Fikrado

Taariikh
caafimaad
Congrats
Nalasooxiriir

BBC Audio
11:00-11:15
14:00-15:00
18:00-18:30
London time


links
Ainashe.net
Allpuntland
Allwadani
Al-Tawxiid
Bakaaraha
BBC
Biyokulule
Burtinle
Columbusstars
Dayax

Dayniile

GantaalNews

Gedonet

Goldogobsit
Halgan.net
Halgannews
Hiiraan
Hornafrik
Hornrelief
Idaadsoft
JigJiga

Kulmis

Laas-qoray
maakhir.com

Midgaan.com

Mudulood

Ogaden
Puntland-Post
QaranNews
Qorahay
Qurbojaceyl RadioLascano
RadioSanaag
Sanaag.net
SBC Online
Somaali.com
Somaliaonline
Somali-land
Somfreemedia
Somalilyrics
Somalivoices

SomaliWeyn

Togane.org

Waagacusub

Wardheernews
WidhWidhNews

HomeGabayoMurtimusicSawiroQur'anSportsForumChatEmail
Muuqaalka Shanaad.

Hees.

Heestanni waxaan u sameeyey ubadka soo koraya, ee joogga Soomaaliya,
waxna aan qorin, waxna aan akhriyin, laakiinse yaqaanna qabiilka ay yihiin,
iyo qabiilka ay colka yihiin, heestani marka waxay ka murugaysan tahay
ilmahaas yar aayoxumadiisa iyo waxa uu muddan doonno mustaqbalka,
Illaahay bayna magangelyo u weydiinaysaa inuu ubadka yar yar jidka haggaagsan
ku haggo, heestu waxay metelaysaa ilmihii oo ka murugaysan markuu arkay
madhax xumadiisa, waanna kan ilmihii oo ka dacwoonnaya qaabkii waalidkiis
u barbaariyeen.

waxaa wada qaaddaya afar fannaan, waxayna ku billaabantay.

Aktarka 1aad.

waxan ahay arday muddan
meerris iyo tacliin iyo
maaddada in loo dhigo,
***
misna macalin maan helin
maan arag malcaamado
ma akhriyo quraankana
***
magacayga maan qoro
mudacayo la ima barin
mustaqbala ma aan lihi,
***
maskabka iyo aayaha
madhaxayga ii sheeg
waxaan mudanayona garo,
***
Hooris
jiibka fanaaniinta

maxastiyo caruurtiyo
maatadu ILLaahow
magan addigay kuu tahay.

Aktaradda 1aad.

muslin hooyadiis iyo
waxan ahay madhaafaan
sodoh magac leh baan ahay
***
waxanahay mudh iyo gacan
maryihii igala baxe
i mirroo i mayrace
***
muruqiiyan beeraa
i makalaya annigee
hohe miyay i qabataa?
***
maskabka iyo aayaha
madhaxayga ii sheeg
waxaan mudanoyana garo!
***
Hooris
jiibka fanaaniinta

maxastiyo caruurtiyo
maatadu ILLaahow
magan addigay kuu tahay.

Aktarka 2aad.

madfacbaan aqaanaa
iyo mooraduugiyo
sida loo makalo ruux
***
way i marin habawsheen
mara dhiiga bay xidhan
muunadaydu waa godob,
***
mugdi baan dhex gudayaa
makhrib baana ii dumey
kaama maarmo nololeey!
***
maskabka iyo aayaha
madhaxayga ii sheeg
waxaan mudanayona garo.
***
Hooris
jiibka fanaaniinta

maxastiyo caruurtiyo
maatadu ILLaahow
magan addigay kuu tahay.

Aktarada 2aad.

mufti waanadiisiyo
murtida iyo gabayadu
meel ma iga dhaafeen
***
macbuud way qadariyaye
mu`umin sow igama dhigin
mushrik maxaa i daba dhigay
***
maqaamka iyo aakhiro
maxsharkiyo qiyaamaha
muran miyaan la tegayaa?
***
maskabka iyo aayaha
madhaxayga ii sheeg
waxaan mudanayona garo.
***
Hooris
Jiibka fanaaniinta

maxastiyo caruurtiyo
maatadu ILLaahow
magan addigay kuu tahay.

Qeybtii Lixaad


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Copyright 2004. dhahar.com. All rights reserved