Fikrado

Taariikh
caafimaad
Congrats
Nalasooxiriir

BBC Audio
11:00-11:15
14:00-15:00
18:00-18:30
London time


links
Ainashe.net
Allpuntland
Allwadani
Al-Tawxiid
Bakaaraha
BBC
Biyokulule
Burtinle
Columbusstars
Dayax

Dayniile

GantaalNews

Gedonet

Goldogobsit
Halgan.net
Halgannews
Hiiraan
Hornafrik
Hornrelief
Idaadsoft
JigJiga

Kulmis

Laas-qoray
maakhir.com

Midgaan.com

Mudulood

Ogaden
Puntland-Post
QaranNews
Qorahay
Qurbojaceyl RadioLascano
RadioSanaag
Sanaag.net
SBC Online
Somaali.com
Somaliaonline
Somali-land
Somfreemedia
Somalilyrics
Somalivoices

SomaliWeyn

Togane.org

Waagacusub

Wardheernews
WidhWidhNews

HomeGabayoMurtimusicSawiroQur'anSportsForumChatEmail

Kala Soco Ciyaaraha @ dhahar.com

Boqorka Kubada Cagra

 

 

Ciyaaryahankii hore ee 60 meeyadii iyo 70 meeyadii ee u dhashay wadanka Brazil, lana magac baxay Pele oo loo maantana loo aqoonsanyahay ama loo yaqaana inuu yahay boqorka kubada cagta, isla markaana ah ciyaaryahanka ugu caansan dunida oo idil. Pele waxa uu ku dhashay Edson Arantes do Nascimento taariikhdu markay aheyd 23dii october 1940kii waxa uu ku dhashay magaalo aad u yar ee lagu magacaabo Tres Coracoes (sadexwadnood) gobolka Minas Gerais.

Muxibada iyo kalgacaylka uu u qabo Pele cayaaraha ayaa waxaa la moodaa in ay xididada dhiigiisu ku shaqeeyaan tan iyo goortuu dhashay. sidoo kale Aabihiis Dondinho(joao Ramos Do Nascimento) waxa uu ahaa ciyaaryahan caan ah oo ka ciyaara xaga weerarka ama afka hore, qatarna ku ahaa madaxa(teesto) wuxuuna u cayaari jiray kooxda Fluminense, balse nasiib daro ma noqon mid sii wada cayaarta cudur aan la daaween karin xiligaas aawadeed. pele hooyadiis waxaa la yiraahdaa Maria Celeste. faamilkiisa waxa ay u guureen magaalada Bauru ee Sao Paulo,

Markii uu pele gaaray da'da lagu cayaaro kubada waa ay ka muuqatay firfircoonidiisa
maadaama uu ka dhashay qoys dan yar ah, pele isaga ayaa caawinjiray waxayna shaqadiisu aheyd kabo caseeye ama baalashle. balse waxay ugu farxad badneyd marka uu la cayaarayo kubada saaxiibadiis. had iyo jeerna waxa uu ku taami jiray in uu u cayaaro koox sida aabihii oo kale.

kadib markii u u cayaaray dhowr kooxood oo kala duwan sida kooxda Baquinho, Sete de setembro Ameriquinha, pele waxaa soo caanbixiyay Waldemar de Brito oo ahaa cayaaryahan u cayaarayay qaranka waldemar ayuu ahaa qofka ugu horeeya ee arkay sida qibrada leh uu u cayaraayo isla markaan waxa uu u geeyey Atletico Bauru FC isagoo jira Toban sano oo kaliya.

Pele markii uu noqday 15jir 1956kii waldemar waxa uu ku dhiiragaliyay inuu u soo guuro magaalda Santos FC waa magaaladii lagu qabtay cayaartii ugu horeeysay ee pele uu cayaaro september 7 1956dii waxa uu buuxiyay booska del vecchio oo markaas maqnaa isla maraana wxuu u dhaliyay goolkii 6aad ee 7-1 ciyaartaas ku dhamaatay.

Zaluar oo ahaa goolhayahii ugu laacibsanaa dunida xiligaas ayaa wuxuu sheegay inuu pele ahaa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee gool ka dhaliya,
Sylvio Pirilo oo ahaa tabobaraha qoranka Brazil ayaa ku soo daray pele ciyaaraha aduunka isagoo 17jir ah, ciyaartii ugu horeeysay waxa uu la cayaaray Argentina 7dii july 1957dii waxayna ku guuldareystay Brazil 2-1 inkastoo halka gool ee kooxda uu dhaliyay pele.

 

 

jariirad Fransiis ah ayaa ku magacoowday pele boqorka sanadkii 1961gii, kadib markii uu u cayaaray kooxda Santos ee Yurub dhowr jeer oo kaliya.
Pele waxa uu ka qeebqaatay 4 jeer ciyaarha aduunka 1958dii Sweden; 1962dii chile; 1966dii England; iyo 1970kii Mexico. Afar iyo Toban jeerna wuxuu u cayaaray Kooxda qaranka 12gool ayuu dhaliyay.

