
Talyaanigu 1956 kii ka dhiso wersheddii kalluunka ee loo yaqaaney Tobjaan.
Sideed sano kadibna waxa dalkii la odhan jirey Midowga Sofyeti ka dhisay
wershaddii kalluunka ugu weyneyd Afrika , wax soosaarkeeduna gaadhayey ilaa 7000
tan sanadkii , shaqaale ka badan 1000 na ay shaqayn jireen , iyo weliba 100 doonyaha
kalluumaysiga ah. Nasiib darro wershaddaasi waxay la burburtay dawladdii
Soomaaliyeed.  
Wersheddii
hore ee Kalluunka Doonyaha kalluumaysiga iyo xoogsatada Badda Waxase
arintan markale ka faa'iideystey Soomaalida qurba joogga ah oo maal gashaday wershed
kalluun oo casri ah , iayadoo wershed kale oo qallajisa kallunkana hadda gacanta
lagu hayo. 
Muuqaalka
Hotel Shaaca Waxa iyana xusid mudan in wershed kale oo Hargaha iyo
Saamaha ah uu si shakhsi ah uga hirgeliyey ganacsade Xasan Badeed , oo runtii
mutay qadarin iyo in la dhiirri geliyo dadaalkiisa shakhsiga ah. Sadexda wershadood
ee aan soo xusnay ayaa iftiimiyey mustaqbalka magaalada Laasqoray iyo iney noqoto
magaalo wershedeed . Dadka ku nool oo ilaa 29,000-35,000 qof gaadhaya ayaa
50% ah dad ka shaqaysta wershedahan iyo doonyaha kalluumaysiga oo tiradooda la
iigu sheegay 300 doonyood. Waxa kale oo magaalada cammira shirkadaha ka ganacsada
Maydiga, Aargoosatada, Xaniidka, Xoolaha nool, Caanaha iwm. Xagga Caafimaadka:
Magaaladu waxay leedahay cusbitaal aan shaqayn muddo toban sano ah, hase
yeeshee loo isticmaali jirey MCH ahaan, Sida uu ii sheegay madaxa MCH-ka C/risaaq
Maxamed Jaamac Biniin waxa MCH-ka gacansiin jirtey hay'adda UNICEF
, oo iyana labo sano aan wax daawo iyo gacan ah laga helin, taasoo keentay in
MCH-kiina is xidho . 
C/risaaq
Axmed Jaamac (Biniin) Wuxuu kale oo intaas raaciyey in roobabkii
sanadkan da'ay ay sababeen Kaneeco, shuban xadidan, iyo borokiito(qabow dadka
gala). Waxana dadku daawooyin kooban ka gataan sadex farmasi oo magaalada ku yaal,
ayna joogaan daryeelayaal caafimaad oo si khaas ah uga ganacsada dawoyinka. Warbixintan
uu na siiyey Dr.Biniin ayaa muujineysa sida uu u liito daryeelka caafimaad ee
degmada L/qoray. Xagga Waxbarashada. Dhibaatooyinka
waxbarasho ee haysta caruurta Laasqoray ayaan ka yarayn tan adeegga caafimaad
ee aan soo sheegnay. Maamulaha dugsiga Hoose ee Laasqoray Axmed Maxamed
Xasan( Raanboo ) ayaa wargeyska Calmadow u sheegay in dugsigu uu burbursan yahay
, una baahan yahay dayactir, waxana laga isticmaalaa 2 qol oo keliya , oo ardayda
63 ka ahi ku dhigtaan , waxana ugu sarreeya fasalka 4aad ee dugisga Hoose. Waxa
kale oo maamuluhu tibaaxay in kuraasta , miisaska , buugta manhajka iyo agabka
waxbarashaduba ay cidhiidhi ku yihiin. Bareyaasha dugsiga wax ka dhiga
ayaa ah saddex bare oo si tabaruc ah ardayda wax ugu bara, Sida maamuluhu sheegayna
aan wax gacan ah meella ka helin.  
Maamulaha
Dugsiga Axmed Ranboo Muuqaalka dugsiga Waddooyinka iyo Isgaarsiinta
. Magaalada Laasqoray ayaa waxa soo gala sadex waddo , oo labo kamid ah
roobabkii waxyeello u geysteen ,aanna la marin . Wadadda Geeldoora oo halbowle
u ahayd magaalada Laasqoray ayaa dhibaato weyni si gaar ah uga soo gaadhey roobabkaas
. Inkastoo dadweynaha labada degmo ee Badhan iyo Laasqoray ay isku dayeen iney
wax ka qabtaan haddana weli ma suurta gelin in la maro. Magaalada Laasqoray
ayaa waxay leedahay hal layn oo telefoonka shirkadda Golis ah. Maxamuud
Ciyoon / Badhan Wargeyska Calmadow
|