Warbixin ku
saabsan magaalada Badhan.

Badhan : Magaalada Badhan
waxay dhacdaa Loolka 10o.05 Waqooyi, Dhigta 48o.33
Bari. Waxayna ka tirsan tahay Gobolka Sanaag, waxayna u
jirtaa 118km magaalada Ceergaabo oo xagga Bariga ah, magaalada
Boosaasona waxay u jirtaa 180km oo xagga woqooyi ah.
Magaalada Badhan waxa dhinaca woqooyi iyo Waqooyi Bari
kaga dhereran silsiladda buuraleyda Golis. Waxay leedahay
ceel dabiici ah oo magaaladu ka cabto , waana ceelka ay
magaca kula baxday ee Badhan, waxana uu caan ku yahay halku
dhegga ah Biyo la hubaa waa Badhan, oo ah kelmad ay bixiyeen
ciidamadii daraawiishtu xilligii ay saldhigga ka dhigteen.
Waxana ceelka ku wareegsan dhismihii taariikhiga ahaa ee
lagu yaqaaney daraawiishta.

Magaalada Badhan waxa ku nool dad gaadhaya ilaa 40.000
oo qof, waana tiro soo kordheysa, dad badan oo tuulooyinka
iyo miyiga kaga imanaya awgeed.
Magaalada Waxa ka furan afar dugsi , oo labo ay dugsiyo
sare yihiin iyo hal xadaano, dugsiyadaas waxa wax ku barta
arday gaadheysa illaa 1650 arday.

Dugsiyada quraanku waxa iyana gaadhayaan 21 dugsi quraan
, 9 masaajid oo labo kamid ah jimcaha lagu tukado.
Magaaladu waxay kale oo leedahay Isbitaal dhowaan dayactir
lagu sameeyey, uuna yaallo qalab casri ah oo ay ugu deeqday
hay,adda Al-manhal, iyo MCH .

Magaalada waxa kujira laynka telefoonada ee shirkadda Golis,
iyadoo weliba shirkaddaasi korontada magaalada gelisey ,
inkasto ay jiraan shirkado yar-yar oo korontada siiya magaalda
itaalkooda, waxa kale oo laga helaa Internet coffee-yo ,
dadku aad u isticmaalaan. Waxana ka furan idaacad FM ah
, iyadoo uu kasoo boxo wargeys labo todobaadle ah oo la
yidhaahdo Calmadow.
Dhaqaalaha magaaladu wuxu ku tiirssan yahay ganacsi ballaadhan
oo ay la leedahay dekedda Boosaaso , iyadoo maalin walba
uu ka boxo mid kamid ah labada Bas ee rikaabka u qaada magaalada
Boosaaso. Iyo xoolaha nool iyo beero aan sidaa u horumarsanayn.
Waxa soo gala afar waddo oo magaalada ku xidha magaalaooyinka
la jaarka ah sida Ceergaabo, Boosaaso , Laasqorey iyo Magaalooyinka
dhulka oogada ah ku yaal, inkastoo ay yihiin waddooyin raf
ah , oo aan nasiib u yeelan in ladhigo laami. Taasna waxa
dadku ku dhibaatoodaan xiliyada roobabka ah,oo waxyeello
soo gaadho waddooyinkaas, gaadiidkuna aannu mari karin.
Waxaa qoraalkan soo diyaariyey
Maxamuud Ciyoon /Badhan
Wargeyska Calmadow /Badhan + Horseednet.