|
Abwaan Siciid Saalax Ahmed
oo lagudoonsiiyey Bilada lagu magacaabo (Virginia Mcnight
Award) ee ah u adeegida aadmiga, iyoisagoo
ka midnoqday 10kii qofood oo biladaas Muteystay sanadkan 2005
dalka Mareykanka Gudihiisa. 23/NOV/05
Abwaan Siciid Saalax oo ah aabihii Fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed
kana mid Ahaa abwaanadii af Soomaaliga wax ka qorey gaar ahaan
qeybta Suugaanta, ahna abwaan safka hore kaga jira abwaanada
Soomaaliyeed. Sidoo kale Siciid waa proffesor aqoontiisa aad
loogu diirsaday meelkasto ay Soomalida joogaan, wuxuu xubin
firfircoon kayahay jaaliyada Soomaaliyeed eeku dhaqan Woqooyiga
Mareykanka. Mudane Siciid Saalax wuxu kamid yahay ururo badan
oo kala duwan sida ururada samafalka iyo kuwa la xiriira wuxuu
madaxweyne kayahay ururka (Somali Action Alliance) islamarkaana
ah aasaasihii ururkaa, wuxuu kaloo xubin sare ka yahay (Maakhir
Development Organization) iyo ururo kale.
Waxaa hubaal ah inaan warqad lagu soo wada koobi Karin wax
qabad bulsheedka Abwaan Siciid iyo sida ay umada Soomaaliyeed
aad uga faa'ideen maskaxdiisa ayaa wuxuu muteystey inuu ka
midnoqdo mudanayaasha muteystay bilada lagu magacaabo (Virginia
Mcnight Award) oo sanadkii la bixiyo mar dalka Mareykanka.



Xafalada Munaasabadan ayaa ahayd mid aad loo soo agaasimay,
waxaa ka soo qeyb galay dadweyne aad u fara badan iyo madaxda
gobolka Minisota. Sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay aqoonyahano
sar sare.
Xafladan oo ahayd mid aad looga qiimeeyo gobolk Minisota ayaa
wuxuu Siciid Saalax oo noqdoy Qofkii Soomaaliga ama ajanabi
ahaa ee helay Sanadkan.
Siciid Saalax oo biladan lasiiyey kadib isagoo ahaa adeege
bulshada Soomaaliyeed iyo mida Caalamka ayaa wuxuu yiri "waxaan
bilaabay u adeegida aadmiga anigoo jira laba iyo tobon sano,
dhigta dugsiga hoose ee Dayaxa, ayaa waxaan isku soo xirey
fasal, waxaan qeyliyo oo aan wax dad u sheegaba ayaa maamulihii
Iskoolka igu soo furey fasalka, mise waa aniga iyo Fasal maran.
halkaas ayaa anigoo 12 jira macalin ka noqday, kadibna waxaan
aaday kuliyada macalimiinta waxaana kamidnoqday macalimiinta
dugsiga tababarida macalimiinta. kadibna jaceylka aan u qabo
u adeega bulsha weynta ayaa waxaa igu filnaan waaye fasalka,
kadib ayaa waxaan noqday maamulaha schoolka Banadir Sare si
aan iskuul koo dhan wax aan ugu sheego, iyadoo intaa igu filnaan
weyday iyo schoolka ayaa waxaan tegay Tiyaartarka qaranka
Soomaaliyeed, Tiyaatarkii ayaa igu filnaanwaaye, kadib waxaan
aaday anigoo xiisaheyga waxqabad sii balaartey tiyaatarkiina
igu filnaan waayey, ayaa waxaan aaday Idaacada Radio Muqdisho
si aan umada oo dhan wax ugu sheego sida barnaamijkaygii (dhagayso
oo ku dhaqan), ilaa iyo hadana waxaan umadayda had iyo jeer
jeclahay inaan wanaaga faro habsuugaaneed ama hab tacliineed".
 

Dhanka kale, isla habeenimadiiba waxaa Jaaliyada Soomaaliyeed
ee gobolka Minisota Soo qaban qaabiyeen xaflad aad u balaaran
oo ay kula dabaal-degayeen mudane Siciid Saalax iyo bilada
aqoonsiga caalamiga ah ee uu muteystay.
 




Anagoo ah bahda Dhahar.com ee warbaahinta Soomaaliyeed ayaa
waxaan tahniyad iyo boogaadin u direynaa abwaanka waxaana
mahad uga celinaynaa aqoontiisa suugaan iyo tacliin iyo sida
ay dadku ugu liibaaneen maskaxdiisa.
Saalax Nuur Saalax
Dhahar@dhahar.com

|