Pele ciyaartiisii ugu horeeysay ee koobka aduunka waxay isaga soo horjeysteen midoowgii sofiyeeti sanadkii 1958 Sweden wareegii sadexaad ee tartanka ayaa Brazil ku garaacday Austria 3-0 Englandna 0-0 pele waxba ma dhalin laakiin Brazil waxa ay ku guulaysatay 2-0 labada gool waxaa u dhaliyay Vava.

ciyaartii xigtay ee ay Brazil la cayaartay Wales oo ah koox ingiriis ah, pele ayaa dhaliyay goolkii ay kaga guuleysteen England kaasoo kooxda ingiriiska ay ku hartay Brazilna u gudbiyay semifinalka. pele wuxuu guul u qaaday Brazil sadex jeey oo ay la cayaareen kooxaha Fransiska 5-2 sadex ka mid uu isaga dhaliyay labda kalena vava iyo Didi ay kala dhaliyeen. fiinalkii oo ay la cayaareen kooxda Swedenka vava iyo pele ayaa kala dhaliyeen labo labo midka shanaadna uu dhaliyay Zagalo waxayna ku garaaceen kooxda sweden 5-2 isla markaana la godoonsiiyay koobkii aduunka.

cayaartii lagu furay ciyaarahii aduunak ee lagu qabtay wadanka chile sanadkii 1962dii oo ay la cayaareen mexico pele waxa uu dhaliyay mid ka mid ah labadii gool ee ay ku guuleysteen. 2-0
cayaartii labaad oo ay la cayaareen wadanka czechoslovakia muruq ayuu ka dhaawacmay, cayaarihiina uu kaga fariistay, waxaa badalay cayaaryahanka Amarildo, balse Mane garrincha ayuu ahaa qofkii u horseeday guushii labaad ee koobka aduunka.

cayaarihii aduunka ee lagu qabtay england sanadkii 1966kii Brazil waxay kaga guulaysatay Bulgaria 2-0 wareegii koobaad, pele iyo Garrincha ayaa u kala dhaliyay labada gool oo ay ku guuleysteen
Brazilna waxaa 3-1 ku garaacay kooxda hungary sidoo kalena Portugal ayaa ku garaacday 3-1 halkaas ayayna ku hareen Brazil wadankoodii ayay dib ugu soo laabteen. balse pele ayaa ka baxay garoonka kadib markii ay waxyeelo fara badan u geeysteen difaacii Portugal

1970kii cayaarihii aduunka ee lagu qabtay Mexico, pele waxa uu soo bandhigay wacdaro cajiib ah taasoo Brazil ku guuleeysatey koobkii sadexaad ee aduunka.
hase ahaatee pele farsamooyinka cayaarahiisa ayaa ka mid noqdeen kuwo ku saleeysan taariikhda kubada cagta aduunka. waxaa ka mid aheed dhacdadii Gordon Banks(goolhayihii England)uu ka qabtay kubadii uu pele madaxa ku laaday. waxaa aheed badbaadadii ugu wanaagsaneed tartanka oo dhan. waxaa kaloo dhacday in pele kubad uu bartanka garoonka ka soo laaday kaga dhaliyay goolhayihii Czech macquul la noqon weeysay.

Pele cayaartiisii ugu dambeeysay oo Brazil u cayaaray 1971gii waxay isaga soo horjeesteen Yugoslavia ee maracana oo ahaa isla istaadiyamkii uu ka bilaabay ciyaarihiisa, 1957dii 14 sano ka hor. isagoon wax iska badalin oo sidiisii u dhisan inkastoo uu kala soo kulmay dhibaatooyin fara badan ciyaarihii koobka aduunka ee 1974tii.

waxa uu xiriir la yeeshay naadiga New York Cosmos, halkaas ayuuna ku daba jaray Aqoontiisii kubada cagta kadib markii uu ka cayaaray sedex xili oo kala duwan.
hase yeeshe pele waxa uu ahaa ciyaaryahanka aan ilaa iyo hada wax la mid ah dunida lagu arag, waxa uu haybad u lahaa dhamaan farsamooyiinka loo adeegsado kubada, waxaa ka mid ah Qeeybinta, shuutka, xawaarinta iyo contarool la yaableh.

 

pele waxa uu horseed u noqday naadiga Santos inuu ka dhigo midka Aduunak ugu caansan, wuxuuna ahaa ciyaaryahanka ugu goolasha badnaa 11jeer Jiirooniga Sao Paulo. (1957/58/59/60/61/62/63/64/65/69 iyo 73) wuxuuna xiray record tira badnida goolashiisa ee hal jiirooni oo kaliya 1958dii koow iyo toban jeer ayaa Abaalmarin la siiyay lana godoonsiiyay ciwaano fara badan. wuxuu ahaa qofka kaliya ee ku guuleystay sadex koobabka aduunaka ah(1958,62,70) waxa uu dhaliyay gabi haanba 1,279 goals waxaana loo doortay ciyaaryahanka qarniga 1980kii.

Qore: Abdi Casiis Ahmed Salah

 


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Copyright 2004. dhahar.com. All rights reserved