HomeSuugaanSportsSawiroHistoryQuraanTahniyadForumContactEmail

Abwaan Xassan Xeyle (1888-1955)

Milicsi Taariikheed:- Abwaan Xasan Xayle wuxuu noolaa waqtiyadii daraawiishta iyo ka hor wuxuuna Abwaanku badanaa gabayadiisa ku saleyn jirey cariga uu ku dhashey, dadkiisa, xaaladaha waagaas jirey, iyo kuwa qiiro wadaniyeedba leh. Xasan Xayle wuxuu ahaa nin Qurbaawi ah marna aan dhulkii uu ka yimid ee gobolka Sanaag aan ka maqnayn. Inshallaha, Inkastoo abwaanku uu tiriyey gabayo fara baddan oo aan badankood la hayn, waxaan hadda idiin soo gudbinaynaa qaar ka mid ah gabayadiis. Gabay kasta waxaa ka soo horeeya Arar yar oo muujineysa gabayga ujeedadiisa iyo micnihiisa gaar ahaaneed.

Looma Taag Hello

Gabaygan waxa tiriyay abwaan Xasan Xayle waxana ku kalifay nin la odhan jirey Aw-yuusuf ayaa ku yidhi waxaynu aadaynaa Sooomaaliya 1915kii si aad u guursatid gabadh yar , waa adiga habraha guursade e, waana ku adkeeyey, ka dib abwaanku wuxu ku yidhi “ aw yuusufow warqad ii qor ,” waxa uu aw yuusuf u qaatay inuu u dirayo walaalkii Yuusuf Xayle oo jira Ingiriiska , wuxuna Xasan Xayle yidhi warqadda waxan ku idhaahdo ku qor waa inaad ku qortaa, wuxuna yidhi:

Talo xumo todoba jeer nin falay haatanna u taagan

Oo aan naftiisa u turayn looma taag helo e

Nin tashiga tolkii aan ka maqal tabarna keenaynin

Oo aan wax taaryoonkarayn looma taag helo e

Taag malaha aadmiga ninkii tawstu qabataaye

Taah gaban ah baa loo dhintaa taabashada mawde

Inkastoo qardhaas lagu toxoo culimo loo tuunsho

Haddii mawdku kugu taagan yahay looma taag helo e

Tuun tuunka xoolaha ninkii taabka loo geliyo

Tallaabaduu dhaqaaqaba hadduu tiro macaashaayo

Isagoon tartiib dhaqanin buu taajiraa subaxe

Haduu khayrku kugu soo tacjilo looma taag helo e

Taw tawle aan edeb lahayn lagu tilmaan ceebe

Tuunkii la joogaba hadduu faan ka tirinaayo

Ninka hadalku tuumaajka yahay looma taag helo e

Hadduu wiil tallaabada xarago temeshle tiicaayo

Oo toosan inan doono oo tiriyo maalkiisa

Haddaan meherka lagu soo tixgelin looma taag helo'e

Tuko lagama karo wiil ibleys turub u qaadaayo

Inkastoo tikaab iyo quraan lagu tiraabaayo

Haddaan toobad lagu soo alhumin looma taag helo e

Haddii naagi tiirkay fadhidey loogu tegi waayo

Inkastoo tib weyn lala dhocoo tumaha loo qaado

Waa tacallin ay baratay oo looma taag helo e

Ninkii tiisa kaa buuxsadoo taadana aan yeelin

Oo maalintuu toogo rabo kuu tol noqonaaya

Oo maalintaad taag xun tahay kaaga taga hawsha

Cadowgaan turriinshaha aqoon looma taag helo e

Tiiraanyo iyo ciil ninkii tahan madoobaaday.

Mar haddaanu tumaatiga wadnaha tahar wax dhaafsiinin

Oo aanu xumaanta iska tirin looma taag heloe

Waxba gabaygu yuu ila tegine waxan kusoo teeday

Tabaalada aduunyadu ka fudud taayir neefsaday e

Ilaahay ninkuu toosiyaa taawilaad hela e

Tii eebbeheen waxan ahayn toogo lagu waaye

Waxba hay tetebin Yuusufow taranku meesheede

La isma Beensado

Gabaygan Xasan Xayle wuxuu u tiriyey 1933 Maxamoud Maxamed Xamuurada iyo wiil walaalkiisa ahaa oo yar wuxuu soo baxay mudo hada laga joogo dhowr iyo lixidan sano wuxuuna yiri sidan abwaanku


Bilow dunidu waa bil iyo laboo la isma beensado e,

Hadba naas bacdiga naas ayaa lays bedelayaaye.

Bini aadamkay waxay u tahay beyd cibaaro ahe.

Ilaahay kuwii beeniyeey boog ku noqotaaye.

Mucjisooyin badan baa jiroo loo baraarugo e

Bad wixii ku jira iyo berriga uunka badan yaallo

Wax bannaanka joogiyo waxay buurtu qarinayso

Baal waxa ku duuliyo wixii beer ku soconaaya

Buuraha kuwaa lagu gudbiyo beleda reer Juuja.

