Fikrado

Taariikh
caafimaad
Congrats
Nalasooxiriir

BBC Audio
11:00-11:15
14:00-15:00
18:00-18:30
London time


links
Ainashe.net
Allpuntland
Allwadani
Al-Tawxiid
Bakaaraha
BBC
Biyokulule
Burtinle
Columbusstars
Dayax

Dayniile

GantaalNews

Gedonet

Goldogobsit
Halgan.net
Halgannews
Hiiraan
Hornafrik
Hornrelief
Idaadsoft
JigJiga

Kulmis

Laas-qoray
maakhir.com

Midgaan.com

Mudulood

Ogaden
Puntland-Post
QaranNews
Qorahay
Qurbojaceyl RadioLascano
RadioSanaag
Sanaag.net
SBC Online
Somaali.com
Somaliaonline
Somali-land
Somfreemedia
Somalilyrics
Somalivoices

SomaliWeyn

Togane.org

Waagacusub

Wardheernews
WidhWidhNews

HomeGabayoMurtimusicSawiroQur'anSportsForumChatEmail

Warbixin ku saabsan magaaladda dhahar

Dhahar :- magaalada Dhahar waxay kamid tahay magaalooyinka ugu waawayn woqooyi bari, waa magaala madaxda gobolka Hayland,Dhahar waxay dhacdaa barta 9.75digrii loolka waqooyi iyo 48.82digrii dhigta Bari, waxaynamagaalada Ceergaabo u jirtaa fogaan ah 220 km dhanka K/Bari, magaalada Boosaasanafogaan ah 215 km dhanka W/Galbeed.

Magaaladda dhahar ayaa waxaa kunool shacab gaaraya ilaa 52kun oo qof oo isugu jira qeybaha kala gadisan ee bani aadamka , Waxaa aad ugu xiran magaalada reer guuraa farabadan. Waxaana aad magaaladda loosoo buuxshaa xiliga xagaa baxa loo yaqaan oo dadweyne tiro badan usoo xagaabaxaan sida bilaha 5 ilaa 9 aad waxaana lagu qiyaasaa bilahaa dadweynaha ilaa 65 kun oo qof .



Magaalada Dhahar ayaa ah mid aad ugu fiican Marti galinta (Hospitality) waxaana ku yaala hoteelo oo leh restaurants gudahooda waxaana ka mid ah Hotel Midnimo.

Waxbarashada: Dhibaato ah in ardeyda u guuro dhanka Boosaaso ayaa laga soo kabtay ka dib markii loo
hawl galay in dib loofuro furitaanka dugsiga Sare, si ardayda kasoo baxda dugsiga H/dhexe ee Dhahar ay ugu gudbaan. Dugsiga H/dhexe ayaa hadda waxaa wax ku barta ilaa 780 arday, waxaana ka hawl gala 13 macallin, sida uu noo sheegay maamulaha dugsigaas Axmed Maxamed Abokor waxa dugsigu u baahan yahay deyr, musqulo, berked, fasallo dheeraad
ah iyo qalabaynba, iyadoo hadda ardaydu ku dhigtaan 7 fasal ( class rooms) labada gelinba,fasalada iyo kuraasta oo ku yar awgeed. Maamuluhu waxa uu noo sheegay inaaney wax taageero ah meella ka helin, balse uu wax ku kala wado fiiga ardayda
laga qaado oo keliya, jaaliyadahana waxaan ka sugaynaa inay wadaan D/sare ayuu yidhi.

Waxbarashadda iskuulkaalaadka magaaladda Dhahar ayaa si firfir coon u socota , maadooyinka lagu qaatona waxaa kamid ah Saynis, Xisaab , Carabi , English , Soomaali , Diin , Juqraafi , Taariikh , iyo maadooyin kaleba.

MACHADKA Caafimaadka Magaaladda Dhahar :- Magaaladda Dhahar waxaa ku yaala Machad lagu barto caafimaad dhinacyadiisa kala duwan , Machadkan ayaa furnaa muddo aan yareyn , Waxeyna gaarayaan ardeyda wax kabarata machadka 85 ardey oo barta dhinacyadda kala duwan ee barashadda caafimaadka , Waxaa sidoo kale machadka wax ka barta shaqaalaha nurseska ah ee magaaladda oo iyagu ka kororsada aqoontooda .


Sidoo kale Waxaa Magaaladda Dhahar ka jira ilaa in kabad 16 dugsi quraan iyo meelaha kale oo lagu barto diinta, Waxey sidoo kale Magaaladda Dhahari leedahay Masaajiddo gaaraya ilaa 11 kuwaas oo saddex kamid ah ay yihiin jaamacyo laguna tukadda maalinta jimcaha .

Caafimaadka :- Magaalada waxay leedahay xarumo caafimaad oo tiro badan sida Cusbitaalo , MCHyo iyo waliba Farmashiyo.

Waxaa ka hawl gala magaaladda dhahar shaqaale loo tababaray arimaha quseeya caafimaadka isla markaasna sida ay ii sheegeen qaar ka tirsan shaqaalaha caafimaadka inaaney wax mushahar ah oo la sheego aaney qaadan balse ay jirto mar mar ay Talaalo iyo sameeyaan waxey sidoo kale wax aan la sheegin ka helaan hay’addo oo ku taakuleeya mararka qaarkood daawooyin aan sidaa usii badneyn oo la dhigo MCHyadda .


Cusbitaalka guud ee magaaladda dhahar ayaa dhowaan lasoo afjarey waxaana dhismihiisa fulinayey hay’ad lagu magacaabo AL:MANHAL, oo hadana laga sugaaya qalabeynta.

