Qeybtii Saddexaad Waa Xayir iyo Suuban,
Xayir:
reexaanta lulataay
nafta raaligelisaye
waatan laysku raranyee
waxa laysu ruxayee
laysu raqayo ii sheeg?
Suuban:
waa raad abeesee
qofkii raacay weydii!
Xayir:
sidaad ricirta tiri iyo
raqlahaad ka garataa
hore ramag umaad dhamin
rati maadan heeryayn
rarana maysid dabaday
waaban kuu riyaaqaye
kaalay raabaqaadnee,
Suuban:
wax naftaydu raacdoo
raandhiis leh ii sheeg!
Xayir.
dhaqso roorimaynoo
reer yagleelimaynoo
raxan daadinmaaynoo
rifimayno noloshee,
marka hore raxiimtiyo
raxmadaa aduunkaan
ku raxaamanaynaa
hadhowtaynu raas iyo
rukun taagidoonaa.
Suuban:
Rabbi niman aqoonbay
aduunyadu u rixataa,
rajo nimaan lahayn bay
naftu raali gelisaa,
ra`yi nimaan ku larinbuu
waayuhuna riiqaa,
doqontuna rafaadkay
raaxo u taqaanaa,
sidii lay rabeeyaan
anniguna u rixanahay,
wixii layga reebaad
adna ii ruxaysaa,
waxba rucubta haw lulin
tanni raacimaysee,
R a t i y o h o w !.
(wayna ka dhaqaaqday, waxaa Suuban dariiqa kaga hor timid
oo ay isku
dhaafeen Makorto oo Xayir saaxiibadiis ah,Xayirbayna masraxii
ugu timid,
Makorto: waryaa xayir iska waran?
Xayir: ma korto waa nabad.
Makorto: oo tan raranoo dariiqa igu dhaaftay
ma adigaa soo heeryeeyey?
Xayir: naa mayee waa mid xanuunsanaysay ahayd,
dhakhtarkii ilkahay
doondoonaysey anna waanu tilmaamaye, adigu maxaad qorshe
haysaa caawa?
Makorto: war i dhegayso,annigu Soomaalidii
oo dhan iminka waan sanifay,
sankaan ka keenay kuguma arki karo saacaddaa laga billaabo
kaamana maqli karo, okey?
Kadare: naa annigu beri horaan ka goàye,
waxan ku iri, soo yar dhowoow
caawa waad nuuraysaaye, bal kaalay halkan aynu iska baashaalee
(iyagoo xabadka isa saaraya)
ka bacdina muusigii baa bilawday heesbayna wadajir u qaadayaan
labadoodu,
HEES.
Waxaa billaabantay heestii la magacbaxday
(waxaasaa jacaylee-kaalay jeeniga i saar)
Xayir.
waadigan jidhiidhico
jiidhkayga geliyoo
kaa jooggiwaayaye
***
waadigan i jirjiriyoo
jidkii qays i mariyoo
laabtayda jifee,
***
jiitada masaafada
jeeraara soo dhaaf
soo jiidh araaraha
waxaasaa jacaylee
kaalay jeeniga i saar!
Makorto.
jiljilada halbawlaha
adoon xiddid i jarin weli
kaa jooggiwaayaye
***
naftaydaa ku jamatoo
jeedaalada indhaha
adaa jiitey argtida,
***
jiitada masaafada
jeeraara soo dhaaf
soo jiidh araaraha
waxaasaa jacaylee
kaalay jeeniga i saar.
Xayir:
jirka daà sidiisii
jidhaamihii kalgacalada
waadigani dhex joojee,
***
jawharadi quruxdaay
jaahaaga billicdaa
isoo jiidanaayee,
***
jiitada masaafada
jeeraara soo dhaaf
soo jiidh araaraha
waxaasaa jacaylee
kaalay jeeniga i saar!
Makorto:
waan jararacoodoo
jeefaafiwaayoo
adigay jibaaxaye
***
dibnaheenan jugulka ah
jamow an isa saaree
kuu jimiimicaye hoo!
***
jiitada masaafada
jeeraara soo dhaaf
soo jiidh araaraha
waxaasaa jacaylee
kaalay jeeniga i saar!
Heestii markay dhameeyeen iyagoo weli isku dhegan ayaa Abwaankii
u yimid,
intuu kala fujey,ayuu yiri.
Abwaanka.
labadiinan warmooggee
ifka ceelka wiyeeree
weligii an gudhayn iyo
inla waarayo moodey,
aakhira aan war u haynoow
maydin waanin karaa?
Makorto.
wacdigaad i faraysiyo
waanadaad ila dooni
waalidkayba ka diidey,
waahoraan tashadee
ha ii keenin wareerka
Xayir.
waa horaan tashanoo
wanaageeda aduunyana
annagaaba wadnee
hanoo keenin wareerka
Abwaanka.
wanyohow coobada weyni
weylyahay aan weli oomin
waxuushyahay aan wax ogayni
aduun waa wardambee
balaan waayaha dhawro.
(wuuna ka dhaqaaqay)
Xayir iyo Makorto isku marbay yiraahdeen(ballaan waayaha
dhawro)
wayna ka daba dhaqaaqeen.
Qeybtii
Afaraad
|