Uumiyaha ilaahay badshiyo bahina Xaawoo dhan

Bogii gaajo haysaba ilaah buuxiyaa jira e

Bud haddaan la dhiginoo xabaal bedenka loo jiifin

Haw biqin addoon baahan waa beri wax loo dhiibye

Boodh wuxu lahaadaba mar baa loo balliqi khayre

Ilbaxnimo

Gabaygan waxa tiriyey Alla ha u naxariistee Xasan Xayle, xilliyadii waxa ilbaxnimada la moodo inoogu horreysey 1929, dumarkuna bilaabeen socod xumada, ragguna bilaaabay Balwadda, , ayna soo baxeen Raadiyeyaashu, wuxu yidhi isagoo ku hal qabsanaya nin isaguna gabyaa ahaa oo Jaamac Maxamed Samakaab la odhan jirey,sidan :


Beryahan Jaamacow gabaygu waa iga jihaasnaaye.

Waa taan ka jeestaye waxigu jeediyaa yimiye

Qof jawaabay meel dheer beryuu juuq dhegeysadaye

Jibaal kula hadlaayaan qofkii joogey la arkaynin

Oo saacaddaa jaahisoo meesha kula jooga

Oo odhan Japan iyo dhul baan jaadhe ka hayaaye

Maxaa laga jeclaadaa qalbigu Jaamacow socoye

Wiil labaatan jira waalidkii dhalay jigraaraaya

Oo culimadii jaarka iyo ehelka jiidhaaya

Oo baarka laga jaaso iyo jooga meel karaha

Oo jiinka gaaladu cabtiyo biirka jebinaaya

Oo Macallo jaankeeda iyo Cadan ka jaacleeya

Allayelehe jidkii waa ka baxay jaaniska lahaaye

Maxaa laga jeclaadaa qalbigu Jaamacow socoye

Naagaa ku jiidhaaya aan jaaha qarinaynin

Oo weliba kugu joogsadoo kula jalbeebaaya

Oo ay jawaabtoodu tahay jaanta ila raaca

Shaydaamadii jahanamaa jeegadow lulaye

Allaylehe xilkii waa jareen jawharta ahaaye

Maxaa laga jeclaadaa qalbigu Jaamacow socoye

CABASHO LAASQORAY.

Gabaygan Xasan Xayle wuxu tiriyey 1955kii, xilli laga guurey magaalada Laasqoray, oo ay noqotay cidla, wuxuna yidhi :


Cishadaan ka degey Laasqoray cabatay dhowr jeere

Waxan idhi maxaad la cartantoo kuugu culus maanta

Waxay tiri kuwii cid iigu xigey wayga carareene

Waxay tiri cirooliyo wadaad ima ciseeyaane

Waxay tiri caruurtaan dhalay Cadan u dhooofsheene

Waxay tiri haddii lay camiro waan abaal celine

Ciidayda keliyaan malyuun cadad la siisteene

Badda ceeligeediyo marsadu waa I caawiyine

Maruun bay maraakiib camiran caasha soo dhigane

Waxay tiri caddaan iyo madow coonka waa imane

Waxay tiri kuweer cararayow ceelkii waa aniye….

IL KALA QAAD

Gabaygan Xasan Xayle wuxu tiriyey xilligii dabaysha xornimadu bilaabantay , waxana uu maqlay heestii ahayd “ sida qaalin geel ama qayl dameer yaan layna soo qaban, nafta waala quudhaa “, waxana uu yidhi sidan:

Ingiriis qunbaa lagaga xidhay qaaraddoo idile

Qaybtii Hindiya kama degaan qaraflayaashiiye

Qaramoobe reer Pakistan waxay qaleyaanba

Jinaax qaadey madaxweynihii ugu qabweynaaye

Masar qaabil iyo toos markay weerar ugu qaadday

Ay qiiradoodii arkeen qaansadiyo leebka

Qurux ugama guurine naftay kala qammaadeene

Qoorkii Suweysiyo ka carar Niilkii Qaahira e

Cid weliba qax bay tiri ninkii qaa”inka ahaaye

Hadduu qoobaddeennii yarayd qool la roor yahaye

Faransiis Lubnaantuu qabsaday kama qadeeyaane

Qalalaasihii kaga dhacuu qawda la hayaaye

Qanac buu ka joogsaday dhulkii qaaliga ahaaye

Waa kaa Jabuuti u qulqulay qubanihiisiiye

Qoladeenna Soomaaliyeed waa la qoonsadaye

Qori qori ku taag bayna diley xaajo qaamuda e

Xalay baan qawaankii cirkiyo eegay qamarkiiye

Xiddigii qalloocnaan jiraa soo qamaatiyaye

Teer iyo qiyaamaha nasrigu wayna qaabiliye

Sida uu Quraankii alliyo qiray rasuulkeennu

Wax la yidhi Islaamkaa qawiya qiilna waa heliye

Qoortaa la jebin gaaladii qudhunka weyneyde

Nafta quudha nuurkii xornimo waa il kala qaade

Sida qaalin geel iyo gammaan yaan naloo qabane

Qoomow kacaay taladu yey qoonsimaad noqone

Fadlan hadii aad heyso gabayadii abwaanka iyo taariikhdiisa, gaar ahaan gabayadii schoolaadka lagu dhigi waqtigii dowladii hore. waxaad nagala soo xiriiri kartaa oo aad noogu soo hagaajin kartaa emailada kala ah


aomar13@gmail.com

dhahar@dhahar.com

Copyright 2006. dhahar.com. All rights reserved