Isgaarsiinta :- Dhahar ayaa aad oga dhisan dhinaca isgaarsiinta , Waxaana ka hawl gala shirkad isgaarsiineed oo lagu magacaabo GOLIS TELECOM oo iyadu si’aad ah oga shaqeysa goboladda soomaaliya , waxaana magaaladda aad oga muuqda laymanka shirkaddan galisay magaaladda oo aad u tiro badan , Waxaa iyana ka jira shirkaddo yar yar oo ka shaqeeya dhinacyadda xawilaadda iyo isgaarsiinta loo yaqaan FOONIYAHa ee taararka.

Waxaa sidoo kale Dhahar ka jira xarumo lagu isticmaalo Internet Caffeeyadda waxaana khadka siisa shirkadda golis telecom , Internetyaddan ayaa dadku si’aad ah u isticmaalaan had iyo jeerna waxaad arkeysaa in ay aad u buuxaan .

Shirkada Golis Internetka Dhahar

Korontadda :-Magaaladda dhahar ayaa sidoo kale waxaa ka jira Shirkad weyn oo korontadda siisa shacabka magaaladda dhahar dhamaantood , Waxaana shirkaddan lagu magacaabaa WAKAALADDA XOOGA KORONTADDA MAGAALADDA DHAHAR oo uu hirgaliyey ganacsadaha weyn ee reer dhahareed Cabdirisaaq daahir (Qoosh), Haddaad eegto habeenkii magaaladda dhahar waxaad aad ula yaabaysaa sida ay oga shaqeynayaa korontadda ku rakiban baalayaasha dhex mara jidadka waaweyn ee magaaladaas.


Ganacsiga :- Xaga ganacsiga magaalada ayaa ah mid marwalba siiweynaanaya waxaana suuro galiyey nawaaxiga magaalada oo leh xoola kala duwan ahna meelaha soomaaliya ugu xoolaha badan. Magaaladu waxayna leedahay ganacsiyo kala duwan, waxayna aad ugu xirantahay dekeda magaalada Boosaaso.

Magaalada ayaa ganacsigeedu uu yahay mid aad u sareeya iyada oo weliba xagga amnigana ay magaaladu aad u fiicanyahay oo aan wax cabsi ahi ka jirin inta badan waxaad suuqa magaalada iyo xaafadaha ku arkaysaa dadka koonfurta ka yimid oo ganacsada iyaga oo soo raacay amaanka magaalada dhahar ayey sifiican uga helleen amaanka iyo ganacsiga magaalada ee aadka usareeya.

Waxaa kaloo magaalada aad ku arkaysaa Bakhaaro raashinka oo aad iyo aad u farabadan iyo Dukaamo dharka u gaara iyo kuwo bagaashka ah iyo Kaalimada shidaalka iyo weliba makhaaxiyaha cuntada biibitooyina cabitaaka iyo coffeega .

Waxaa sidoo kale ka jira carwooyin lagu iibsho dharka raga iyo allaabadda kale ee ay raggu isticmaalaan sida qalabka yar yare e uduga , Waxaa sidoo kale iyana jira carwooyin lagu iibsho dharkia dumarka oo ugaar ah dumarka oo kaliya.

Sports: waxaa dhahar ka dhisan kooxo badan oo kubada cagta oo gaaraaya ilaa iyo 7 kooxood oo heerka koowaad ah.

Fanka iyo Suugaanta: Magaalada waxay caankutahay dhanka farshaxanka fanka iyo suugaanta. Hobolada codka iyo sawaxanka macaan waxaa ka mid ah Xasan mire, Liilan axmed Sardheeye, Daud Yusuf ahmed “xanfar”, Cabdiqani ahmed Olol, Qamaan abdil waaxid, Cumar Xaaji “George Haji”, Mustafe Xasan, Kowsar ilka-cas, Nawad geele, Khadra Classic, Abdifatax xassan aadan, Cali Dhuux Sicid, Axmed Dhuguf, iyo kuwa kaloo badan….

 

 

 

Nabadgelyada magaalada Dhahar ayaa ah mid xasilloon, waxaana si rasmi ah gacanta
ugu haya odayaasha iyo wax garadka degmada oo kaashada saldhigga Booliska ee Dhahar
oo si habasami ah ula shaqeeya duqaytida, C/laahi Cabdi Shabeel oo ka tirsan
waxgaradka Dhahareed ayaa noo sheegay inay jiraan guddiyo kala duwan oo odoyaal ah
sida guddida nabadgelyada iyo khilaafaadka, guddida waxbarashada, guddida
caafimaadka, iyo guddida ilaalinta deegaanka iyo ciidan xoogan oo dhawaan loo dhisay iney ilaaliyaan deegaanka.

Ururo bulsho oo kala duwan ayaa kajira magaalada Dhahar, kuwaas oo isugu jira ururo
haween iyo kuwo dhalinyaro intaas waxa dheer urur sama fal oo wadani ah.

Fardaha: Magaaladani waxay caan ku tahay dooxooyinka iyo dhul daaqsimeedka xoolaha afarta
meesi kuwada dhaqmi karaan, gaar ahaan fardaha nooca gobolka Sanaag caanka ku yahay
ee SUNAARIGA oo ka jaan guuray inta kale ee ee Soomaaliya, in kastoo abaarihii sanadihii lasoo dhaafay ay tirada Gammaanka hoos u dhigtay.


 

Dhahari Qaalisanaa

Daymadow qurxanaa

Qalbiga deeqi ogaa

Cimiladeeda qabowgiyo

Kulaylka isugu qaybsan

Qof bartaa jecelaa!!!

by Colonel Maxamud C. Fooldhuub)

Waxaa diyaariyey warbixintan
Maxamuud Ciyoon (wargayska calmadow)
Cismaan Abdi Qodax (dhahar.com)


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Copyright 2004. dhahar.com. All rights reserved