|
Ciyaaryahan u dhashay
cariga Masar, ee noqday ciyaaryahanka aduunka ugu koobabka
badan.
Dhahar.com:
Hassan Hossam, oo ah ciyaaryahan qaran iyo waliba mid caalami,
oo u dhashay wadanka Masar. Waxa uu noqday ciyaartooyga aduunka
ugu koobabka badan sanad kii 2001, kadib markii uu ka koobab
batey ciyaar yahan u dhashay German oo lagu maga caabo Lothor
Matthous oo lahaa 150 koob.
Ilaa iyo imika Hassan oo sii koobab badsanaya ayaa wuxuu
heystaa 162 koob. Waxaana ugu soo dhow hanashada koobabka
ciyaaryahan ka ciyaara difaaca ee u dhashay wadanka Mexico,
Claudio Suarez oo isna qaaday koobkii 151 dabayaaqadii sanadkii
2001.
Hassan oo ka hadlayay xaflad lagu maamuusayay munaasabadaan,
ayaa si farxad iyo rayn rayn u muuqata u yiri "aad ayaan
ugu faraxsanahay ciyaartoyga aduunka ugu caansan (hall of
fame)". Waxa oo kaloo uu intaa raaciyey: " waxaa
kaloo farxad weyn ii ah in la yiraahdo waxaa libtaas gaarey
ciyaaryahan masar ah, amaba carab ah.
Hassan
waxa uu hada ku hami weyn yahay in uu gaaro ciyaartooyga aduunka
ugu goolasha caalamiga badan, Ferenc Puskas, oo leh 83 gool
oo caalami ah. Hassan waxa uu imika heystaa 74 goal oo caalami
ah.
Ciyaaryahanku waxa uu waqtigan xaadirka ah u cayaaraa naadiga
caanka Al-Zamalek ee wadankiisa hooyo.
Hassan waxa uu horaantii 90 meeyadii ka soo ciyaarey kooxa
Yurub ah oo ay kamid yihiin naadiga Puek ee cariga Giriiga,
iyo Xamax ee ah naadi Switzerland.
Dadka intiisa badan waxay filayeen in Xassan uu u gudbi doono
kooxaha waaweyn ee Yurub, laakiin waxaa uu door biday in uu
ku soo laabto wadankiisa iyo kal gaceyl uu u qabay dhulkiisa
hooyo.
Saalax Nuur Saalax
dhahar@dhahar.com
|