|
Fanaan
Axmed Cali Cigaal Hab Faneed Iyo Cod Wanaag..
Fanaan
Axmed Cali Cigaal Hab Faneed Iyo Cod Wanaag. Fanka Somaaliyeed ayaa
leh Xidig Waaweyn oo Kaalin weyn ka Qaatay Hanaanka iyo Habka Faneed
ee Qaaliga ah,hadii eey ahaan laheyd dhanka Heesha,Riwaayadaha iyo
Habka Muusik Sameeyntaba, Fanaanka Qormadan ayaa intaasba ka Qeyb
Qaatay oo Xidig ku ah- AXMED CALI CIGAAL.
Lama Soo Koobi Karaayo Heesaha uu Qaado Fanaanku oo
ah Kuwo aad iyo aad u Wanaagsan Dadweynuhuna aad u Xiiseeyo,Mudo
Dheer ayaa ku Jiray Fanka Axmed,wuxuuna ku bilaabay Yaraan, Waxaan
Xusuustii Riwaayadii la Oran Jiray-Xayaas Dhega Duub oo eey Wada
Jilaayeen-Maryan Mursal,Cabadi Mux,ud Amiin Iyo Hibo Nuura oo uu
Ereyadeeda Sameeyeey-Abwaan-Sungub kana mid ah kuwo Xiisaha weyn
leh,Axmed Wuxuu ku Dhashay Degaanka Gobolka Mudug Bartamaha Dalka
Somaaliya,Wuxuuna ka Soo Jeedaa Qoys Sugaanta ku Xeel Dheer,Walaalkiis
ayaa ah Abwaan Weyn oo Curinta Heesaha ku Caan ah-C/Qaaadir Cali
Cigaal(Cirro),Fanka Somaaliyeed ayaa leh Xidigo Waaweyn Dhanka Raga
Sidda:- -Maxamed Saleebaan Tubeec,Max,d Axmed Kuluc,Xassan Aadan,
Axmed Cali Cigaal,Al-Marxuum-C/Nasir Macalin,Al-Marxuum-Axmed Mooge,
Al-Marxuuk-Cumar Dhuule Iyo Kuwo Kalleba. Heesaha Wanaagsan ee Axmed
ku Luuqeeyo Waxaa ka mid ahkuwan Tusaale ahaan:- -Isu Dhigan- Maryan
Mursal La Qaado. -Midabkeeda Dhiinka.-Ceynkii Arraweelo. -Cukuye
Howl Aduun. -Sir Haween. -Gacan Baan Siiyeey-Maryan-C/m.Amiin Iyo
Hibo La Qaado. -Ma Huraanka Ii Sheeg.Maryan Mursal La Qaado. -Allahayoow
Inoo Sahal,Khadra Daahir La qaado. -Garqaado Jaceylyow, -Gorayo
Cowl. -Waa La Isu Soo Noqon. -Dikriga. -Batalaale. -Karkaarada,Baxsan
La Qaado. -Samir,La Qaado Maandeeq(Ereyadii Cirro).
Axmed Wuxuu ka Qeyb Qaatay Kaalinta Xidigana Meteleey
Riwaayado Badan oo aad u Caan baxay eeyna Alifeey Abwaanada ku Caanka
ah Curinta Tusaale ahaan Waxaa ka mid ah:- -Riwaayadaii Caanka aheyd
Dab Jeceyl Karin-waa(Xassan Geney). -Riwaayadii Yaxaas Dhega Duub,(Sangub).
-Riwaayadii Qarni Dhoof. -Riwaayadii Dhego Roob Noqon Weeydey(Sooraan).
-Riwaayadii Biyo Sarre Tegey Waa la Sugaayaa(Dacar).
Fanaanka ayaa Heeso la Qaaday Fanaanadaha Caanka ah
intooda Badan,Weliba kuwa Codka Fiican lagu Yaqaan Sidda:-Fanaanadda
Weyn Baxsan,Khadra Daahir Cige,Maryan Mursal Ciise,Shankaroon Axmed
Sagal,Faadumo C/Laahi Kaahin(Maandeeq),Aamina C/Laahi Iyo Kuwo Kaleba.
Heesha Cigaal ayaa ah kuwo Qiimo weyn ugu Fadhiya Sugaanta Heesaha
Somaaliyeed wuxuuna leeyahay Fanaanka Cod aad iyo aad Wanaagsan
iyo Naaxiyo Macaan,Habka Saarista Muusikada ayaa ku Caan Yahay,Heesihiisa
waxaa Kalle oo Ka Mid ah:- -Meey Dhiman Suleeqe. -Geeskaaga Ila
Qabo-Shankaron La Qado,Ereyadii Marxuum Kariye. -Maba Doonayaan
In Eeynu Dowlad Ahaano. -Daraato Miyaad Ilooday-Baxsan La Qaado.
-Dab Jaceyl Kari-waa,Aamina C/Lahi La Qaado. -Wax La,aan Ha Guursan.
-Aan u Maashay, Aamina C/Laahi La Qaado. -Dad Hargeeysa Soo Maray.
-Shido Iyo Jaceylka,Iyo Heeso Kalleba. -Cawo- -Walaashay Jacalisoowy.
-Dugsi. Axmed Cali Cigaal Wuxuu ka mid ahaan Hoboladii Qaranka ee
Kooxdda waaberi intiisa Badan wuxuu Joogay Caasimadda Qaranka Muqdisho,Inkastoo
uu Intii Mudo ah Joogay Magaaladda Hargeysa Iyo Kooxda Waaberi Hargeysa,Heesaha
ku Luuqiinta ka Sokoow Axmed Heeso Badan oo Fanaanaaniin Kalle Qaadan
ayuu Saaray Laxanka Iyo Muusikadda oo uu Macalin Weyn ku Yahay,Fanaanka
ayaa Hadda Degan Dalka Canadda Welina Wadda Fankii iyo Heeso ku
Luuqeentii,Waxaana Nasiib Wanaag ah in Codkiisii Fiican oo Is-bedel
Sameeyn,Halka Xidigo Waaweyn Codkii agu Yaqiin ku Yemid Is-Bedel
Weyn,Gunaanadka Qormadan Gaaban,Waxaan Fanaanka Hawadda u Soo Marinaaya
Salaan Xurmadeeda leh,Fanaan Asali ah oo Suugaanta Heesha Somaaliyeed
ku leh Maqaam Sare iyo Kaaliin aan Duugoobiin,Heesahooguna Xul Xiisahooda
leh. -Fanka Iyo Fanaanka-
Albamkii
ugu dambeeyey ee Fanaanka Halkaan Riix
-Qorre-Xassan C/Laahi Shiikh(Xassan Carab)-
Dhahar.com
-England-UK-
|
Copyright
2006. dhahar.com. All rights reserved |
|