RIWAAYADDII - MAKORTO
(Qeybtii Koowaad)
Riwaayaddan la magacbaxday Makorto majooratigeedu
waxay ka hadlaysaa qaxootinnimada
baallahana waxay kula kala baxaysaa soomaalida ku suggan qurbaha,
waxay si fiiradheeriya u
dhex mushaaxaysaa qaybaha faraha baddan ee ay u kala qaybsan
yihiin soomaalida qurbuhu,
iyo farsamooyinkan ay u kala baxeen, waxay oddorasaysaa waxay
muddan doonnaan
mustaqbalka, ka bacdi waxay ugu dambaynta riwaayadu ka talabixinaysaa
intii ay martay, iyo
wixii lagala kulmay qurbaha,waxay hanuunninaysaa kii habawsanaa,
waxay hagaysaa kii
heedaddaabayey, waxayna dhiirigelinnaysaa kii hagaagsanaa.
F:G: Waxaan akhristayaasha ka codsanaynaa
inay ogaadaan in riwaayaddani ka tarjumayso
dhaqan guurka ku dhacay dhalinyarada qaarkood, sidaa la'adligeed
heesaha qaarkood
waxaad ka dhex helaysaan erayo aan habbooneyn, kuwaasoo ka
tarjumaya qaybta
xun ee bulshada , si markaa loo ogaado hab dhaqankooda iwm.
Qeybtii kowaad.
Fannaaninta ayaa mid mid masraxa u imanaya, mid walibana
odhaah qiimo leh oo geeraar ah
ayuu masraxa ka sheegayaa ka dibna dib ayuu u laabanayaa.
Waxay ku billaabantay.
Abwaanka.
afrikaay magacaa beè
arligaaga ballaadhan
khayraadkiina ka buuxo
billicdaada haboonaan
bey'adaada haggaagsan
barna loo garanayn.
waad badhaadhilahayde
dadkan yaa kugu beeray?
badiba saad aragteen
adduunkii ways beddeloo
baddii baa la daboollay
hoostoodii la banneeyoo
biniáadmi maraa,
dushoodaa la bulleeyoo
biriijyaa la kor saaray
baabuuraad ku marayso
berriga aad ku tegayso,
aalladaa yimi booda
botona oo laga yaabay,
bayaan aan run ahayn
haddaad soo bandhigtaan
kimbiyuutara baadhoo
beenniyaa la sameeyey,
waana badbaado tacliine
waxbartoo isla yaaba.!
Aktarada:
Makorto.
Timii baarka ka gooyey,
bishmihiina caseeyey,
dharka bawdada geeyey,
calooshiina baneeyey,
boorsadaydana qaatay,
dadka baasha ka raacay,
badow lay oran maayo.
Aktarka:
Xayir.
bogsataan is lahaaye
maxaa beerka i haysta?
Suuban:
booli iyo xaaraan
u badheedhimaayoo
beydka dhaafimaayee
i badbaadi Eeboow,
Catooshe:
bobka yaa igu sheegay
inaan biir ku cabaayey?
Kadare:
biilkii soo dhacay maanta
bookaraan ku ciyaaray
gurigiina bariis iyo
boorashtoona ma ool
tiina hadday igu buuqi.
Haboon:
midaan loo boginbaan
hankaygii u bireeyey.
Khayre:
bilcil ubax kuyaal iyo
burdad faraq ka baxay iyo
baar iyo uneexeey
balliyada xareedoow
baraf bay hor yaalloo
waydiin basaasaye
boholyoowga aan qabo
waan badali rooraa.
Baada:
wuxu baraka daranaa
horta yaa ballaysimay!
Dalmar:
basarkaagi garanaye
belo laba qaday samir.
Qaafilo:
barashada horteedii
bini'aadmi hay nicin.
feyte:
annaa bawdadaydii
baylahaye ma ogtahay?
HEES.
HEESTII LA MAGAC BAXDAY
MARINKII NOLOSHA!
Aktarka.
Maqalka iyo muuqaal
midhaha iyo luuqdiyo
miisaanka erayada
maahmaahda sheekada
***
Murtida iyo heesaha
maansadiyo gabayada
waa marinki noloshoo
waa miscirirta taladdee
***
maskax kuugu talisaa
marti kuugu soortoo
maankaaga waxa gaday
madaddaalo maahee
macnawiga ku ladhan fahan!
***
haddaad iga maqlaysaan
magacaa ka hadhayee
macna ma leh aduunyadu.
Aktarada.
Hashu way masawdaye
may laqin masaartii
adigaa u moodaye
malageedi muu gelin,
***
Maamuus xumaantay
Maandeeq ka oloshaye
adaan maali karinine
maddi bay ahaanlayd
***
Moodkaaga weeyoo
midigtaadu ciishaye
maankaaga kaashoo
majaraha u sii daa,
adaa mahadin doontide
***
haddaad iga maqlaysaan
magacaa ka hadhayee
macna maleh aduunyadu!
Aktarka 2aad.
waynaga maroortaye
inta aanay nagu muhan
mililkiyo hurgumadii
inta aanay nagu mudin
***
Adigoon milliilicin
micidana an soofayn
mindidaadu qooqdaye
inta aanay kugu mamin
***
muxibay u boydaye
maamuus naftaadoo
meelay awooddaa
muddan weeye noloshuye
maaray itaalkaa,
***
haddaad iga maqlaysaan
magacaa ka hadhayee
macna maleh aduunyadu.
Aktaradda 2aad.
marka hore anays dagay
mar labaad anays gabay
moorada anays baday
meel xuna anays dhigay,
***
annigays makalayoo
middigtay isku gawracay
madaxaan manja u rogey
meel baan iskaga dhacay,
***
mahadhayba noqotaye
bal maxaan ka nuugaa
ama maxaan ku nuugaa
maba aanan lulanine
bal maxaan ka leefaa.
***
haddaad iga maqlaysaan
magacaa ka hadhayee
macna maleh aduunyadu!
Qeybtii
Labaad
|