Qeybtii Lixaad
Huniye:
yaa akhii nimankaan oo qaldaamiinta an waa ku wareeray, geeraarlee
akhrinayaan,
an waxmaka fahmi, iminka waa iskaga hadhaa no, habarteeyaa
teleefan ii soo dirtay, bilcan oo
abtigaa dhalayaa kuu doonnay i dhahday, waana la ii soo diraa,
gurigeygaa iska dhaqanaa,
(intaa markuu yiri) ayaa talefoon soo dhacay oo hooyadiis
usoo dirtay, ka bacdina wuu ka
jawaabey,Hooyadiis: halloow.
Huniye: hallo.
Hooyadiis: "codkiisay garatay inuu wiilkeedii
yahay", hooyo iska waran?
Huniye: hooyo waan fiicnahay, adinka iska
warama?
Hooyadiis: hooyo, idhagayso, gabadhii waan
kuu soo diray, maantaan diyaarada soo saaray,
lixda iyo badhkay kusoo beegan tahay, u diyaargaroow oo Airport-ka
ku sug,
Huniye: hooyo, waa yeellaa, diyaaraa ahay
hooyo, waa suggaa.
Hooyadiis: nabad gelyo.
Huniye: jaaw mama, (talefoonkiina waa xidhay)
Huniye oo isla hadlaaya, abbaa waa ii gashay, aroosaa gelaa,Airport-ka
ayuu suuraddii
gabadha la taagan yahay, si uu ugu garto, marna suuragduu
eegayaa, marna dadka diyaaradda
ka soo degaya, markii dambe ayay u timi, isagoo masraxii taaggan,
wuuna ku soo boodey,
Huniye: macaantey iska waran? (isagoo fiirinaya
qaabkay u taalo.)
Inantii: waan fiicanahay, (iyadoo hoosta
ka eegaysa)
Huniye: maxaa kugu dhacay waasoo daahdeene?
inantii: ma aqaan, diyaaradaa nalasoo daahday,
cirka ayay hadba meel is taagaysey,
malaha hawada dhexaay ka rikaabsanaysey, (iyadoo itaalka is
xariifinaysa)
Huniye: soo bax yaa akhii xaafadii aadnee,
warraa haysaaye, (intuu gacanta qabtay)
Qeybtii
todobaad
| |