Roy keane oo laga
mamnuucay ciyaarta soosocota ee leage UEAFA League, iyo
wararkale oo la xiriira UEFA League
8/3/04
(dhahar.com)Roy
keane oo ah Captanka iyo ciyaartooyga ugu firfircoon kooxda
Manchester United oo kamid ah Kooxaha Ingiriiska, ayaa waxaa
laga fariisin doonaa hal ciyaar, kadib markii uu lug ku
dhuftey gool hayihii kooxda Porto ee ciyaartii lasoo dhaafay,
waxaana lagu cayaarey Portugal halkaasoo ay porto kaga badisay
kooxda Manchester 2-1.
ciyaarahan oo ah ciyaaro kooxdii laga raayo ay hooyan doonto
"knockout" ayaa waxaa uu Roy ciyaari doonaa Simi-finalka.
waa su'aal da'weynee, Manchester ma u dhitin doontaa laacibkooda
oo ka maqan, mise way imaankaraan simi-final?
Ronaldo oo dhaawacmay.
Ronaldo oo ah ciyaartooyda goolasha dhaliya kooxda caanka
ah ee realmadrid, ayaa isagana waxaa laga baqayaa in uu
gafo ciyaar aad u culus oo soo food heysa, oo ay laciyaari
doonaan Bayer muniq.
Ronaldo wuxuu ku dhaawacmay ciyaartii shalay ay laciyaarayeen
kooxdii santander oo kudhamaatey 1-1.
Taqtarka kooxda real madrid, Dr: Alfonso del corral ayaa
wuxuu sheegay "saan aad aya uga darnaan lahayd, laakiin
hada wuu umalaynmaayo inuu ciyaari karo ciyaarta soo socota
ee Bayer muniq.
waxaa kaloo isna kooxda ka fadhiya, Roberto Carlos, kadib
markii isna UEFA ay ka mamnuucday falxumo owgeed uu sameeyey
ciyaartii lasoo dhaafay.
Barbaarta dhahar.com